Soomaali/Somaliska

Baaritaano/tijaabooyin

Undersökningar/prover - somaliska

Current articles

Visa innehåll som:
  • Iska-qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus ee Gobolka Västmanland

    Självprovtagning för HPV i Västmanland - somaliska

    Haddii 30 sano jir aad tahay ama da`daada ay ka wayn tahay, waxaa la gaaray waqtigii aad iska qaadi lahayd shaybaarka unugyada, sidaas darteed waxaa lagu soo diri doonaa waxyaalaha shaybaarka awgiis la adeegsado (provtagningskit). Markaas kaddib adiga ayaa iska qaadi karo shaybaarka, mana u baahnid inaad tagto rugta dumarka/ummulisada. Hab sugan oo la barbardhigi karo qaabka ummulisada ayaa shaybaarka iska qaadi kartaa. Haddiise aad door bidayso in rugta shaybaarka lagaga qaado, waa inaad la xiriirto oo aad kaddib ballansato.

  • Baaritaanka naasaha - raajada naasaha

    Mammografi - somaliska

    Waxaad si joogto ah u samayn kartaa baaritaannada naasaha iyadoo la adeegsanayo raajada naasaha marka aad gaarto da' gaar ah. Tani waa in la hubiyo haddii aad qabto cudurka kansarka naasaha.

  • Baaritaanka lagu ogaanayo HPV ee afka ilmo-galeenka

    Upptäck HPV i livmoderhalsen - somaliska

    Baaritaanka ayaa si joogto ah loo heli karaa marka aad gaarto da' gaar ah. Dheecaan qaadida ayaa laga soo qaadaa xubinta taranka haweenka si loo baaro. Baaritaanku wuxuu muujinayaa inaad qabto fayraska papilloma ee aadanaha, oo loo yaqaan HPV. HPV wuxuu keeni karaa isbeddello unugyada ah. Isbeddellada unugyada waxay isu beddeli karaan kansarka afka ilmo-galeenka (kansarka afka ilmo-galeenka).

  • Baaritaanka PSA ee qanjirka shahwada ragga sameeya (prostata)

    Blodprov: PSA - somaliska

    Tijaabada PSA-du waa tijaabo dhiiga oo muujineysa haddii ay wax qanjidhka shahwada ragga iska bedeleen. Waxa jira isbeddello noocan oo kale ah oo aan khatar aheyn iyo kuwa keeni kara kansarka ku dhaca qanjirka shahwada ragga sameeya. Iyadoo la isticmaalaayo tijaabada PSA ayaa dhakhtarku uu ogaan karaa haddii aad u baahato in laguu sameyso baadhitaano dheeraad ah ama daaweyn.

To the top of the page