Calaamada cudurka/cudurka

Cudurka isnadaamiska (scabies)

Skabb - somaliska

Haddii aad uu kuu cuncunayo jirka oo dhan, waxaa laga yaabaa inaad qabtid cudurka isnadaamiska. Caarada isnadaamiska waa barasayt yar yar oo ku nool maqaarka. Cudurka isnadaamiska waxaa lagu kala qaadaa taabashada tooska ah ee maqaarka. La xiriir xaruntaada daryeel caafimaad haddii aad u malaynayso inaad qabto cudurka isnadaamiska.

Waa maxay cudurka isnadaamiska? 

Cudurka isnadaamiska ayaa badanaa saameeya maqaar u dhexeeya farahaaga iyo suulashaada.

Mararka qaarkood wuxuu saameeyaa maqaarka ku wareegsan xudunta calooshaada, ibta naaska iyo xubinta-taranka raga.
 
Cudurka isnadaamiska waxaa keena caaro ku nool lakabka sare ee maqaarka. Waxay ka yar yihiin nus millimitir cabbir ahaan. Caarada isnadaamiska ayaa hoos u qoda maqaarka oo ukumo ku dhala. Dadka inta badan oo qaba cudurka isnadaamiska ma laha wax ka badan toban caarada maqaarka ee jirkooda. 

Qof kasta wuu ku dhici karaa cudurka isnadaamiska. Kuma xirna sida aad nadiif u tahay. Dadku waxay ku dhacaan nooc ka duwan kan cudurka isnadaamiska ee ku dhaca bisadaha iyo eyda. 

Sidee buu cudurka isnadaamiska u faafaa? 

Cudurka isnadaamiska waxaa lagu kala qaadaa taabashada jirka, maqaar-ka-maqaar. Waxaad qaadi kartaa cudurka isnadaamiska haddii aad taabato maqaarka qof kale dhowr daqiiqo. Waxaad qaadi kartaa cudurka adigoo kula seexda isla sariirta. Kuma qaadi kartid cudurka adigoo gacanta kusalamaya ama qofka habsiinaya. 

Waxay qaadataa saddex ilaa toban usbuuc laga bilaabo marka aad qaaddo cudurka isnadaamiska ilaa uu ka bilaabmayo cuncunka. Waxaad dadka kale qaadsiin kartaa ka hor inta uusan kugu bilaaban cuncunka. Ma sii faafin kartid cudurka ka dib marka lagaa daaweeyo cudurka isnadaamiska.

Sidee buu u eg yahay oo loo dareemaa cudurka isnadaamiska? 

Cudurka isnadaamiska wuxuu keenaa falcelin xasaasiyada. Taasina waa sababta ay cuncun badan ugu yeelan karto qaybaha kala duwan ee jirka. Kuma cuncunayo kaliya meelaha ay ku badan yihiin caarada isnadaamiska. Badanaa waxay ku cuncuneysa inta badan fiidkii iyo habeenkii. 
 
Aad bay u adag tahay in la arko caarada isnadaamiska. Mararka qaar waxaad arki kartaa godkooda. Godadku waxay u egyihiin xariiqyo midab khafiif ah leh. Badanaa waxay ku jiraan gacmaha iyo cagaha. 

Kani waa waxa aad inta badan ku aragto maqaarkaaga haddii aad qabtid cudurka isnadaamiska:

  • Finan iyo burooyin cas.
  • Calaamadaha xoqitaanka iyo boogo meesha ku cuncuneysay. 
  • Finan yaryar oo u dhow godadka.

Goormee iyo xaggee ayaan caawimaad ka raadsadaa?

Waxaad u baahan tahay inuu dhakhtar ku baaro si aad u ogaato inaad qabto cudurka isnadaamiska. Ballan ka qabso xaruntaada daryeelka caafimaad haddii aad u malaynayso inaad qabto cudurka isnadaamiska.

Sidoo kale la xiriir xarun daryeel caafimaad (vårdcentral) haddii lagaa daaweeyay cudurka isnadaamiska laakiin mid ka mid ah kuwan soo socda ay ku khuseeyan:

  • Cuncunku wuxuu sii socdaa dhowr usbuuc ka dib marka la daaweyo. 
  • Cuncunku wuxuu dib u bilaabmaa dhowr usbuuc ka dib daaweynta.

Haddii aad xiriir dhow la yeelatay qof qaba cudurka isnadaamiska, waa inaad isla markiiba is daaweysaa.

Soo wac taleefon lambarka 1177 haddii aad caawin rabtid. Dadka ka jawaaba waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af iswiidhish iyo Ingiriis. Mararka qaar waxaad ku heli kartaa caawin luuqadaha kale. Waxay sidoo kale kaa caawin karaan meesha aad daryeel ka heli karto, haddii loo baahdo.

Sideen u daweyn karaa cudurka isnadaamiska? 

Waxaad isku daweysaa kareem aad iibsan karto adigoon u baahneyn warqad daawo. Weydii farmashiyaha. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato daawo uu dhakhtar kuu qoray (warqad daawo) haddii aad xasaasiyad ku qabto kareemka.

Sidan ayaad isku daweyn kartaa

Haddii aad isku aragto calaamado, waa inaad laba jeer is daaweysaa. Kareemka ku xoq jirkaaga oo dhan marka laga reebo madaxaaga. Kareemka waa inuu ku marsanaada maqaarka 24 saacadood. Si taxaddar leh u akhri warqadda macluumaadka bukaanka ee daawada ama weydii farmashiga.

Guriga joog inta lagu jiro daaweynta. 24 saacadood ka dib, waad ka xorowday caabuqa.

Qof walba isku mar dawee

Haddii aad la nooshahay dad kale, qof walba waa in isku mar la daaweeyaa. Haddii kale, waxaa jiri kara khatar ah in mar kale uu kugu dhaco cudurka.

Dharkaaga iyo go'yaashaada dhaq

Waa muhiim inaad ku dhaqdo dhammaan dharka, go'yaasha iyo shukumaanada aad isticmaashay biyo heerkulkiisu yahay 60-digrii. Kabaha waa in lagu daayaa bannaanka muddo saddex maalmood ah si loo dilo caarada.

Waxa ay yeelan kartaa cuncun daaweynta ka dib

Waxay qaadan kartaa dhowr isbuuc ka hor inta cuncunku si buuxda u joogsanayo. Waxaad marsan kartaa kareemka cortisone si loo yareeyo cuncunka. Waxaad ka iibsan kartaa kareemka farmashiga adigoon haysan warqad daawo.

Ha isku daweynin cudurka isnadaamiska dhowr jeer adigoon la hadlin dhakhtar. Kareemka wuxuu maqaarka ka dhigi karaa mid qalalan oo cuncun badan.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

Kani waa 1177

Waxaad wici kartaa lambarka telefoonka ee 1177 haddii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah uu jiran yahay. Waxaad soo wici kartaa qadka caawinta waqti walba – maalin iyo habeen – oo waxaad talo ka heleysaa kalkaalisada. Bogga 1177.se ayaa laga helayaa macluumaad caafimaadka iyo cudurrada ku saabsan.

To the top of the page