Calaamada cudurka/cudurka

HIV iyo AIDS

Hiv och aids - somaliska

HIV waa fayras ku faafi kara dadka dhexdooda. Waxaa jira daaweyn fiican oo la heli karo haddii uu kugu dhaco HIV. Kuma faafin doontid fayraska dadka kale haddii aad heshid daaweyn. Kuguma dhacayo AIDs xattaa. Raadi daryeel caafimaad oo is baar haddii aad u malaynayso inaad qabtid HIV.

Af Iswiidhishka, HIV waxaa loogu yeeraa HIV halka AIDS loogu yeero AIDS.

Läs texten på svenska här. 

Astaamaha

Dadka intooda badan ma ogaadaan markii uu kowdii ku dhaco HIV.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay yeeshaan astaamaha hore ee HIV kadib qiyaastii labo toddobaad. Astaamaha hore waa qandho iyo jir xanuun. Astaamahaan iskooda ayay u dhammaadaan.

Waxay caadi ahaan qaadataa sannadooyin badan ka hor HIV aan la daaweyn intuusan kugu noqon AIDS. Markaa astaamaha kugu dhaco ayaa kala duwanaan kara. AIDS wuxuu keeni karaa caabuqyo iyo cuduro kala duwan.   

Daaweynta

Ma leh qaab aad uga taqlustid HIV gabi ahaanba. Laakiin waxaa jira daawooyin wanaagsan.

Tan waa waxa dhaca markii aad heshid daaweynta HIV: 

  • Cadadka fayraska ku jiro jirkaaga ayaa hoos u dhaco. 
  • Kuma faafin kartid fayraska dadka kale. 
  • Kuguma dhacayo AIDS. 

Markii aad heshid daaweyn, waxaad ku noolaan kartaa nolol caadi ah. Tan ayaa sidoo kale quseyso carruurta qabta HIV. 

Goormee iyo xaggee ayaan caawimaad ka raadsadaa? 

Haddii aad u maleyso inaad qabtid HIV, waa inaad la xiriirtaa mid ka mid ah rugahaan caafimaad: 

  • rugta caafimaadka maqaarka (dhaktarka maqaarka) (hudmottagning) 
  • rugta caafimaadka galmada (mottagning för sexuell hälsa). 

Haddii aad ka yar tahay 25 sanno jir, waxaad caadi ahaan ula xiriiri kartaa xarunta hagida dhalinyarada. 

Baaritaanka HIV marwalba bilaash ayuu ka yahay rugaha caafimaadka. 

Soo wac oo talo ka hel lambarka taleefonka 1177 

Soo wac lambarka taleefonka 1177 haddii aad caawin rabtid. Dadka ka jawaaba waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af iswiidhish iyo Ingiriis. Mararka qaar waxaad ku heli kartaa caawin luuqadaha kale.

Ka soo wac +46 771 11 77 00 haddii aad haysato taleefon leh lambar ajnabi ah.

Haddii ay degdeg tahay 

Waa inaad isla markiiba la soo xiriirtaa rugaha caafimaadka cudurrada faafa (infektionsmottagning) ee isbitaal haddii aad ogtahay inuu fayraska ku gaaray. Tan waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, haddii kondhomka uu dilaaco adigoo galmo la samaynayo qof aan laga daaweyn HIV.

La soo xiriir rugta caafimaadka xaalada degdega ah (jouröppen mottagning) ama waaxda xaalada degdega (akutmottagning) haddii rugta caafimaadka ee cudurada faafa ay xirantahay.

Sidee ayaan u yareyn karaa qatarta inuu kugu dhaco HIV iyo AIDS? 

Qaankan waa sida aad uga illaalin kartid naftaada HIV:  

  • Isticmaal kondhom haddii aad galmo ama galmada afka aad la sameyneysid qof gus leh.
  • Gasho kondhom boombalooyinka galmada haddii aad la isticmaashid qof kale.
  • Ha la wadaagin saliingo qof kale.

Ku daaweynta Prep 

Waxaa jirta daaweyn yareyso qatartaada inuu kugu dhaco HIV. Waxaa loo yaqaan Prep. Prep waa kaniiniyo uu kuu qorayo dhaqtarkaaga.

Daaweynta waxaa loogu tallogalay dadka halista sareyso ugu jiro inuu ku dhaco HIV. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad tahay nin ama qof jinsi-baddel ah oo aad rag galmo la sameysid kondhom la'aan. 

Waxaad ka heli kartaa Prep rugta caafimaadka galmada ama rugta caafimaadka cudurada faafa ee isbitaalka. Xattaa haddii aad hesho Prep, waxaad u baahan tahay inaad sii waddo inaad iska baarto HIV iyo cudurada kale.

Sida HIV uu u faafo

HIV wuxuu ku faafaa dhinaca dareerahaan jirka: 

  • dheecaanka siilka 
  • shahwada 
  • dhiiga 
  • caanaha naaska. 

HIV wuxuu ku faafi karaa xaaladaha xiggo: 

  • galmo sameynta kondhom la'aan 
  • cirbad wadaagida 
  • inta uurka lagu jiro, dhalmada ama naaska nuujinta. 

Sida HIV uusan ku faafin 

Halkaan waa tusaalooyinka qaar ee xaaladaha marka uusan HIV faafin: 

  • Inaad galmo la sameysid qof qabo HIV laakiin laga daaweeyay.
  • Habsiinta iyo shuminta qof.
  • La isticmaalida isla shukumaanka ama ku cabida isla koobka qof kale isticmaalay. 

Xeerka Cudurada Faafa

Sida waafaqsan Xeerka Cudurada Faafa (smittskyddslagen), waa inaad raacdaa sharciyadaan haddii aad qabtid HIV:

  • Waxaad u baahan tahay inaad u sheegtid qofka aad galmo la sameyneysid inaad qabtid HIV.
  • Waxaad u baahan tahay inaad isticmaasho kondhom.

Tan waxa loo yaqaan waajibka ogaysiinta. 

Dhaqtarkaaga ayaa kaa dayn kara waajibaadkaaga kaa saaran inaad ogaysiiso inaad qabto HIV qofka haddii daawadaada ay si wanaagsan u shaqeyneyso. Xaaladaas darteed, adigaa dooranayo waxaad u sheegeysid dadka kale. Waxaad sidoo kale dooraneysaa haddii aad isticmaaleysid kondhom.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

Kani waa 1177

Waxaad wici kartaa lambarka telefoonka ee 1177 haddii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah uu jiran yahay. Waxaad soo wici kartaa qadka caawinta waqti walba – maalin iyo habeen – oo waxaad talo ka heleysaa kalkaalisada. Bogga 1177.se ayaa laga helayaa macluumaad caafimaadka iyo cudurrada ku saabsan.

To the top of the page