Soomaali/Somaliska

Umusha/dhalmada

Förlossning - somaliska

Content - Umusha/dhalmada

Visa innehåll som:
  • In ilmo farjiga laga dhalo

    Waxay badanaa dhalmadu ku bilaabantaa xanuunka foosha ama inay biyo farjiga ka soo baxaan. Xanuunka foosha ayaa dheeraada isagoo xanuunkuna marar ka badan kuu yimaadda/soo noqnoqda. Waxa ay dhalmadu ku soo dhammaataa adiga oo ducanaaya si uu ilmuhu farjiga ugu soo baxo. Waxay umushu/fooshu qaadan kartaa mudo dhawr saacadood ilaa dhawr maalmood ah.

  • Goormaa la tagayaa qaybta dhalmada?

    Inta lagu jiro foosha qeybteeda hore ayay caadi tahay in guriga la joogo. Marka xanuunku fooshu ka sii awood bato oo uu marar ka badan ku qabto ayay noqon kartaa waqtigii la tagi lahaa qeybta dhalmada ee cisbitaalka.

  • Qeybta dhalmada – halkan ayaad imanaysaa markaad umulayso

    Markaad umuleyso ayaad qeybta dhalmada tageysaa. Waxa kula kulmaya umulisada iyadoo lagu baadhi doono. Qol kuu gaar ah ayaa lagu siin doonaa.

  • Ka foolinta/bilaabidda foosha

    Mararka qaar waa inay daryeelka caafimaadku foosha bilaabaan. Waxa jira habab kala duwan oo foosha lagu bilaabo. Halkan ayaad ku baran doontaa sida taas loo sameeyo.

  • Qaabka/sida marka la umulaayo loo joogo

    Waxa jira qaabab badan oo marka la umulaayo loo joogo. Waxa wanaagsanaan karta in kolba qaabka aad u joogto la beddelo si aanad xoog ugu daalin. Waxay taasi sidoo kale ilmaha u fududaynaysaa inuu hoos u soo dego oo uu soo baxo.

  • Dhiigbaxa dhalmada kadib

    Mar walba dhiig baa ka soo baxa farjiga umusha kadib. Waxa uu dhiiggu ka imanayaa nabar ilmo-galeenka ku dhex yaala. Waxa uu nabarku sameysmaa/ yimaadaa marka ay madheertu ka soo go'do derbiga ilmo-galeenka. Haweenka dhibaatooyinka dhiigbaxa yeesha qaarkood ayaa u baahan kara inay daryeel caafimaad raadsan.

  • Dillaaca xilliga foosha

    Marka uu ilmuhu halka hore ka soo dhasho ayay caadi tahay in farjiga nabar lagu yeesho. Waxa loo baahan yahay in nabarkaa la tolo, waxaana loo yaqaanaa dillaac. Waxa jira dillaac yar iyo dillaac weyn. Dillaaca ayay isla dhalmada ka dibba umuliso ama dhakhtar uu hagaajiyaa.

  • Infegshanka ilmo-galeenka ee dhalmada kadib

    Infegshanka ilmo-galeenka ee dhalmada kadib. Taas waxa sabab u ah in ilmo-galeenka ay bakteeriya soo gashay. Daryeel caafimaad raadso si lagaaga daaweeyo.

  • Cisbitaalka marka laga baxo iyo muddada ugu horeysa ee dhalmada ka dib

    Waxa kala duwan mudadda marka la umulo ka dib cisbitaalka lagu sii jirayo. Waxay taasi ku xidhan tahay nooca daryeelka iyo caawimo ee aad adiga iyo ilmahu u baahan tihiin. Xitaa marka aad ilmaha guriga la tagto ayaa haddii aad daryeel caafimaad u baahan tahay cisbitaalka la soo xidhiidh kartaa.

  • Foodhaca (framfall) ka dib markaad ilmo dhasho

    Waxa uu foodhacu ka dhigan yahay inay wax ka soo kuusan yihiin/ka soo baxaan daloolka farjiga. Waxa ka soo baxay waxa uu noqon karaa ilmo-galeenka ama siilka gudahiisa. Taasi waa wax la dhibsan karo laakiin waxa jirta daweyn ku caawin karta.

  • Booqashada rugta umulisada ka dib markaad ilmo dhashay

    Markaad ilmo dhasho ka dib waxa muhiim ah in umulisada joogta rugta umulisada la booqdo. Waxaad ka wada hadlaysaan siday dhalmada iyo wakhtigii ka danbeeyey uu ahaa. Waa lagu baadhi doonaa waxaanad weydiin kartaa su'aalo.

  • Sidaad dhalmadaada u aragtey

    Waxa caadi ah in dareeno badan la dareemo ka dib markaad ilmo dhashay. Waxa Sidaa darteed fiicnaan karta in dhalmada umuliso ama dhakhtar lagala hadlo. Haddii aad u baahan tahay ayaad taageero dheeraad ah heli kartaa.

  • Dhiigga caadada ka dib markaad ilmo dhashay

    Waxa kala duwan xilliga ay caadadu soo noqonayso marka ilmo dhashay ka dib. Waa suurtogal inaad uur qaado ka hor inta aanay caadadu soo noqon.

  • In umusha ka dib tabobar iyo jimicsi la sameeyo

    In uur la qaado oo ilmo la dhalo ayaa jidhka saameyn ku leh. Umusha ka dib wuxuu jidhku u baahan yahay inuu bogsado. Marka uu jidhku bogsado ayay wanaagsan tahay in tabobar la sameeyo. Waxa filimka lagugu tusayaa shan jimicsi oo aad sameyn kartid.

To the top of the page