Soomaali/Somaliska

Macluumaadka ku socda bukaanda la qalayo ama baaritaanka kiiska qaliinka maalinta Växjö Surgery Unit

Inför din dagkirurgiska operation i Växjö - Kronoberg - somaliskaThe content concerns Kronoberg

Fadlan buuxi ku dhawaaqida caafimaadka sida ugu dhaqsiyaha badan adiga oo galaya  177.se  ama ku soo celi lifaaqa ku dhawaaqida caafimaadka. Fadlan isticmaal baqashada soo celinta ee lagu siiyey.                              

Macluumaad waxaa loo isticmaali doonaa in lagu go'aamiyo nooca ciradda suuxinta

Waqtiga qaliinka

Tani waxaa lagu soo bandhigay ogeysiiska ballantaada.

Cunista iyo cabista

  • Waa wanaagsan tahay inaad inaad cunto cunto dheeraad ah xili dambe fiid ka hor qaliinkaaga qorshaysan.
  • Waa inaad cunin cunto adag, cabitaan, caano ama wax kale oo aan aheyn cabitaan cad, sigaarna ha cabin, waxyaabaha la calaaliyo saqda dhexe ka hor qalinkaaga.
  • Si kastaba ahaate, waa inaad cabtaa cabitaano, biyo, kafee, shaah ama shaah an cadeys aheyn (wixii ah macaanada, tani waxay la micno tahay cabitaanada aan macaanka aheyn) ilaa labo saax ka hor inta aad imaanin.

Ka hortagga xanuunka

Labo saac ka or waqtiga laguu sheegay inaad timaato, waa inaad qaadataa kaniinyadda xanuun baabi'yaha oo ku jiro barastamool (Alvedon® ama Panodil®). Qaado afar 500mg oo kaniiniyo ah. Haddii miisaankaagu ka yar 50kg, qaado oo kaliya 1 garam (= labo kaniini).

Xusuusnow sidoo kale inaad guriga ku qaadato kaniiniyo xanuun baabi'yaal ah qaliinka kadib. Haddii aad bahaan tahay daawo kale, tani waxaa lagugu diyaarin doonaa isbitaalka.

Nadaafadda

Haddii laguu sheegay inaad ka iibsato farmashiga sabuunta, tani waxay ka dhigan tahay inaad u baahan tahay qubays iyo dhaqida timaha fiidka ka hor qaliinkaaga iyo mar kale maalinta qaliinaaga (fadlan arag macluumaadka la socoda).

 Haddii, waa ku haboon in caadi loo qubeyso oo la dhaqo timahaaa maalinta qaliinka.

  • Haddii aad caawin u baahan tahay, la xiriir qarabada ama caawinta guriga ee waqtiga wanaagsan.
  • Fadlan xiro dhar jilcan oo kula eg.
  • Ha istivmaalin make up, riiniga cidiyaha, looshiinadada, barfuumka, xiirashada kadib, shaambo, ama indho gashiga.
  • Fadlan dhagdhagqaha iyo dahabka guriga uga soo tag.

Fadlan xusuusnow, wixii qaliinada gacanta/faraha, cidiyaha beenta ah, cidiyo dheeraynta, iyo jeelka cidiyaha waa in bixiya qaliinka ka hor! Wixii ah qaliinada kale, ma jiraan wax dhib haddii aad qanto nooc ka mid ah "cidiyaha macmalka ah'.

  • Ka gal albaabka weyn
  • Soo wargeli albaabka soo galida ee soo dhawaynta
  • Raac tilmaaha Hoolka
  • Dhaaf maqaayadda iyo bukuyeeriga
  • Bidix u leexo dhanka Hoolka F
  • Qaado laftiga ama jaranjarada ilaa heerka afraad
  • Ku fadhiiso kursiga yaalo qolka sugitaanka ee Surgery Unit

Fadlan soo qaado ID shaqaynaya.

Qiimaha booqashada waa SEK 350. Lacag bixinta waxaa lagu saameyn doonaa debt card ama qaansheegashada.

Qaliinka/baaritaanka kadib

Qaliinka kadib, waxaa lagugu kormeeri doonaa Day Surgery Unit.  Mudada waqtiga waxay ku xirnaan doontaa dabeecada qaliinka iyo nooca cirbadda suuxinta ee lagu siiyey. Waxaan bixinaa cunto fudud Ka hor inta aad guriga aadan, waxaa macluumaad ku siin doonaa kalkaaliyaha ku qoran daryeelkaaga. Wax kale ha qorshaynin maalintan.

Safarka gurigaaga

Maadama aad tahay qof ahaan dhawaan la qalay, waa inaan baasikiil ama gaari aad wadin ilaa 24 saac maadama ay saameyn karto daawooyinka lagu siiyey ee la xiriira qaliinkaaga. Fikrad ahaan, waxaa ku qaadi doonaa qarabaada ama qoys kale kugu dhaw adiga. Waxaan kuu diyaarin donaa gaadiid ku gaya gurigaaga haddii xaaladaadu sidaa u baahato.

Waxaan kugula talinayna inaan kaligaaga aheyn in xiliga fiidka iyo habeenkii kadib qaliinkaaga. Tani waa sababtoo ah saameeynada xanuun baabi'yaha ama soonka, sidoo kale saameynada haraadiga cirabadda suuxinta/kabaabya, waxaa laga ogaan karaa garadaada iyo isku dheeli tirkaaga.

Haddii shaki kugu jiro, weydii talada shaqaalaha qeybta Day Surgery.

Joojinta

Haddii aad rabto inaad joojiso xaaladda degdeg ah, wac 0470-58 83 61.
Haddii aad rabto inaad joojiso waqti hore, arag telefoonka lambarka ee ku qoran ogeysiiska ballantaada.

To the top of the page