Calaamada cudurka/cudurka

Maxaa sabab u ah baahi u qabida kaalmo garad[intellektuell funktionsnedsättning]?

Intellektuell funktionsnedsättning - andra språk - lättläst för barn - sydöstra sjukvårdsregionen - somaliskaThe content concerns Kalmar län

Baahi u qabid kaalmo garad magaca kale oo loo yaqaan waa IF.

Lama garanaayo waxa sababta u ah baahi u qabida kaalmo garad[IF].
Waxaa sabab u noqon karo arrin dhacday
inta uusan canuga dhallan.

Waxaa suurtagal ah inuu canuga xanuunsaday
markuu dhashay ama xilligii uu canug aad u yar ahaa.

Baahi u qabida kaalmo garad[IF] waa wax qofka noloshiisa oo dhan uu ahaan.

Haddii aad heshid kaalmo sax wax badan baa qabsankarta

Qofka oo baahi u qabo kaalmo garad wuxuu u baahanyahay wakhti dheeri
iyo caawinad markey noqoto waxbarasho.

Qofkas waa inuu koow tababarasho badan suubiyo, markas kadib buu ficilada cusub suubinkara.
Bina’aadamka waa kala duwanyahiin.
Dadka qaarkood waxey u baahanyahiin qof weyn oo caawiyo.

Waa suurtagal inaa adiga u baahantahay qof kaa caawiyo barashada akhrinta, xisaabinta iyo qorida.
Waxaa laga yaabaa inaa u baahantahay qalab farsamo oo ku caawiyo.

Waxaa laga yaabaa inaa u baahantahay caawinad oo wakhti xasuusin,
ilaa intee oo wakhti bey qaadan suubinta hal ficil,
ama marka aad meel cusub aadeysid kula tago.

Waxaa laga yaabaa inaa u baahantahay caawinad oo laguu qubeeyo iyo ilkaha laguu cadeeyo.

Xaruunta dib u tababarida jirka[habiliteringen]

Xaruunta dib u tababarida jirka waxaa adiga iyo
waalidkaada ka heleysiin aqoon ku saabsan waxa sababta u ah baahi u qabida kaalmo garad.

Xaruunta dib u tababarida jirka waxey idinka caawinkarta
waxyaabaha idinku adag.

Meeshas waxaa joogo shaqaalo oo caafimaadka kala sheekeysankartid,
haddii ey jiran wax aad dooneysid in lagaa caawiyo
ama dooneysid inaa su’aalo weeydiisid.

To the top of the page