Soomaali/Somaliska

Sida daryeel looga dalbado gobolka Blekinge

Så söker du vård i Blekinge - somaliskaThe content concerns Blekinge

1177

Booqo 1177.se ama wac 1177 si aad u hesho talo ku saabsan daryeelkaaga. Marar badan, talada shaqaalaha caafimaadka u tababaran ayaa kugu filan. Bogagga 1177.se waxa ku jira warbixinno ku saabsan waxa aad adigu nafsadaada samayn karto si aad u dareento caafimaad iyo ka soo kabasho degdeg ah. Halkaas waxa kale oo aad ka heli kartaa dhammaan faahfaahinta meelaha lagala xiriiro xarumaha caafimaadka. Markaad wacdo 1177, waxaad talo ka helaysaa kalkaalisada waxa aad adigu samayn karto iyo meesha aad aadi karto haddii aad u baahan tahay daryeel. Nambarku wuxuu shaqeeyaa waddanka oo dhan - saacad walba, maalin kasta oo sanadka ah.

Xarunta daryeelka caafimaadka ee xaafadda

Marka ugu horreysa la xiriir rugta caafimaadka xaafadda. Halkaa waxa aad ka heli caawimo marka aad is dhaawacdo ama aanad ladnayn. Shaqaalaha xarunta caafimaadku waxay khibrad iyo aqoon dheer u leeyihiin inta badan dhaawacyada iyo cudurrada. Habka ugu fudud ee lagu tagi karo xarunta caafimaadka waa in aad isticmaasho mid ka mid ah adeegyadayada badan ee elektaroonigga ah ee aad heli karto saacad kasta. Marka rugta caafimaadku xirantahay, waxaad ka raadsan kartaa daryeelka labada xarumood ee heeganka ah habeenadii  iyo sabtida iyo axada ee degmada ama waaxda xaaladaha degdegga ah adigoo wacaya 1177. Xaaladaha degdegga ah iyo kuwa nafta halis gelinaya, wac 112.

Waaxda gurmadka

La xiriir gargaarka degdegga ah haddii uu kugu dhacay cudur halis ah ama aad si xun ugu dhaawacantay shil.

Dhammaan bukaanada yimaada qaybta gargaarka degdega ah waxaa marka hore qiimeeya oo kala hormariya kalkaaliye khibrad leh. Mudnaanta waa shakhsi waxayna ku xiran tahay, waxyaabo kale, qiyameynta, calaamadaha iyo inta uu le'eg yahay dhaawacyadaada. Bukaan-socodka aadka u xanuunsan ayaa marka hore la daweeyaa. Waxa kale oo laga yaabaa in laguu gudbiyo xarun degdeg ah ama xarun caafimaad si aad u hesho daryeelka saxda ah. Blekinge, waxaa ku yaal qaybta gargaarka degdega ah ee isbitaalka Blekinge ee Karlskrona waxayna furan tahay saacad walba.

Nambarka degdegga ah ee 112 waa la heli karaa haddii adiga ama qof kuu dhow uu isla markiiba u baahan yahay daryeel caafimaad oo degdeg ah.

To the top of the page