Umusha/dhalmada

Sidaad dhalmadaada u aragtey

Hur du upplevde din förlossning - somaliska

Waxa caadi ah in dareeno badan la dareemo ka dib markaad ilmo dhashay. Waxa Sidaa darteed fiicnaan karta in dhalmada umuliso ama dhakhtar lagala hadlo. Haddii aad u baahan tahay ayaad taageero dheeraad ah heli kartaa.

Dumarka kala duwan ayaa midkoodba si dhalmada u arki kartaa. 

Way kala duwan tahay in loo baahdo amase la rabo in dhalmada laga hadlo. 

Läs texten på svenska här.

La hadal umuliso ama dhakhtar cisbitaalka jooga

Waxaad la hadli kartaa umuliso ama dhakhtar ka dib markaad ilmo dhashay ee aad dhakhtarka sii joogto. Su'aalo ayaad weydiin kartaa iyadoo lagaaga jawaabi doono. 

Lamaanahaaga ama qof kale oo qaraabo ah ayaa wadahadalka kula joogi kara. 

Mararka qaar ayay umulisadu wax ku weydiisaa 

Dhalmooyinka qaarkood ayay caadi ahaan umulisadu ku weydiisaa sida la dareemayay  

Waxay taasi tusaale ahaan noqon kartaa haddii ilmahu qalliin aan hore loo qorsheyn ku soo dhashay. Tusaale kale waxa weeye haddii ilmahu daryeel dheerad ah dhalmada ka dib u baahnaa. 

U sheeg haddii aad dooneyso inaad wax ka hadasho, haddii aanay cidi wax ku weydiin

Markaad guriga ku soo noqoto ka dib

Dhowr todobaad ka dib markaad guriga ku soo noqotaan ayaad booqan doontaa rugta umulisada oo aad umuliso la kulmi doontaa. 

Markaas ayaad ka wada hadlaysaan sidaad dhalmadaada u aragto iyo sida aad dareemeyso.   

Waxaad akhriyeysaan oo aad isla eegaysaan diiwaankaaga caafimaadka/faylkaaga dhakhtarka. Diiwaanka caafimaadku waxa weeye qoraallada uu shaqaalahu sameeyey xilliga aad dhakhtarka ku jirtay.  

Haddii aad teegeero dheeraad iyo caawimo u baahan tahay

Waxaad heli kartaa taageero iyo caawimo haddii aad maskax/dhimir ahaan ama jidh ahaan xanuun dareemayso dhalmada ka dib. 

Umulisada ayaa ku caawin doonta haddii aad u baahan tahay inaad dhakhtar la kulanto. Waxaad sidoo kale caawimo ka heli kartaa inaad tusaale ahaan la kulanto dhakhtarka dhimirka ama jimicsiga jidhka (fysioterapi). 

Todobaadka ugu horreeya ee dhalmada ka dib ayaad cisbitaalkii aad ku dhashay la xidhiidhi kartaa. 

Waxaad todobaad ka dib la xidhiidhi kartaa rugta umulisada. Halkan ayaad ka helaysaa rugta umulisada. Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page