Sida looga cawdo adeegyada daryeelka caafimaadka
Så klagar du på vården - andra språk - somaliskaMiyaad kala kulantay waayo-aragnimo xun daryeel caafimaad? Markaa waad ka caban kartaa. Waxaad uga caban kartaa siyaabo kala duwan. Waxaad sidoo kale soo sheegi kartaa waxa wanaagsanaa.
Waxaad sidoo kale ka caawin kartaa qof kale inuu cabasho ka gudbiyo adeegyada daryeelka caafimaadka. Markay sidaas tahay, qofkaas wuxuu u baahan yahay inuu oggolaado oo uu ku siiyo wax loo yaqaan wakiilnimo (fullmakt). Iyadoo la adeegsanayo wakiilnimo, waxaad soo sheegi kartaa waxa ku dhacay qofka.
Waxaad ka caban kartaa goobta aad ka heshay daryeelka
Waxaad ka caban kartaa goobta aad ka heshay daryeelka. Markay sidaas tahay, waxaad ka hadli kartaa waxa dhacay.
Waxaad sidoo kale soo sheegi kartaa waxa wanaagsanaa. Tan waxay gacan ka geysaneysaa horumarinta adeegyada daryeelka caafimaadka.
Waxaad sidan ku sameyn kartaa mid ka mid ah siyaabahaan:
- Soo wac rugta caafimaadka oo la hadal shaqaalaha daryeelka caafimaadka.
- U qor rugta caafimaadka. Waxaad ku qori kartaa warqad ama fariin adigoo isticmaalaya adeegyada elektroonigga ee 1177.se.
- Soo wac ama u soo qor maamulaha rugta caafimaadka. Waad sameyn kartaa tan, tusaale ahaan, haddii aadan ku qanacsanayn sharaxaadda shaqaalaha. Waxay sidoo kale noqon kartaa in xiriirka shaqaalaha uusan si fiican u shaqeyneyn.
Ma rabtaa inaad ka cabato daryeelka aad ka hesho degmada?
Waad ka caban kartaa haddii aad ku hesho daryeel caafimaad guriga ee degmada ka yimaado oo aadan ku qanacsaneyn.
Markay sidaas tahay, waa inaad soo wacdaa ama aad u soo qortaa kalkaalisada masuulka ka ah adeegyada daryeelka caafimaadka ee degmada. Kaalisada waxaa loo yaqaan MAS. MAS waxaa loola jeedaa kalkaalisada caafimaad ahaan mas’uulka ah.
Waa inaad ku heshaa jawaab sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah
Waa inaad ku heshaa jawaab sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah. Waa inaad si ku habboon u heshaa jawaab afar toddobaad gudahood.
Mararka qaar waxay ku qaadataa waqti in ay rugta caafimaadka ogaato waxa dhacay. Markay sidaas tahay, jawaabta waxay qaadan kartaa in ka badan afar toddobaad. Rugta caafimaadka ayaa kuu sheegi doonto haddii sidaa tahay.
Sida aad ku heli kartid jawaab
Waxaad ku heli kartaa jawaab siyaabo kala duwan:
- warqad ahaan
- telefoon ahaan
- adoo la kulmaya shaqaalaha daryeelka caafimaadka
- sida fariin ahaan adoo isticmaalaya adeega elektarooniga ee 1177.se.
Waa inaad heshaa jawaab cad
Daryeel bixiyaha waa inuu ku siiyaa jawaab cad oo la fahmi karo.
Waxyaabaha hoose waa in lagu sheegaa jawaabta:
- maxaa dhacay iyo sababta
- cida la soo wacayo ama qoraalka loo soo dirayo haddii aad qabtid wax su'aalo ah.
Waxaad ka heli kartaa caawimaad guddiga la-talinta bukaanka (Patientnämnden)
Guddiga la-talinta bukaanka ayaa ku caawin kara marka aad u baahato inaad la xiriirto bixiyaha daryeelka. Afka Iswiidhishka, guddiga la-talinta bukaanka waxaa loogu yeeraa Patientnämnden.
Tusaale ahaan, waxaad heli kartaa caawin aad:
- uga caban karto daryeel bixiyaha
- uga hesho jawaab daryeel bixiyaha
- ku ogaan karto xuquuqaha aad ku leedahay daryeelka caafimaadka
- ku ogaan karto maamullo kale oo aad u caban karto.
Dhammaan gobollada ku yaalo Iswiidhan waxay leeyihiin guddiga la talinta Bukaan.
Sida loo weydiiyo caawimaad guddiga la-talinta bukaanka
Waxaad u weydiin kartaa caawimaad guddiga la-talinta bukaanka siyaabo kala duwan:
- Waad soo wici kartaa.
- Waxaad fariin ku soo diri kartaa adeega elektaroonigga 1177.se.
- Waxaad soo diri kartaa iimeyl.
- Waxaad soo qori kartaa warqad.
Waa bilaash inaad caawimaad weydiisato guddiga la-talinta bukaanka.
Warbixinta xiriirka ee guddiyada la-talinta bukaanka ee Iswiidhan (ivo.se). Link-iga wuxuu ku geynayaa bog oo af Iswiidhish ah.
Miyaad soo wacday qadka caawinta 1177 oo ma rabtaa inaad ka cabatid wacitaanka?
Qadka caawinta 1177 waa lambar telefoon oo aad soo wici kartid markii aad u baahantahay talo ku saabsan caafimaadka iyo adeegyada daryeelka caafimaadka.
Waxaad ka caban kartaa wicitaanka telefoon-ka haddii aadan ku qanacsaneyn. Ka akhri sida looga cawdo: Wicitaanada telefoon-ka ee ku aadan qadka caawinta 1177. Link-iga wuxuu ku geynayaa bog oo af Iswiidhish ah.
Faallooyinkaaga waxaa loo dirayaa gobolka ka jawaabay wicitaankaaga.
Ma rabtaa inaad ka cabatid sheekada 1177 direkt?
1177 direkt waa sheekeysiga lala yeesho shaqaalaha daryeelka caafimaadka. 1177 direkt waxaa laga heli karaa gobolo badan oo Iswiidhan ah.
Waxaad ka caban kartaa sheekeysiga haddii aadan ku qanacsaneyn. Markay sidaas tahay, waa inaad soo wacdaa ama aad u soo qortaa rugta caafimaadka ee aad la sheekeysatay.
La xiriir guddiga la-talinta bukaanka haddii aadan hubin rugtee aad la sheekeysatay.
Tan waa sida aad caawimaad uga heli karto guddiga la-talinta bukaanka.
Ma qabtaa dhaawac uu keeno adeegyada daryeelka caafimaadka?
Mararka qaar waxaad heli kartaa lacag haddii uu dhaawac kaa soo gaaray adeegyada daryeelka caafimaadka. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inay ku waxyeeshay daawayntaada ama daawadaada. Markay sidaas tahay, waa inaad lasoo xiriirtaa guddiga la talinta Bukaanka ee gobolkaaga.
Tan waa sida aad caawimaad uga heli karto guddiga la-talinta bukaanka.