Talaalka covid-19
Vaccination mot covid-19 - somaliskaCovid-19 waa cudur faafa. Tallaalku waxa weeye habka ugu fiican ee loogaga hortagaayo in cudurka si xun/aad loogu xanuunsado ama loogu dhinto.

Gobolkaaga ayaa ah cidda talaalka ka mas'uulka ah. Gobolka bogga xagiisa sare ka dooro si aad ugu hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa khuseeya meesha aad joogto.
Uma baahnid inaad tallaalka covid-19 lacag ka bixiso.
Adiga ayaa go'aaminaaya haddii aad rabto inaad is tallaasho.
Macluumaadka qoraalka ayaa khuseeya carruurta iyo dadka waaweyn labadaba.
Sidee ayaan sameeyaa si aan tallaal ugu helo?
Dhammaan dadka 12 sano jir buuxiyey waxa loo soo bandhigayaa tallaal. Carruurta qaar marka laga soo blaabo 5 sanno jirada ayaa tallaalka Covid-19 la siin karaa.
Xitaa qofka magangalyo doonka ah ama Iswiidhan sharci la’aan ku jooga ayaa bilaash tallaalka loo siinayaa. Waxay taasi khuseysaa xitaa qofka Iswiidhan wax ka barta ama ka shaqeeyaba isagoo xitaa aanu muwaadin Iswiidhish ah ahayn.
Waxa laguu soo jeedinayaa inaad is tallaasho xitaa haddii uu covid-19 hore kuugu dhacay.
Iska soo gelid loogu gala galay dhammaan dadka lugula taliyay tallaalka.
Uma baahnid inaad ballan qabsatid si aad isu tallaasho. Waqtiyada furnaantu wey kala duwanyihiin, waqtiga ay meeshu furantahayna waxaad ka arki krtaa liiska rugaha tallaalka.
Ballan xitaa waad qabsan kartaa
Waxaad xitaa heli kartaa waqti go’an oo loogu tala galay tallaalka, adigoo dooranaya rug tallaal, ballanna ka qabsanaya. Waqtiyada la qabsado ayaa mudnaan ahaan laga hormariyaa iska imaashada rugaha tallaalka.
Adigaaga aan haysan nambarro aqoonsi oo Iswiidhish ah ama aan fursad u haysan in aad aqoonsi elekteroogi ah si digital ah ballan ugu qabsatid, taleefanka 010-452 63 03 ayaa af-Iswiidhish, af-Ingiriis ama af-Finish ballan ugu qabsan kartaa. Fadlan ha ku caawiyo qof ka mid ah xigtadaada.
Adigaaga aan ku hadlin af-Iswiidhishku si aad macluumaad u hesho, una qabsatid ballan tallaal, waxaad xaq u lahaan kartaa turjumaan luqaddaada ah. Marka lagu soo waco sheeg in aad u baahantahay turjumaan luqadeed si aad u qabsatid ballan tallaal. Sheeg xitaa luqadda ay khuseyso.
Sidan ayaa talaalka loo sameynayaa
Waxa cirbada tallaalka lagaa siinayaa cududa. Waxaad marka cirbada lagu siiyo meesha sii joogi doontaa 15 daqiiqo. Taasi waxa weeye si caafimaadkaaga loogu hubiyo. Qaado dhamaan cirbadaha laguu soo bandhigaayo. Markaas ayaad difaac wanaagsan oo Covid-19 kaa ilaaliya helaysaa. Waxa cirbadaha lagu kala siin doonaa marar kala duwan.
Waxaa jira qoraal ka badan oo ku saabsan inta tallaal ee dadka kala duwan la siinaayo: Imisa jeer ayaa la igula talinayaa inaan is tallaalo? Qoraalku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.
Weydii shaqaalaha daryeelka caafimaadka haddii ay jirto wax aad iska weydiinayso. tallaalkaaga.
Weydii shaqaalaha daryeelka caafimaadka haddii ay jirto wax aad iska weydiinayso tallaalkaaga.
Miyaan is tallaali karaa haddii aan jiranahay?
Waa in aanad is tallaalin haddii aad leedahay qandho ama calaamado covid-19 ah. Sug ilaa intaad hadana ka soo roonaaneyso.
Sidee ayaan ka dib dareemayaa?
Waxaad yeelan kartaa cududda oo ku xanuunta, madax xanuun, inaad daal dareento maalinta ugu horreysa ee tallaalka ka dib. Waxa sidoo kale dhici karta inaad barafoowdo/dhaxamooto, aad qandho yeelato ama ay laabatooyinka iyo murquhu ku xanuunaan. Waxa loo yaqaanaa saameynta xun waxaanay caadi u tahay carruurta iyo dadka waaweyn ee tallaalka qaata.
Waxay taasi caadi ahaan noqotaa dhibaato khafiif ah iyadoo dhowr maalmood gudahood iska tagta.
Saameynta xun ee tallaalka
Malaayiin qof ayaa covid-19 iska tallaalay. Waa wax aan caadi ahaan dhicin inaad saameyn xun yeelato ka dib markaad tallaalka qaadato. Waxa ka khatar weyn inaad covid-19 si xun ugu xanuunsato.
Dumarka uurka leh ama naaska nuujinaaya
Dumarka uurka leh ayaa aad ugu jiran kara covid-19. Si aad naftaada iyo ta ilmahaba ugu illaaliso ayaa laguugu soo jeedinayaa tallaalka.
Waxyeello uma keeneyso ilmaha caloosha ku jira.
Waad is tallaali kartaa xitaa haddii aad naaska nuujinayso.
Kalkaalisadaada kala hadal si aad ugu ogaato waxa adiga ku khuseeya.
Carruurta iyo tallaalka
Carruurta ayaa Covid-19 aad ugu xanuunsan karta, inkastoo aanay taasi wax caadi ah aheyn. Carruurta da'doodu tahay 12 sano jir iyo wixii ka weyn ayaa sidaas darteed tallaalka loo soo bandhigayaa. Carruurta qaar marka laga soo bilaabo 5 sanno jirada ayaa tallaalka Covid-19 la siin karaa. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa cudur xun oo sanbabada ah. Dhakhtarka ilmaha daaweynaaya kala hadal wixii idinka idin khuseeya.
Dadka ka yar 18 sano jir ayaa u baahan kara ogolaanshaha waalidka/daryeelaha si uu tallaalka ugu helo. La xiriir qof jooga meesha tallaalku ka dhacaayo haddii aad dooneyso inaad is tallaasho, laakiin aanad ogolaansho haysan.
Qofka hore ugu yeeshay xasaasiyad xun
Kala hadal dhakhtar haddii aad horey u yeelatay xasaasiyad aad u xun taas oo aad u baahatay inaad isla maalintaasba daryeel caafimaad raadsato. Waxa taas keeni kara tallaal, dawo ama wax aad cuntay.
Tallaalka si taxaddar leh ayaa loogu kantaroolay
Tallaalka covid-19 waxa loo sugay si la mid ah sida taxaddirka badan leh ee tallaalada kale. Malaayiin qof oo dad waaweyn iyo carruurba leh ayaa tallaalka qaatay iyadoo cilmi baadhayaal ay daraasad saameyntiisa ku sameeyeen. Waxa sii socota in tallaalka daraasad lagu sameeyo.
Waxa uu Covid-19 kugu dhici karaa xitaa haddii lagu tallaalay. Laakiin dadka la tallaalay badankoodu xoog uma xanuunsadaan.