Baaritaano/tijaabooyin

Iska-qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus ee Gobolka Västmanland

Självprovtagning för HPV i Västmanland - somaliskaThe content concerns Västmanland

Haddii 30 sano jir aad tahay ama da`daada ay ka wayn tahay, waxaa la gaaray waqtigii aad iska qaadi lahayd shaybaarka unugyada, sidaas darteed waxaa lagu soo diri doonaa waxyaalaha shaybaarka laysaga qaado. Markaas kaddib adiga ayaa iska qaadi karo shaybaarka, mana u baahnid inaad tagto rugta dumarka/ummulisada. Hab sugan oo la barbardhigi karo qaabka ummulisada ayaa shaybaarka iska qaadi kartaa. Haddiise aad door bidayso in rugta shaybaarka lagaga qaado, waa inaad la xiriirto oo aad kaddib ballansato.

Shaybaarka waxaa lagu shaacbixiyaa

Shaybaarka waxaa lagu shaacbixiyaa haddii jirkaaga aad ku sido fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus iyo in kale. Natiijada shaybaarka ayaa lagu xaqijiyaa jiritaanka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus iyo in kale. Haddii qofku u muddo dheer jirkiisa ku siday infeekshanka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus, wuxuu sababa wax iska beddellada unugyada dhuunta ilmogalenka.

Wax iska beddellada unugyada dhuunta ilmogalenka

Caadi ahaan wax iska beddellada unugyada iskooda ayaa looga bogsada, laakin noocyaha wax iska beddellada unugyada qaarkood, waxay u baahan yihiin daryeelid maadaama waxay isku rogi karaan cudurka kansarka.

Haddii laga tallaalay fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus

Xitaa haddii laga tallaalay fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus, waa inaad shaybaarka iska qaada, sababta oo ah dawada tallaalka looga ma badbaado dhammaan noocyada fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus kuwaasoo sababa wax iska beddellada unugyada.

Xaaladaha aynan habboonayn inaad isticmaasho waxyaalaha iska-qaadista shaybaar fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus waa:

  • Markii aad uur leedahay, sababta oo ah xaaladdaas waa in ummulisada shaybaarka ka qaado.
  • Haddii berri hore laga saaray ilmogalenaka.
  • Markii aad u baahan tahay in ummulisada ay shaybaarka ka caawinto.

Sidatan ayaa shaybaarka isaga qaadi kartaa

Adigoo qoriga suufka madaxa ku leh kaashanaya ayaa shaybaarka iska qaadaysaa.

  • Qoriga suufka madaxa ku leh geli caarada siilka ilaa 5 sentimitir.
  • Qoriga suufka madaxa ku leh ku jiid gidaarka siilka kaddib dhowr jeer ku wareeji.
  • Qoriga suufka madaxa ku leh dhex geli tuubada shaybaarka kaddib jebi jirridda.
  • Daboolka ku xir kaddib tuubada dhex geli baqshadda baakada ku dhex jirtay.
  • Kadibna baqshadda ku rid sanduuqa boostada ee caadiga ah.

Warqad ku qoran tilmaan aad u qeexan/tafatiran waxay ku dhex jirta baakada waxyaalaha shaybaarka laysaga qaado. 

Haddii shaybaarka u wax ka qaldamo

Caadi ma ahan in shaybaarka u wax ka qaldamo. Laakin haddii ay dhacdo waxaa lagu soo diri doonaa warqad, oo ku qoran ballan oo ummulisada shaybaarka la qaadi doonto.

Suurtagal ma noqon karto in la dalbado Iska-qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus oo cusub

Haddii qalad xiriir la leh waxyaalaha shaybaarka iska qaadista u dhaco (sida tusaale haddii dheecaanka tuubada ay ka daadato), suurtagal ma noqon karto in la dalbado mid cusub. Xaaladdaas waa inaad rugta ummulisada la xiriirto, kaddib qabsato ballanka shaybaarka unugyada.

Dhacdooyinka shaybaarka iska qaadista kaddib

Haddii natiijada shaybaarka lagu shaacbixiyo inaad jirkaaga ku sido fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus, waxay ummulisada kugu yeeri doontaa in laga qaado shaybaarka unugyada afar toddobaad kaddib markii shaybaarka falanqayn lagu sameeyo. Ummulisada waxay markaas ka qaadi doontaa shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus iyo shaybaar wax iska beddellada unugyada dhuunta ilmogalenka.

Haddii wax iska beddellada unugyada dhuunta ilmogalenka laga helo, baaritaan dheeraad ee dhakhtar ayaa lagugu yeeri doonaa.

Haddiise aan laga heli fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus wax tallaabo oo dheeraad ah lama qaadi doono. 

Amniga iska-qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus – wuxuu u sugan yahay sida amniga markii ummulisada ay shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus ka qaadayso

Khibrado dheer oo laga soo xigsaday cilmi-baaris, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in amniga Iska-qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus – la barbardhigi karo amniga markii ummulisada ay shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus ka qaadayso.

Sidaas darteed sida ummulisada oo kale ayaa shaybaarka iska qaadi kartaa

Markii qofka u iska qaadayo shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus, uma baahna in u isaga qaado sida ummulisada oo kale, macnaha ka soo qaado gudaha siilka. Waxaa ku filan in qoriga suufka madaxa ku leh aad dhawr jeer siilka ku wareejiso. Sidaas ayuu qofku unugyada ku soo ururin karaa, kuwaasoo kaddib falanqayn lagu samayn doono sidii loo hubsado in u ku jiro fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus iyo in kale.

Aniga berri hore waxaa layga helay wax iska beddellada unugyada, sidaas darteed waxaan ka walwalsan nahay in aan si sax ah isaga qaadin shaybaarka, haddaba sidee ba ku ogaan karaa in aan iska qaadista ku filan nahay?

Haddii goor dhow laga helay wax iska beddellada unugyada, kuwaasoo hab taxan loo kormeero oo ka duwan kormeerista caadiga ah, laguma siin doono fursadda inaad iskaaga iska qaado shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus. Haddiise laga helay wax iska beddellada unugyada, taasoo lagu kormeero yeeritaanka caadiga ah, xaaladdaas waa lagu siinayaa fursadda iska qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus.

Dadka fursadda Iska-qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus la siin doono waa kuwan

Haddii aad 30 sano jirto ama da`daada ay ka wayn tahay, oona goor dhow aana laga helin wax iska beddellada unugyada, waxaa lagu siin doonaa fursadda iska qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano humant papillomavirus. Haddiise fursadda Iska-qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano humant papillomavirus aan lagu siin, ummulisada ayaa hab waafaqsan habka yeerintanka ku qaban doonto ballanka shaybaarka unugyada.

Sida ay u kala duwan yihiin iska-qaadista shaybaarka fayruuska loo yaqaano humant papillomavirus iyo shaybaarka unugyada ay ummulisada qaado

Markii ummulisada shaybaarka unugyada ay qaadayso, waxay dhuunta ilmogalenka iyo siilka ka soo ururisaa unugyo. Laakinse markii qofku u iska qaadayo shaybaarka fayruuska loo yaqaano Humant papillomavirus, wuxuu unugyada ka soo ururiyaa siilka oo keliya. Sidaas darteed, markii qofku u iska qaadayo shaybaarka uma baahna in unugyada ka soo qaado dhuunta ilmogalenka, waayo marna suurtagal ma noqon karto in qofka u iska qaado shaybaarka noocaas ah.

To the top of the page