Calaamada cudurka/cudurka

Fayruska RS-ka ee carruurta

RS-virus hos barn - somaliska

Infegshanada fayruska RS-ka ayaa qaar caadiya ah. Dadka badankoodu waxay u xanuunsadaan sida hargabka oo kale. Carruurta qaarkood ayaa aad u jiran karta iyagoo daryeel cisbitaal u baahan kara.

Fayruska RS-ka ayaa badiyaa xilliyada dayrta iyo jiilaalka la helaa.

Läs texten på svenska här.

Calaamadaha

Infegshanka fayruska RS-ka ayaa hargabka caadi ah u ekaan kara. Carruurta da'doodu lix bilood ka yar tahay, ayaa sidaas darteed aad u xanuunsan kara. Waxay caadi ahaan qaadataa dhowr todobaad ka hor inta uu ilmahu bogsanaayo.

Kuwan ayaa ah calaamadaha ugu horeeya ee fayruska RS-ka:

  • Ilmuhu waxa uu leeyahay duuf isagoo sanku xiran yahay.
  • Ilmahu waxa uu leeyahay xumad/qandho.
  • Ilmaha waxa ku adag inuu naaska jaqo, wax cuno ama wax cabo. Waxay ilmaha ka dhigtaa mid daalan.

Maalmaha ugu horreeya ayay carruurta qaarkood aad u xanuunsadaan. Markaas ayay neefsashadu ku adkaan kartaa. Waxa dhici karta in taas siyaabo badan loo dareemo:

  • Ilmaha ayaa si degdeg ah u neefsanaaya.
  • Caloosha ayaa dibada iyo gudaha kolba ugu soo bax baxaysa marka uu ilmuhu neefsanaayo.
  • Waxay u muuqataa inay ilmaha neeftu ku adag tahay.

Waxa laga yaabaa in carruurta qaarkood neefsashada yara istaagto/hakan ka galo. Markaas ayuu ilmuhu muddo yar oo gaaban neefsashada wada joojiyaa.

Qufac xun

Fayruska RS-ka ayaa qufac xun keeni kara. Waxay bilaabmi kartaa dhowr maalmood ka dib marka uu ilmuhu calaamadaha ugu horreeya yeeshay. Ilmaha ayaa xoog u qufuci kara todobaadyo badan.

Goorma iyo xaggee ayaan daryeel ka raadsanayaa?

Dadka uu fayruska RS-ku ku dhacay ayaan badankoodu u baahnayn inay daryeel caafimaad raadsadaan. Cudurka ayaa caadi ahaan isagu iskii iska taga.

Degdeg ula xiriir rug caafimaad markay waxyalaha soo socda mid ka mid ahi kugu haboon tahay:

  • Ilmuhu waxa uu ka yar yahay 3 bilood isagoo qandho leh.
  • Ilmaha ayay neeftu ku adag tahay.
  • Ilmuhu naaska ma qaadan karo, waxba ma cuni karo ama cabi karo.

Daryeel ka raadso qeybta gargaarka degdega ah (akutmottagning) haddii rugta caafimaadku (vårdcentralen) xiran tahay ama aanay idin qaabili karin.

Haddii ay wax jiraan oo kaliya uun

Isla markaaba soo wac 112 haddii ilmaha neeftu qabato/ku istaagto.

Waxaad had iyo jeer soo wici kartaa oo talo aad ka heli kartaa lambarka telefoon ee 1177

Wac lambarka 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo waxay tahay inaad sameyso. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay iyagu kuu sheegi karaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo.

Waxay kalkaalisooyinku ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaarkood ayay suurtogal tahay in luuqado kale caawimo lagu helo.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad haysato telefoon lambar wadanka dibadiisa leh.

Sidan ayaad ilmaha guriga ugu caawin kartaa?

Sidan ayaad ilmo xanuunsanaaya u caawin kartaa:

  • Ilmaha sii dawada sanka la iskaga buufiyo ama dhibcaha sanka la iskaga shubo oo biyo milix leh ku jiraan. Waxay ka caawinaysaa haddii ilmaha uu sanku xidhan yahay.
  • Isticmaal aalad lagu soo nuugo oo gaar ah si aad duufka sanka uga soo saartid. Waxa laga helayaa farmasiiga.
  • U ogolow in ilmuhu seexdo isagoo madaxu jidhka intiisa kale ka sareeyo. Waxaad sariirta u dhigi kartaa barkin dheeraad ah.
  • Ilmaha badiyaa dareere sii. Tusaale ahaan waad naasnuujin kartaa ama waxaad marar intii hore ka badan siin kartaa caanaha daasada.
  • Ilmaha sii cunto marar intii caadiga aheyd ka badan haddii ilmuhu aanu awoodin inuu maalin kasta wax badan cuno.
  • Ilmaha sii dawada qandhada haddii uu ilmahu aad ugu jiran yahay qandhada darteed. Farmasiiga weydii nooca aad isticmaali karto. Dhakhtar la hadal marka hore haddii ilmahu uu lix bilood ka yar yahay.

Sidee ayaa fayruska RS-ka loo kala qaadaa?

Waxa fayruska RS-ka la kala qaadaa marka qof qaba cudurku uu hindhiso ama qufaco. Markaas ayaa dhibco yaryar oo fayrus wataa sameysmayaan. Waxaad qaadi kartaa haddii ay adiga dhibcuhu ku soo gaareen. 

Fayruska RS-ka ayaa sidoo kale la kala qaadi karaa markaad taabato qofka fayruska qaba, tusaale ahaan haddii aad gacmaha is qabsataan. Wuxuu fayrusku kaa gali karaa afka ama sanka haddii aad gacmahaaga wajiga ku taabatid.

Waxaad yaren kartaa khatarta RS-ka

Sidan ayaad u yareyn kartaa khatarta aad RS-ka ku qaadeyso:

  • Badiyaa gacmaha dhaq.
  • Dadka kale masaafad u jirso, gaar ahaan gudaha guriga.
  • Ka fogow xiriirka dadka hargabka qaba.
  • Dooro waxqabadyada aad dibada ku kulmeysaan.

Carruurta qaar ayaa aad u xanuunsata

Khatarta in si xun loogu xanuunsado RS-ka ayaa aad u weyn haddii kuwan mid ka mid ahi ay ku haboon tahay:

  • Uu ilmuhu saddex bilood ka yar yahay.
  • Ilmuhu uu ka yar yahay hal sanno jir oo uu shan todobaad wax ka badan ka soo hor dhashay mudadii loo qabtay.
  • Ilmuhu uu tusaale ahaan qabo, xanuun wadnaha, sambabada ama habdhiska neerfaha/dareenka.

Waa mid si gaar ah/aad u muhiim ah in carruurta halista ugu jirta inay xoog/si xun ugu xanuunsadaan laga ilaaliyo.

Daaweynta

Carruurta qaarkooda xooga ugu xanuunsada ayaa daryeel cisbitaal u baahan kara. Waxa uu cisbitaalka ilmuhu ka heli karaa dareere iyo nafaqo.

Carruurta ay neefsashadu ku adag tahay ayaa taas caawimo heli karta.

Dawooyinka fayruska joojisa

Waxa jirta dawo fayruska ka joojisa inuu ilmaha ka dhigo mid si xun ugu xanuunada. Waxa taas la isku siiyaa daryeelka caafimaadka. Carruurta khatarta ugu jirta inay fayruska RS-ka si xun ugu xanuunsadaan ayaa dawo u baahan karta.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page