Caado-joogsiga
Klimakteriet - somaliskaJirka wuxuu isu beddelaa siyaabo kala duwan xilliga caado-joogsiga. Mid kamida waxyaabaha kale, waxaad joojinaysaa caadada. Dadka qaar waxay la kulmaan dhibaatooyin xilliga caado-joogsiga. Caawinaad waa la heli karaa.
Maxaa dhaca xilliga caado-joogsiga
Haweenku waxay ku dhashaan tiro cayiman oo unugyada ukunta jidhkooda ku jirta. Unugyada ukumaha waxay bislaadaan bil walba laga bilaabo marka aad bilowdo caadada.
Xilliga caado-joogsiga, ukumuhu waxay bilaabaan inay dhammaadaan. Markaa kadib waxaad sidoo kale joogsanaya in ay caado kugu dhacdo.
Ukunta waxaa lagu sameeyaa ugxan-sidaha.
Heerarka hoose ee hoormoonada jirka
Hormoonadu waa walxo xakameeya waxyaabaha qaar ee ka dhaca jirka. Waxaa laga sameeyaa meelo kala duwan oo jirka ah waxayna ku safraan dhiigga. Hoormoonada ayaa maamula caadada, tusaale ahaan.
Hormoonka loo yaqaan estrogen waxaa laga sameeyaa ugxan-sidaha. Marka ukumuhu dhammadaan, heerka estrogen-ka ayaa sidoo kale hoos u dhaca. Tani waxay Jirka u saamayn kartaa siyaabo kala duwan.
Dadka qaar waxay la kulmaan dhibaatooyin
Waxaad la kulmi kartaa calaamado kala duwan marka uu kugu yar yahay estrogen-ka jirka. Waa kuwan tusaalooyin:
- Si lama filaan ah waad kululaaneysa waadna dhidideysa.
- Hurdo kugu adkaanaysa.
- Waxaad dareemi kartaa murugo, niyad jab ama xanaaq.
- Waxaad dareemeysaa qallayl xubinta-taranka, indhahaaga iyo afkaaga.
- Inta badan kaadi ayaa ku qabaneyso.
- Way ku xanuunaysaa marka aad kaadinayso.
Qof kasta si kala duwan ayuu u saameeyaa
Dadka waxaa ay u saameysa caado-joogsiga siyaabo aad u kala duwan. Dadka qaar waxay leeyihiin dhibaatooyin badan. Kuwa kale haba yaraatee wax dhibaato ah ma qabaan.
Nolosha galmada way saameyn kartaa
Waa wax caadi ah in la dareemo rabitaan ka galmo oo yaraado inta lagu jiro xilliga caado-joogsiga. Tani waxaa sabab u noqon karo hormoonnada.
Nolosha galmada waxey saameyn ugu yeelan kartaa dhowr sababood. Waa kuwan tusaalooyin:
- Waxaa laga yaabaa inay xanuun kugu noqoto inaad galmo sameyso sababtoo ah xuubka xubinta-taranka oo qalalan.
- Waxaa laga yaabaa inaad dareento daal haddii aadan si fiican u seexan.
- Waxaa laga yaabaa inaad niyad jabto, taasoo yareyn karta rabitaankaaga galmo.
- Waxaa laga yaabaa iney wax kugu adkaato sababtoo ah kaadida ayaadan ceshan karin.
Goormee iyo xaggee ayaan caawimaad ka raadsadaa?
Raadso caawinaad caafimaad haddii mid ka mid ah kuwan soo socda uu ku khuseeyo:
- Waxaad qabtaa dhibaatooyin daran oo ka dhasha caado-joogsiga.
- Si joogto ah ayaad u kaadisaa waxaana ku xanuuntaa markaad kaadineyso.
- Waxaad dib u heshaa caadadaada ka dib markii caadadaadu maqneyd muddo sannad ah.
- Waxaad leedahay dhiigbax xubinta-taranka oo ka duwan sidii hore.
Waxaad caawimo ka raadsan kartaa xarun daryeel caafimaad (vårdcentral). Waxaad caawimo ka heli kartaa turjumaan haddii aadan ku hadlin Iswidhishka.
Soo wac oo talo ka hel taleefon lambarka 1177
Soo wac taleefon lambarka 1177 haddii aad rabto caawimaad ku saabsan waxa aad samayn lahayd. Waxaad sidoo kale ogaan kartaa meesha aad ka raadsan karto caawinaad.
Ka soo wac +46 771 11 77 00 haddii aad haysato taleefon leh lambarka ajaanibta ah.
Daaweynta
Waxaa jira daawooyin kaa caawin kara calaamadaha kala duwan. Waxaad la hadli kartaa cilmu-nafsi yaqaan ama la-taliye haddii aad u baahan tahay taageero.
Waxaad sidoo kale heli kartaa caawimo haddii ay kugu adag tahay hurdada ama aad dareento walwal aad u badan.
Caawinta qalalka xubinta-taranka
Waxaa jira daawooyin kaa caawin kara haddii aad leedahay qallal xubinta-taranka. Isticmaal saliid marka aad galmo xubinta-taranka sameyneyso.
Maxaan sameyn karaa aniga?
Waa kuwan talooyin aad qaadi karto si aad u dareento fiicnaan:
- Haddii aad sigaar cabto, waa muhiim inaad isku daydo inaad joojiso.
- Samee jimicsi dhowr jeer usbuucii.
- Samee jimicsi xoog iyo jirdhis labadaba.
- Ku dadaal nasashada.
- Isku day inaad hesho hurdo ku filan.
- Kala hadal dadka kugu xeeran sida aad dareemayso.
Sideen u caawin karaa qof ku jira xiliga caado-joogsiga?
Haddii aad u dhowdahay qof ku jira xiliga caado-joogsiga, waxaa laga yaabaa in ay sidoo kale ku saameyso. Tusaale ahaan, way adkaan kartaa marka qofku uu yeesho isbeddello niyadda oo degdeg ah.
Wax ka baro waxa dhaca inta lagu jiro caado-joogsiga iyo dhibaatooyinka ugu badan. Dhageyso qofka aad jeceshahay oo weydii su'aalo. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad fahamto oo aad siiso taageero.
Ka wadda hadalla noloshiina galmo
La hadal qofka aad sariirta la seexato. Weydii haddii ay dareemayso si wanaagsan, ama haddii ay tahay in aad si kale wax u sameyneyso. Waa wax caadi ah in rabitaanka galmo uu soo laabto muddo ka dib.