Raadso daryeel

Maxaa la sameeyaa haddii aad xanuunsato

Om du blir sjuk - Kronoberg - somaliskaThe content concerns Kronoberg

Hagaha daryeelka caafimaadka ee gobolka Kronoberg. Waxaa jira rugo caafimaad oo kala duwan oo aad aadi karto si aad u hesho daryeel caafimaad haddii aad xanuunsato. Halkan waxaad ka ogaan kartaa rugta caafimaad ee ugu haboon, taas oo ku xidhan dhibaatooyinkaaga ama baahiyahaaga.

1177.se – talo bixin online ah

www.1177.se waa bog internet ah oo ay ku qoranyihiin macluumaad ku saabsan qawaaniinta iyo xuquuqaadka, macluumaad ku saabsan calaamadaha iyo xanuuno badan, iyo waxaa aad adigu laftigaagu samayn karto si aad naftaada u caawiso inay ladnaato. Macluumaadka waxaa lagu heli karaa luuqado badan oo kala duwan.

1177 – talo bixin dhanka talefoonka ah

Waxaad wici kartaa 1177 si aad ula hadasho kalkaaliso. Kalkaalisadu waxay ku hadashaa Af Iswidhish iyo Af Ingiriisi. Waxa kale oo heli kartaa talo ku saabsan waxa aad adigu laftigaagu samayn lahayd iyo meesha aad  caawimo u aadi lahayd. Khadka taleefanka ee 1177 waa uu shaqeeyaa 24-ka saac.

1177 direkt – loogu talo galay daryeelka caafimaadka dhijitaalka ah

Waxaad geli kartaa ‘1177 direkt’ adigoo isticmaalaya BankID kana jawaabaya su’aalo ku saabsan calaamadaha aad isku aragtay. Calaamadahaas waa la qiimayn doonaa kadibna waxaad awood u yeelan doontaa in aad la tashi muuqaal ah la yeelato xirfadle caafimaad. Haddii laga maarmi waayo, ballan ayaa laguugu qaban doona xarunta caafimaadka. Adeegu Waxaa lagu helayaa Af Iswidhish waxaanu furanyahay 8-14:30 maalmaha shaqada.

Xarunta caafimaad – meesha ugu badan ee la doorto

Marka aad jirantahay ama dhibaato ku haysato oo aad u baahantahay inaad raadsato daryeel caafimaad, badanaa waxaad aadi doontaa xarun caafimaad. Xarumaha caafimaadku way furanyihiin saacadaha maalintii ee maalmaha shaqada. Wac Xarunta caafimaadka si aad ballan usii qabsato goor hore subuxii.

Xarunta caafimaad saacadaha shaqada ka baxsan – haddii aad xanuunsato fiidkii ama maalmaha fasaxa

Marka xarunta caafimaadku xirantahay ee aad xoog u jirantahay oo aanad sugi karin inta la furayo xarunta caafimaad , waxaad aadi kartaa xarunta caafimaad ee shaqaysa saacadaha shaqada ka baxsan.

Xarunta caafimaadka ee saacadaha shaqada ka baxsan shaqaysa ee Växjö

Saacadaha shaqada: Isniin illaa Jimce 5 fiidnimo illaa 9 habeenimo, Sabtida iyo Axada 8 subaxnimo illaa 9 habeenimo. Si aad ballan u qabsato wac: 0470‑58 78 00
Cinwaanka: Södra Järnvägsgatan 22, Växjö.

Xarunta caafimaadka ee saacadaha shaqada ka baxsan shaqaysa ee Ljungby

Saacadaha shaqada: Sabtida iyo Axada 12 duhurnimo illaa 5 fiidnimo. Si aad ballan u qabsato wac: 0470‑58 78 00
Cinwaanka: Xarunta caafimaadka Sländan ee ku taala Kungshögsgatan 25 ee Ljungby.

Waaxda gargaarka degdega ah – haddii aad si ba’an ama si xun u xanuunsato

Waaxda Gagaarka Degdega ah waxay xanaanaysaa bukaanada degdega ah. Waxaad u tagi kartaa waaxda gargaarka degdega ah si aad u hesho daryeel caafimaad haddii ay kusoo waajahdo xaalad shil halis ah ama jirro daran. Qaybta gargaarka degdega ah waxay furantahay 24-ka saac maalin kasta. Waxaa kale oo jira Waaxda gargaarka degdega ah ee xaaladaha caafimaadka maskaxda.

Waaxda Gargaarka degdega ah ee Växjö, cinwaanka: Södra Esplanaden 2 A, Växjö

Waaxda Gargaarka degdega ah ee Ljungby, cinwaanka: Kyrkogatan 2, Ljungby

Waaxda Gargaarka degdega ah ee jirada maskaxda ee – Si aad ballan u qabsato wac: 0470‑58 61 00, cinwaanka JF Liedholms väg 7, Växjö

Rugta gargaarka degdega ah ee caruurta – ee loogu talo galay caruurta da’doodu ka yartahay 18 sano

Rugta gargaarka degdega ah ee caruurtu waxay furantahay 24-ka saac maalin kasta, waxaana lagu qaabilaa caruur aad u xanuunsanaysa, caruurta aadka u yaryar iyo caruurta la nool xanuunada ee la il daran dhibaatooyin daran. Si aad ballan u qabsato ama tilmaamo u heshid wac: 0470‑58 83 00.

Wac 112 – haddii ay jirto xaalad degdeg ah

Wac taleefanka tirada 112 haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah. Haddii loo baahdo waxaa lagu soo diri doonaa gaadhi dhooli ah/ambalaans si uu kuu geeyo qaybta gargaarka degdega ah.

To the top of the page