Uurka leh

Xanuunka miskaha ee xilliga uurka

Att ha ont i bäckenet under graviditeten - somaliska

Markaad uurka leedahay ayay xubnaha kala-goysyada jidhku noqdaan qaar ka dhaqdhaqaaq badan. Waxaad markaas xanuun ku yeelan kartaa miskaha. Taasi waa wax caadi ah oo badanaa dhalmada ka dib kaa tagta.

In xanuun miskaha lagu yeesho xilliga uurka ayaa loo yaqaanaa xanuunka miskaha. Waxa sidoo kale hore loogu yaqaaney foglossning.

Läs texten på svenska här.

Halkee ayaa ku xanuunta?

Waa caadi in meelahan soo socda ku xanuunaan:

  • Dhabarka xaggiisa hoose.
  • Lafta badhida.
  • Sinta.
  • Lafta cambarka.
  • Dhabarka bowdada.
  • Gumaarka.

Goorma ayay ku xanuuntaa?

Xoog ayay kuu xanuuni kartaa taas oo keenta inuu dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa kugu adkaado.

Dadka qaar ayaa xanuun joogto ah leh. Xaga kuwa kalena ay marmar uun xanuun yeeshaan.

Waa wax caadi ah inay xoog kuu xanuunto maalinta xageeda dambe marka taas xilliga subaxdii la garab dhigo.

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Daryeel caafimaad raadso haddii aad uur leedahay oo uu dhabarka ama miskahu ku xanuunayaan.

Waxaad la xidhiidhi kartaa umulisada ama kalkaaliyaha daaweynta xanuunada iyo jimicsiga murqaha (fysioterapeut).

Kaaliyaha daaweynta xanuunada iyo jimicsiga murqaha la xidhiidh haddii aad saddex bilood ka dib umusha aad xanuun leedahay.

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee 1177

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay sidoo kale adiga kaa caawin karaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo.

Waxay kalkaalisadu ku hadashaa af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad lambar telefoon oo wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso.

Waxa laguu qaban karaa turjumaan

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad af Iswiidhish ku hadlin.
U sheeg inaad turjumaan luqada u baahan tahay markaad ballanataada booqashada qabsaneyso.

Talooyin waxyaalaha aad maalintii sameynayso si aad xanuunka iskaga yareyso

Waa halkan ku yaala waxoogaa talooyin ah oo aad isku dayi karto:

  • Isku dey inaad u kala bedbedesho sara-joogid/istaagid, fadhi iyo socsocod.
  • Tallaabooyin kuwii caadiga ahaa ka gaaban qaad.
  • Wax yar oo gaaban soo lugee halkii aad wax dheer ka lugeyn laheyd.
  • Wiishka qaado haddii uu jiro.
  • Isticmaal kabo raaxo leh.
  • Barkin hoos gali adhaxda (qaybta hoose ee dhabarku meesha ay ka qaloocanto) markaad fadhido.
  • Barkin hoos gali jilbaha dhexdooda markaad fadhido.
  • Wax diiran saar meesha ku xanuuneysa, tusaale ahaan barkin diiran.

Waxyaalahan waa inaad ka fogaataa:

  • Inaad jiiddo gaadhiga carruurta oo culus ama gaadhiga alaabta dukaanka lagu gurto.
  • In loo fadhiisto iyadoo lugahaagau isdhaafsan yihiin.
  • In waxyaalo culculus la qaado.
  • In jaranjar la fuulo.
  • In wax badan la foorarsado.

Waxa wanaagsan in tabobar murqaha la sameeyo.

Waxa wanaagsan in tabobar murqaha dhabarka iyo murqaha caloosha la sameeyo. Waxay murquhu miskaha siinayaan taageero.

Dabiibka murqaha ayaa talo ku siin kara.

Daaweynta

Ett bäckenbälte som sitter under magen på en gravid person.
Suunka miskaha ayaa dhibaatada kaa yareyn kara.

Waxa ku caawin kara umuliso ama dabiibka murqaha. Waxa halkan ku yaala dhowr tusaale:

  • Waxaad iibsan kartaa ama aad soo kiraysan kartaa waxa loo yaqaano suunka miskaha (bäckenbälte).
  • Waxaad kiraysan kartaa qalabka loogu yeedho tensapparat. Waxay xanuunka kaa baabi'in kartaa iyadoo la isticmaalaayo koronto daciifka ah.
  • Waxaad sameysan kartaa irbadaha shiinaha ee acupuncture.

Maxaa keena xanuunka miskaha?

Xubnaha kala-goysyada jidhku ayaa noqd qaar ka dhaqdhaqaaq badan markaad uurka leedahay. Waxa taas u sabab ah hormoono.

Miskaha ayaa markaas noqon kara qaar xasilooni daran. Markaas ayaad xanuun yeelan kartaa.

Haddii aad marlabaad uur qaado

Waxa caadi ah inay dhibaatadu kugu soo laabato markaad uur cusub qaado.

Dumarka doonaaya inay uur qaadaan waxay jidhka u diyaarin karaan iyagoo jimicsiyo gaar ah sameynaya. Waxaad talo ka heli kartaa kaaliyaha daaweynta iyo jimicsiga murqaha.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page