Maxay tahay naafanimada xagga garaadku?
Intellektuell funktionsnedsättning - andra språk - lättläst för ungdom - sydöstra sjukvårdsregionen - somaliskaBadanaa waxaa la dhahaa oo keliya IF marka laga hadlayo naafanimada xagga garaadka.
IF waa xaalad. Xaalad, waa magaca loo yaqaan
culeysyada qofka haysta.
Badanaa lama oga sababaha qofka u
keena IF-ta.
IF-tu waa wax uu qofku qabayo noloshiisa oo dhan.
Haddii aad hesho taageero sax ah wax badan ayaad ka bixi kareysaa
Adigaaga qaba IF-tu waxaad u baahan kartaa waqti ka dheer dadka kale
iyo caawimaad dheeri ah si aad waxyaabaha u barato.
Waxaad u baahan kartaa inaad si dheeri ah u tababbarato, si aad waxyaabo cusub uga baxdo.
Dadku waa ay ku kala duwanyihiin taageerada iyo caawimaadda ay u baahanyihiin.
Waxyaabaha nolol maalmeedka ka midka ah qaarkood waxaad u baahan kartaa in lagaa caawiyo.
Waxaa kugu adkaan karta inaad waqtiga dhowrto,
iyo inaad ogaato sidii aad ku tegi lahayd meeshi kugu cusub.
Waxaa kugu adkaan karta inaad ogaato
inta lacag ah ee kugu filan.
Waxaad u baahan kartaa in lagaa caawiyo inaad macluumaadka fahanto
iyo inaad foomamka buuxsato.

Maxaa dhacaya marka uu qofku weynaado?
Qaar badani waxay u baahanyihiin caawimaad badan
marka ay sidoo kale weynaadaan,
kuwo kalana wax badan ayey keligood ka bixi karaan.
Qaar badani waxay helaan guudmaan marka ay 18 sano buuxiyaan.
Guudmaan waa qof kaa caawinaya
waxyaabaha kugu adkaan kara.
Qaar badani waxay maalin walba aadaan
hawl maalmeed ama shaqo.
Baxnaanada
Baxnaanada waxaad adiga iyo waalidkaagu
ka baran kartaan wax badan oo ku saabsan IF-ta.
Baxnaanada waxaad qof kagala hadli kartaa
sida aad dareemeyso, haddii ay jiraan wax aad caawimaad uga baahantahay
ama haddii ay jiraan waxyaabo aad isweydiineyso.