Calaamada cudurka/cudurka

Maxaa ugu wacan inuu qofku qabo naafanimo xagga garaadka ah?

Intellektuell funktionsnedsättning - andra språk - lättläst för barn - sydöstra sjukvårdsregionen - somaliska
The information concerns Östergötland

Naafanimada xagga garaadka waxaa badanaa loogu yeeraa IF.

Badanaa lama oga sababaha qofka u
keena IF-ta.
Waxaa dhici karta in ay yihiin wax la xiriira wax ku dhacay
canugga inta uusan dhalan.

Waxaa dhici karta inuu canuggu xanuunsaday markii
uu markaa dhashay ama uu aadka u yaraa.

IF-tu waa wax uu qofku qabayo noloshiisa oo dhan.

Haddii aad hesho taageero sax ah wax badan ayaad ka bixi kareysaa

Adigaaga qaba IF-tu waxaad u baahan kartaa waqti ka dheer dadka kale
iyo caawimaad dheeri ah si aad waxyaabaha u barato.

Waxaad u baahan kartaa inaad si dheeri ah u tababbarato, si aad waxyaabo cusub uga baxdo.
Dadku isku aqoon ama awood maaha.
Mararka qaar qof weyn ayaad taageero uga baahantahay.

Waxaad caawimaad ugu baahan kartaa akhrinta, tirinta iyo qorista.
Mararka qaar laga yaabee inaad u baahato qalab aad kaashato.

Waxaad caawimaad ugu baahan kartaa inaad waqtiga dhowrto,
inaad ogaato inta ay waqti ahaan wuxu qaadanayaan,
ama inaad hesho meeshi kugu cusub ee aad u socoto.

Waxaad caawimaad ugu baahan kartaa qubeyska iyo cadaysashada ilkaha.

Baxnaanada [habiliteringen]

Baxnaanada waxaad adiga iyo waalidkaagu
ka baran kartaan wax badan oo ku saabsan IF-ta.

Baxnaanadu waxay idinka caawin
kartaa waxyaabo adag.

Baxnaanada waxaad qof kagala hadli kartaa
sida aad dareemeyso, haddii ay jiraan wax aad caawimaad uga baahantahay
ama haddii ay jiraan waxyaabo aad isweydiineyso.

To the top of the page