Uurka leh

Soo xaadhista uurjiifka

Abort - somaliska

Soo xaadhista uurjiifka ayaa ah marka uurka dhexda lagu joojiyo. Adigaaga uurka leh ayaa go’aansanaya in aad iska soo xaadho iyo in kale.

Xuquuqda iska soo xaadhista ayaa lagu sharaxay sharci gaar ah oo la yidhaahdo abortlagen (sharciga iska soo xaadhista uurka). 

Läs texten på svenska här. 

Balanso Wakhti

La xidhiidh xarunta isi soo xaadhista hadii aad ka fekerayso in aad samayso xaadhis. 

Shaqaalaha ayaa haysta sharciga sir-qarinta. Taas macnaheedu waxa weeye in aanay cidna u sheegi doonin in aad u tagtay iyaga. 

Xarunta ilmaha la iskaga soo xaadho marka aad tagto waxa ku baadhi doona umuliso ama dhakhtar kuwaas oo eegi doona wakhtiga aad uurka lahayd inta uu yahay. 

Waxaad kawada hadli doontaan qaabka kugu manaasabka ah ee ilmaha lagaaga soo xaadhayo adiga. Waxa jira xaadhis qaab dawooyin ah iyo mid qaab qalitaan ah. Tan dawooyinka ayaa ah mida badanaa lagu sameeyo soo xaadhista. 

Sidoo kale waxaad caawitaan ka helaysaa qaabka iska ilaalinta uurka ama kala koriska loo isticmaalo (preventivmedel). 

Sidan ayaa loo sameeya soo xaadhista dawooyinka la isticmaalo

Waxaad imanaysaa xarunta soo xaadhista ilmaha. Waxaad qaadanaysaa hal xabo oo kiniin ah kaas oo bilaabaya soo xaadhista. Kadibna waxaad tagaysaa guriga. Waxaad u sii  qaadanaysaa guriga dawooyin. 

Hal maalin ama laba kadib waxaad hadana qaadanaysaa dawooyinkii lagu soo siiyay. Dhowr sacadood kadib ayuu dhiig kaa iman doonaa. Inta badan waxa soo raaca  xinjiro ama buurbuur dhiig ah. Uurkii ayaa ku soo dhamaanaya dhiig. 

Dadka qaar ayaa ku soo noqda xarunta soo xaadhista ilmaha oo halkaas ku soo gebogabeeya soo xaadhistii. Taas ayaa dhacda tusaale ahaan hadii aad uur lahayd mudo gaadhaysa 10 usbuuc. 

Sidan weeye soo xaadhista qalniinka lagu sameeyo

Soo xaadhista qalniinku waa qalniin yar. Waxa lagu sameeyaa cisbitaalka. 

Marka hore waa lagu suuxinayaa. Kadibna dhakhtarka ayaa aalad yar galin doona siilka ilaa ilmo galeenka kadibna uurjiifka ku soo nuugo.  

Markaad aad soo toosto mudo yar ayaad sii joogi doontaa cisbitaalka, intaanad tagin guriga. 

Goorma ayaa soo xaadhista la samayn karaa?

Waxa soo xaadhista la samayn karaa ilaa iyo usbuuca 18aad ee wakhtiga uurka. 

Marka la xisaabinayo wakhtiga uurka waxa laga soo bilabayaa ilaa dhiigii caadada ee u danbeeyay maalintiisii ugu horeysay. Lagama soo xisaabinayo maalintii aad ka daahirsatay. 

Soo xaadhista kadib usbuuca 18aad 

Waa la samayn karaa soo xaadhista kadib usbuuca 18aad ee wakhtiga uurka. Lakiin wakhtigaas waa in hay’ada arimaha bulshadu (socialstyrelsen) ay siisaa ogolaansho in la soo xaadho ilmaha. Lataliyaha cafimaadka ee xarunta soo xaadhista ilamaha ayaa kaa caawin doona in aad dalbato soo xaadhista. 

Cafimaadkaaga sidan ayuu noqon kadib soo xaadhista

Soo xaadhista kadib waxa wanaagsan in aad nasato maalin.  

Waa caadi in dhiig kaa yimaado islmarkaana aad dareento xanuun yar soo xaadhista kadib. Bilowga dhiigu waa mid sidii kii caadada oo kale ah, ama ka badan. Dhowr usbuuc ka dib wuu joogsadaa dhiigu. 

Soo xaadhistu ma adkayso in uu qofku mustaqbalka uur qaado. Mana kordhindoono mustaqbalka in uurjiifku soo dhaco.

Wada-hadal caawimo ah ka hore iyo kadiba

Way fiican tahay in aad qof la hadasho. Ka hor iyo kadib labada. 

Waxaad ka balansan kartaa wakhtiga wada-hadalka caawimada xarunta soo xaadhista. 

Goorma iyo goobtee ayaan ka raadsadaa caawin?

Waxa jira khatar uu ku iman karo infekshan ilmogaleenka soo xaadhista kadib.  

Raadso caawin hadii waxyaabahan ay jiraan: 

  • Xumad ama qandho ka saraysa 38 grader. 
  • Xanuun aad ka dareemayso dhanka hoose ee caloosha. 
  • Waxa ka yimid dareere ama dheecan qadhmuun 

 La xidhiidh xarunta soo xaadhista oo ah meeshii aad iskaga soo xaadhay ilmaha.  Hadii iyagu ay ku qaabili kari waayaan ka raadso cawimaad akutmottagning ka (xarunta caawimada degdega ah) ama xarunta dhakhtarka dumarka. 

Wac oo caawimaad ka raadso telefonka 1177

Wac telefon numbarka 1177 hadii aad doonayso in lagaa caawiyo wixii aad samayn lahayd. Waxa kaa qabanaya kalkaalisooyin. 
Waxay ku hadlaan Ingiriisi iyo Iswiidhish. Marmarka qaar waxaad ku heli kartaa caawin luuqado kale. 
 
Wac 0046 771-117700 hadii aad haysto telefon wadanka dibadiisa ah. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page