Uurka leh

Khamriga iyo uurka

Alkohol och graviditet - somaliska

Khamri ha cabin markaad uurka leedahay. Waxa khamriga ku jira maadooyin khatar ah oo ilmaha caloosha ku jira dhaawici kara. Dumarka ay ku adagtahay inay cabitaanka khamriga joojiyaan ayaa taas laga caawimo karaa.

Du kan läsa texten på svenska här.

Dumarka doonaaya inay uur qaadaan ayaanay sidoo kale aheyn inay khamri cabaan.  
Waxa uu khamradu adkeyn kartaa in uur la qaado. 

Maxaan samayn karaa?

Waxay kugu noqon kartaa wax aanad u baran/aan caadi ahayn inaan khamro la cabin, haddii aad sidaas sameyn jirtay.  
Laakiin in caadooyinka la bedelo ayaa badiyaa ka fudud sida loo maleynaayo. 

Dumarka balwadda khamriga leh ayay ku adkaan kartaa inay cabitaanka joojiyaan.  
Laakiin way dhici kartaa in la joojiyo. Waxa ugu muhiimsan waa inaad adigu rabto. 

Way fududaan karta in la joojiyo haddii laga fikiro inuu ilmuhu sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah ugu caafimaad qabi doono. Uurka ayaa sidoo kale keeni kara inaanad khamriga u xaraaroon. 

Maxaa jidhka ku dhacaaya?

Waxa khamriga ku jira maadooyin khatar ah. 

Markaad khamriga  cabto ayay maadooyinka khatarta ahi jidhkaaga galayaan.  
Dhiigaaga ayaa mandheerta soo galaaya. Iyadoo ay markaasna maadooyinka khatarta ahi ay mandheerta ilmaha ka soo galayaan.  
Waxay sidoo kale maadoyinka khatarta ahi soo dhex galayaan biyaha xabka ah ee uu ku jiro ilmaha uurjiifta ahi kana cabbo.  

Kolba markay ka sii badato inta jeer ee aad khamro cabto ayay ka sii badanaysaa khatarta ay ilmaha waxyeelo ku soo gaadhayso. 

Sidan ayuu khamrigu kuu saameyn karaa

Sidan ayaa dhici kara haddii aad markaad uur leedahay khamro cabto: 

  • Khatarta inuu ilmuhu kaa soo dhaco ama uu ilmuhu caloosha ku dhinto ayaa kordhi karta. 
  • Ilmaha ayaan u kori doonin sidii ay ahayd inuu u koro, Sidaa darteed, ayuu ilmuhu noqon karaa mid intii la rabay ka yar. 
  • Maskaxda ilmaha ayaa dhaawacmi karta. Waxay saamayn kartaa sida uu ilmuhu u dhaqmo iyo sida uu ilmuhu u koro. 

Marka ilmaha uu dhaawac khamriga ka soo gaadho ayaa taas loo yaqanaa calaamadda cudurka khamrada ee uurjiifta (fetalt alkoholsyndrom ama FAS). 

Sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah

Laga yaabaa inaad ka niyad xuntahay haddii aad khamri cabtay markaad uurka laheyd. 
Waa caadi in la dhibsado oo gef inaad gashay la dareemo. 

Laakiin ta ugu muhiimsani waa in aan ilmaha la soo gaadhsiinin khamri kale oo dheeraad ah.  
Ka fikir siday hadda laga bilaabo ay ugu noqon karto sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah. 

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Raadso daryeel caafimaad haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo si aad khamriga u joojiso.  
Waxaad la xidhiidhi kartaa mid rugahan caafimaadka ka mid ah: 

  • Barnmorskemottagning.  
  • Xarun caafimaad (vårdcentral). 

Waxa laguu qaban karaa turjumaan 

Waxa ku  caawin kara turjumaan haddii aanad af Iswiidhishka ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballantaada booqashada qabsaneyso. 

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee 1177 

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd.  

Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswiidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaarkood ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. 

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Daaweynta

Dumarka ay ku adagtay inay cabitaanka khamriga joojiyaan ayaa laga daaweyn karaa.  
 
Waxa jira habab badan oo lagu daaweeyo.  
Waxa caadi ah in wadahadal talobixin ah oo ku caawin kara la helo. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page