Det går inte att ringa till 1177.Det här meddelandet avser Skåne

Tjänsten till 1177 på telefon är ur drift, inga samtal kan tas emot. Felsökning pågår. Under tiden, sök råd på 1177.se eller kontakta din vårdcentral imorgon. Vid akut eller livshotande skada, kontakta 112.

Raadso daryeel

Daryeelka jirdilka kadib

Vård efter tortyr - somaliskaThe content concerns Skåne

Jirdilku waa marka qof si ula kac ah uu qof kale u kadeedo/silciyo.Tusaale ahaan, in laga cabsiiyo ama la quursado oo la bahdilo. Jirdilku waa mamnuuc. Waxaad heli kartaa caawimo haddii adiga lagu jirdilay.

Jirdilka macnahiisu waa xanuun badan ama dhibaato weyn.

Waa maxay jirdilku? 

Kuwani waa tusaaleyaal ka mid ah jirdilka:

  • Waa lagu garaacay ama lagu darbeeyey/laaday.
  • Muddo dheer ayaa meel lagugu xiray (fastbunden).
  • Maxbuus ahaan ayaa laguu hastay, tusaale ahaan, laguuma oggolayn inaad wax cunto, seexato ama aad daawooyin qaadato.
  • Waa lagu kufsaday ama waxa laguu geystay xadgudub ku saabsan galmo kale.
  • Waxaa lagugu qasbay inaad fiirsato iyadoo qof kale la jirdilayo.

Jirdilku waa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Waa caadi in la dareemo caafimaad xumo jirdilka kadib

Waa caadi in la dareemo caafimnaad xumo jirdilka kadib.

Waxa laga yaabaa inaad si toos ah u dareento caafimaad darro dhacdada kadib, ama muddo dheer kadib.

Sidan ayaad dareemi kartaa jirdilka kadib: 

  • Waxa kugu adkaankarta hurdada oo riyoonyin xun ayaad ku riyoonaysaa/qarwaysaa.
  • Inta badan waxaad dareemaysaa murugo, cabsi ama xanaaq.
  • Waad ka xishoonaysaa ama waxa aad dareemaysaa inuu jirdilku qaladkaaga ahaa.
  • Ma doonaysid inaad sii noolaato.
  • Waxaad dareemaysaa in aanay waxba ku faraxin ama ay waxliba waxba kula ahayn.
  • Waxaa ku xanuunaya madaxa ama qaybaha kale ee jirka. Markasta wuu ku xanuuni karaa ama marar badan.
  • Aragga iyo maqalka ayaa kaa xumaanaya.
  • Wadnahu aad ayuu kuu garaacayaa. 
  • Ma rumaysanaysid dadka kale waxaanad iska ilaalinaysaa inaad la kulanto dadka kale.
  • Inta badan waxaad ka fikiraysaa arrintii foosha xumayd ee dhacday. Waxyaabaha nolol maalmeedka ah ayaa ku xasuusin kara dhacdada. Markaa waxaad dareemaysaa i aad markale la kulmeyso wixii foosha xumaa.

Haddii uu muddo dheer caafimaadkaagu xumaado waxa laga yaabaa inaad qabto PTSD. PTSD waxa kale oo loogu yeeraa cadaadis dhinaca maskaxda ah/shoog dhibaatada kadib (posttraumatiskt stressyndrom). Waxaa lagu siinkaraa caawimo lagaga hortegayo PTSD. 

Raadso taageero iyo daryeel  

Wac rugtaada caafimaadka haddii lagu jirdilay. Way fiican tahay inaad u raadsato daryeel sida ugu dhakhsaha badan. Laakiin sidoo kale waxaad raadsan kartaa daryeel hadhow haddii aad dareento xanuun.

Wac lambarka taleefoonka 112 haddii aad dareento caafimaad darro. Waxa kale oo aad daryeel ka raadsan kartaa qaybta qaabbilaada degdegga ah ee dhimirka.

Haddii aad ka yar tahay 18 jir

Miyaada ka yar tahay 18 sano? Markaa waxaad sidoo kale wici kartaa qaybta qaabbilaada caafimaadka dhalinyarada ama waxaad u tegikartaa kartaa caafimaadka ardayda ee dugsigaaga.

Waxaad wici kartaa talo bixin “En väg in” lambarka talefoonka 020-51 20 20. Way ku caawin doonaan si taageero aad u hesho. Tusaale ahaan, dhakhaatiirta iyo cilmi-nafsiga yaqaanada carruurta iyo dhalinyarada (psykologer).

Dacwad u gudbi booliiska jirdilka

Sidoo kale way wanaagsan tahay in loo sheego jirdilka booliiska. Waxaad sidoo kale sheegi kartaa haddii jirdilka uu ka dhacay waddan kale. Wac lambarka talefoonka 114 14. Waxaad ku hadli kartaa Iswidish ama Ingiriis.

Sidan ayuu baaritaanku u dhacaa  

Waxaad la kulmaysaa dhakhtar ama kalkaaliye caafimaad. Waa lagu baari doonaa waxaana sidoo kale lagu sheegi doonaa sida uu caafimaadkaagu yahay.

Markaa waxaad ogaan doontaa daryeelka aad u baahan tahay. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad qof kala hadasho wixii dhacay. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa inaad sidoo kale u baahato daawayn ama daawooyin kale.

Qof kasta oo ku mid ah daryeelka caafimaadka waxaa saaran waajibka sir qarinta (tystnadsplikt). Looma oggola inay wax adiga kugu saabsan u sheegaan dadka kale ee aan ka mid ahayn daryeelka caafimaadka.

Haddii aanad fahmin iswidishka? U sheeg markaad daryeel caafimaad raadsanayso. Markaa shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxay kuu qaban doonaan turjumaan. Turjubaanka sidoo kale waxaa saaran waajibka sir qarinta (tystnadsplikt).

Maxaan anigu u samayn karaa naftayda si aan u dareemo fiicnaan?

Waxaanu jecelnahay inaad qof kala hadasho sida aad dareemayso. Wuxuu noqon karaa qof aad taqaano ama qof ka shaqeeya daryeelka caafimaadka.

Waxa kale oo aad qoraal ka samaynkartaa wixii dhacay iyo sida aad dareemayso. Waxay kaa caawin kartaa inaad dareento caafimaad wanaagsan.

Halkan waxa ku yaala waxyaabo kale oo ku caawin kara:

  • Bannaanka u bax oo dhaqdhaqaaq sanee. Tusaale ahaan inaad soo lugayso.
  • Isku day inaad seexato oo aad wax cunto wakhtiyo isku mid ah maalin kasta.
  • Iska ilaali khamriga iyo maandooriyeyaasha. Marka hore waxa laga yaabaa inaad dareento inay ku caawinayso, laakiin ka dib waxaad dareemi doontaa inaad ka siidarto.

Haddii qof aad garanayso la jir dilay

Ma taqaan qof la jirdilay? Markaa waxa kale oo laga yaabaa inaad dareento caafimaad darro oo aad u baahan tahay caawimo. Wac rugta caafimaadka si aad caawimo u hesho.

Miyaad ka yartahay 18 jir? Markaa waxaad sidoo kale samayn kartaa sidan:

  • Wac qaynta qaabbilaada caafimaadka dhalinyarada.

    Qaybta qaabbilaada dhalinyarada ee Skåne
  • Booqo caafimaadka ardayda dugsigaaga.
  • Wac talo bixinta "En väg in" lambarka talefoonka 020-51 20 20. Way ku caawin doonaan si taageero aad u hesho. Tusaale ahaan, dhakhaatiirta iyo cilmi-nafsiga yaqaanada carruurta iyo dhalinyarada (psykologer).
To the top of the page