Calaamada cudurka/cudurka

Maxay tahay naafanimada xagga garaadku?

Intellektuell funktionsnedsättning - andra språk - sydöstra sjukvårdsregionen - somaliska
The information concerns Kalmar län

Badanaa waxaa la dhahaa oo keliya IF marka laga hadlayo naafanimada xagga garaadka.

IF waa xaalad. Xaalad, waa magaca loo yaqaan
culeysyada qofka haysta.

Badanaa lama oga sababaha qofka u
keena IF-ta.
IF-tu waa wax uu qofku qabayo noloshiisa oo dhan.

Haddii aad hesho taageero sax ah wax badan ayaad ka bixi kareysaa

Adigaaga qaba IF-tu waxaad u baahan kartaa waqti ka dheer dadka kale
iyo caawimaad dheeri ah si aad waxyaabaha u barato.

Waxaad u baahan kartaa inaad si dheeri ah u tababbarato, si aad waxyaabo cusub uga baxdo.
Dadku isku aqoon ama awood maaha.

Waxyaabaha nolol maalmeedka ka midka ah qaarkood waxaad u baahan kartaa in lagaa caawiyo.
Waxaa kugu adkaan karta inaad waqtiga dhowrto,
iyo inaad ogaato sidii aad ku tegi lahayd meeshi kugu cusub.

Waxaa kugu adkaan karta inaad ogaato
inta lacag ah ee kugu filan.

Waxaad u baahan kartaa in lagaa caawiyo inaad macluumaadka fahanto
iyo inaad foomamka buuxsato.

Qaar badani waxay caawimaad ka helaan guudmaan.
Guudmaan waa qof qofka ka caawiya
waxyaabaha ku adkaan kara.

Ungdom får stöd av vuxen

Baxnaanada[habiliteringen]

Baxnaanadu waxay kaa caawin kartaa inaad keligaa
ka adkaato waxyaabaha qaar.

Waxaad ka heli kartaa qalab aad kaashato
si ay sida ugu fiican kuugu shaqeyso nolosha
guriga ama goobta shaqadu.

Haddii aad dareemeyso welwel ama istarees
waxaad la hadli kartaa qof baxnaanada ka shaqeeya.

Waxay baxnaanadu kaa caawin kartaa si aad u hesho
taageerada aad xaqa u leedahay iyo caawimaadda aad u baahantahay.

To the top of the page