Caafimaadka ilkaha (Små barns tänder)

Sidee u koraa maqalka carruurta yaryar?

Caloosha gudaheeda ayuu ilmaha uurka ku jira wax ku maqli karaa laga bilaabo asbuuca 18 ee uurka. Markii ilmuhu dhasho dhegaha iyo xubinta maqalka waa kuwo dhamaystiran. Qaybta miskaxda ee xiriirka la leh maqalka dhaqso ayay u kortaa nus sannadka u horreeya. Taasi waxay keenaysaa in ilmuhu kusoo fiicnaado fahamka wuxuu maqlayo.

Sidaas darteed ayaa loo baaraa maqalka carruurta

Way adag tahay in ilmo aan si fiican wax u maqlayn uu bilaabo inuu hadlo oo wada hadal sameeyo. Sidaas darteed waa muhiim in maqalka hooseeya horay loo ogaado. Markaas ayuu ilmuhu kaalmo iyo daawayn heli karaa.

Dhammaan carruurta Iswiidhan ku dhalata waxay baaritaan maqalka ah ku maraan qaybta dhallaanka isbitaalka (BB) ama asbuuca u horreeya noloshooda gudihiisa. Weydii Rugta caafimaadka caruurta (BVC) haddii aadan hubin in ilmahaaga maqalka laga baaray. Sida loo sameeyo waxaad ka arkaysaa filimka ku jira linkiga hoose.

Ilmaha maqalkiisu gadaal wuu ka xumaan karaa haddii baaritaanka koowaad uu fiicnaa. Sidaas darteed ayaan Rugta caafimaadka carruurta (BVC) ku weydiinaa su´aalo ku saabsan maqalka ilmaha. Baaritaan maqal waa lagu samayn karaa carruurta da´ walba oo ay ku jiraan. Haddii aad ka shakisan tahay in ilmaha maqalkiisu xun yahay, waa in dhakhtar ama kalkaaliso ilmaha dhegaha ka fiirshaan. Waxaa dhici karta in qoyaan xuubka durbaanka maqalka gadaashiisa ku jiro ama dhukay ku jiro.   

Sidaan ayaad ku dareemaysaa inuu ilmuhu wax maqlo

Bilaha u horreeya ilmuhu madaxuu kusoo jeedinayaa markii aad la hadashid. Ilmuhu wuu boodayaa markii uu shanqadh dheer maqlo laga bilaabo da´da 1,5-2 biloodna wuxuu ku hadaaqaa cod uu jawaab uga bixinayo markii aad la hadashid.  

Markii uu da´da 4-6 bilood gaaro wuu soo eegaa soona jeensadaa markii uu cod cusub maqlo. Wuu cabsan karaa haddii uu shanqadh ama cod dheer maqlo. Ilmuhu wuu hadaaqayaa xattaa hadduu keligiis yahay.  

Markii ilmuhu gaaro 6-8 bilood wuxuu ka falceliyaa telefoonka ama gambaleelku markuu soo dhaco, isagoo tusaale ahaan fiirinaya dhinaca shanqadhu ka imaanayso. Ilmuhu wuxuu bilaabayaa inuu ku hadaaqo xarfo, tusaale ahaan da-da ama ma-ma wuxuuna shanqadhiisa u arkayaa wax xiise leh. Ilmuhu wuxuu ku jawaabayaa hadaaq markii aad la hadashid.

Markii uu gaaro 10-12 bilood wuxuu ilmuhu ka falcelinayaa magaciisa markii loogu yeero wuxuuna fahmayaa micnaha dhowr eray. Wuxuu bilaabayaa inuu fahmo waxyaalaha loo sheegayo qaarkood sida inuu fiirsho ama farta ku fiiqo shayga, tusaale ahaan markii aad weydiisid ”gaarigii aaway”?

Ilmaha xoogaa wayn ee maqalkiisu xun yahay wuxuu u dhawaan karaa TV-ga ama sameecadaha, ama wuxuu kaa codsan karaa inaad codka kor u qaadid. Waxaad sidoo kale dareemi kartaa in ilmuhu uusan jawaabayn markii adiga ama qof kale uu la hadlo ama uusan horumar ka samayn qaabka uu u hadlo. La hadal kalkaalisada rugta caafimaadka carruurta (BVC) haddii aad su´aalo ka qabtid maqalka ilmaha.


Sidaan ayaad ku ilaalin kartaa maqalka ilmaha

Maqalka ilmaha wuu ka xassaasisan yahay kan dadka waawayn. Xadka shanqadhu dhaawac u keeni karto maqalka ilmaha wuu ka hooseeyaa kan dadka waawayn. Shanqadh dheer haddii qofka muddo dheer dhegahiisa ku dhacdo dhaawac ayay maqalkiisa u keeni kartaa. Waxaad ilmahaaga ku caawin kartaa inuu maqalka ilaashado adigoo ka shaqaynaya inuusan codku dheerayn markii uu ilmuhu sameecadaha dhegaha wax ku dhagaysanayo. Haddii ilmuhu aado xaflad muusiig ama cod dheer dhagaysto xaalado kale waxaad ilmaha maqalkiisa ku ilaalin kartaa dhego la gashado oo diffaac ah oo maqaas le´eg ah iyo in uusan u dhawaan sameecadaha codka dheer.   

 

Halkaan kasii akhri wixii intaa dheer:

Filim muujinaya sida loo qaado baaritaanka maqalka ee ilmaha dhashay
Undersökningar av det nyfödda barnet - 1177
(arabiska) لعربية 
English (engelska)
Soomaali (somaliska)
(Persisk översättning finns inte)

Hörselundersökning (Baaritaanka maqalka)

Ilaha daliisha: https://www.stanfordchildrens.org/en/topic/default?id=age-appropriate-speech-and-hearing-milestones-90-P02169

Rikshandboken i barnhälsovård, kapitel om språk och hörsel (Buugga sharaxaadda guud ee heer qaran ee daryeelka caafimaadka carruurta, cutubka ku saabsan luuqadda iyo maqalka)

Habilitering och hälsa, länk i text ( Baxnaanada iyo caafimaadka, link qoraal kugu xiraya)