Calaamada cudurka/cudurka

Calool xanuun

Magsjuka - somaliska

Calool xanuunku waa xanuun caadi ah oo si degdeg ah iskaga taga. Waxa laga yaabaa inaad yalaalugooto, matagto oo aad shuban yeelato. Waxa muhiim ah in cabitaan ka badan intii hore la cabo marka calooshu ku xanuuneyso.

Waxa uu qoraalku ku saabsan yahay calool xanuunka carruurta iyo dadka waaweyn labadaba.

Läs texten på svenska här.

Calaamadaha

Sidan ayaad dareemi kartaa haddii aad calool xanuun qabtid:

  • Aad yalaalugooneyso.
  • Aad matageyso.
  • Aad shuban leedahay.
  • Aad calool xanuun leedahay.
  • Aad xumad/qandho leedahay.
  • Uu jidhka ku xanuunaaya.

Maxaan anigu sameyn karaa?

Cab cabitaan intii hore ka badan. Isku day inaad marar badan wax cabto, kolba in yar.

Ilmaha yar ayaa malqaacad wax ku cabi kara. Jalaato/iskiriim ayaad ku dayi kartaa haddii ilmuhu aanu inuu wax cuno rabin.

Waxa halkan ku yaala talooyin dheeraad ah oo calool xanuunka ku saabsan:

  • U ogolow carruurta yaryar inay naaska nuugaan ama ay caanaha daasada/caanaha bedelka caanaha naaska ah intii caadiga aheyd wax ka badan qaataan .
  • Cab waxyaalaha dareeraha fuuqbaxa loo cabo. Way wanaagsan tahay haddii aad matag ama shuban leedahay. 
  • Marka aad calool xanuunka ka ladnaato ayaad cuntadii caadiga ahayd dib u cuni kartaa. Qadar/wax yar ku bilow.
  • Waxa jirta dawo si kumeel gaar ah shubanka kaaga joojin karta. Waxa taas isticmaali kara dadka waaweyn.

Goorma iyo xaggee ayaan daryeel ka raadsanayaa?

Dadka uu calool xanuunku ku dhacay badankoodu uma baahna inay daryeel caafimaad raadsadaan. Dhibaatada ayaa badiyaa kaligeed iska tagta.

Wac si aad talo ugu hesho

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad dooneyso in lagaa caawiyo  waxay tahay inaad sameyso. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay iyagu kuu sheegi karaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo.

Waxay kalkaalisooyinku ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaarkood ayay suurtogal tahay in luuqado kale caawimo lagu helo.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad haysato telefoon lambar wadanka dibadiisa leh.

Markay xaalad degdeg ahi jirto

Waxay xaalad degdeg ah oo rug caafimaad lagula xiriirayaa jirtaa markay waxyaalahan soo socdaa kugu haboon yihiin:

  • Ilmo lix bilood jir ka yar ayaa matag iyo shuban leh.
  • Qofka calool xanuunka leh ayaanay calooshiisa wax badani galeynin.
  • Qofka calool xanuunka leh oo uu dhiig mataga ama saxarada la socdo.
  • Qofka calool xanuunka leh oo xumad badan iyo qandho leh.
  • Qofka calool xanuunka leh oo calooshu aad u xanuuneysaa/damqanayso. Waxay xanuuneysaa xitaa marka uu qofku soo matagay ama calool shubmay ka dib. 

Rugaha caafimaadka (vårdcentraler) ayaa qaarkood furan yihiin fiidkii/habeenkii iyo maalmaha fasaxa.

Daryeel ka raadso qeybta gargaarka degdega ah (akutmottagning) haddii rugta caafimaadku xiran tahay ama aanay idin qaabili karin.

Maxaa calool xanuunka keena?

Waxa calool xanuunka keena fayrus ama bakteeriya. Cudurka matagga jiilaalka ayaa calool xanuun caadiya ah. Waxa kaas keena fayrus.

Waxa fayrusku la kala qaadi karaa haddii aad qof xanuunsanaaya ku dhawaato. Waxa sidoo kale lagu kala qaadi karaa cuntada iyo cabitaanka ay bakteeriyada ama uu fayrusku ku jiro.

Sidan ayaad u yareyn kartaa khatarta aad calool xanuunka ku qaadeyso

Sidan ayaad u yareyn kartaa khatarta aad adigu ama dadka kale ku yeelanayaan calool xanuun:

  • Gacmaha si wanaagsan u dhaq marar badan. Isticmaal saabuunta dareeraha ah.
  • Illaali nadaafada musqusha.
  • Miiska ama meelaha kale ee aad baamberiska/xafaayadda ku bedesho nadiifi.
  • Illaali nadaafada marka aad cunto sameynayso! Isticmaal mindiyo iyo looxyada wax lagu jarjaro oo hilibka iyo khudaarta u kala gooni ah.
  • Cun cunto si wanaagsan loo shiilay ama loo kariyey.
  • Iska ilaali inaad markaad jiran tahay cunto dadka kale u sameeya.

Daaweynta

Dadka badankoodu uma baahna wax daaweyn ah. Dadka qaar ay ku adag tahay inay dareere qaataan ayaa daryeel cisbitaal la siin karaa.

Markay calool xanuunka keento bakteeriya ayaad u baahan kartaa in antibiyootiga lagugu daaweeyo.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page