Baaritaano/tijaabooyin

Fiiruska HPV iskaga baar Sörmland

Testa dig för HPV-virus i Sörmland - somaliskaThe content concerns Sörmland

Ma tahay qof dumar ah, oo da'deedu u dhaxayso 23 ilaa iyo 70 sano? Markaas waxaad si joogto ah u heli doontaa wax leeskaga baaro fiiruska HPV-ga. Waxaad baaritaanka iskula sameyneysaa guriga. Wuxuu baaritaanku muujinayaa haddii aad qabto fiiruska HPV-ga, kaas oo keeni kara cudurka kansarka.

Horay, umuliso ay kaaga qaadday muunadda unugyadaada. Hadda, wuxuu qof kasta oo ku nool Sörmland beddel ahaan sameyn karaa inuu isagu isbaaro.

Waxaad saami iskaga qaadeysaa guriga. Ka dibna waxaad kusoo direysaa boostada si loo baaro.

Waa maxay HPV?

HPV waa fiirus aad caadi u ah. HPV waxay u taagantahay fiiruska papillomavirus.

Wuxuu ku faafaa in qofba qof kale qaadsiiyo, tusaale ahaan xilliga galmada.

Wuxuu mararka qaar isbeddel ku keenaa unugyada ku ku jira afka ilmo-galeenka, isbeddelladaas unugyaduna waxay keeni karaan kansar.

Caadi ahaan HPV-gu ma laha wax calaamado cudur ah, mana ogaaneysid inaad leedahay. Sidaas darteed waa inaad had iyo jeer baaritaan sameysaa marka la soo gaaro waqtigaaga.

Waa muhiim inaad is-baarto

Wuxuu baaritaanku muujinayaa haddii aad qabto fiiruska HPV. Waxaa fiican in waqti hore la ogaago HPV-ga. Markaas waa ay fududdahay in la daweeyo fiiruska. Sidaas darteed, is-baar mar kasta oo gurigaaga laguugu soo diro waxyaabaha leesku baaro.

Is-baar xitaa haddii aad ka tallaalantahay HPV. Tallaalku si buuxda uma celinaayo HPV-ga.

Baaritaanka waa lacag la’aan. Adiga ayaa go'aaminaya haddii aad rabto inaad is-baarto.

Xaaladaha qaarkood, uma baahnid inaad is-baarto

Uma baahnid inaad is-baarto haddii laguugu sameeyay qalliin si gebi ahaanba loo saaro ilmo-galeenka iyo dhuunta ilmo-galeenka. Waxaa loo yaqaan ilmo-galeen-saarid buuxda.

La xiriir Xoghaynta u yeeritaanka saami qaadidda unugyada la xiriira xubnaha taranka tumarka ee Sörmland, ee u sheeg inaadan rabin in mar dambe laguu soo diro waxyaabaha leesku baaro.

Goorma ayaan is-baarayaa?

  • Ma tahay qof jira inta u dhaxaysa 23 ilaa iyo 49 sano? Markaas, waxaa laguu soo jeedinayaa inaad baaritaan sameyso saddaxdii sano ama shantii sanaba hal mar.
  • Ma tahay qof jira inta u dhaxaysa 50 ilaa iyo 70 sano? Markaas, waxaa laguu soo jeedinayaa inaad baaritaan sameyso shantii sano ama toddobadii sanaba hal mar.

Baaritaanka ugu dambeeya waxaa qofka loo soo jeediyaa inta u dhexeysa da’da 64 ilaa iyo 70 sano jir.

Haddii aad tahay qof macluumaadkiisa la qariyo

Ma waxaad tahay macluumaadkiisa la qariyo? Haddii ay sidaas tahay, waa inaad adigu dalbataa baaritaanka.

La xiriir Xoghaynta u yeeritaanka saami qaadidda unugyada la xiriira xubnaha taranka tumarka ee Sörmland.

Skatteverket (Hay'adda canshuuraha) ayaa markaas kuu soo diri doona waxyaabaha leesku baaro.

Marka aad is-baarto, Skatteverket ayaa sidoo kale kuu soo diri doona natiijadaada baaritaanka.

Haddii aad u beddelatay nambar aqoonsi oo lab ah

Si ootomaatik ah uma heli doontid xirmada leesku baaro haddii aad u nambarrada aqoonsiga u beddelatay lab.

La xiriir Xoghaynta u yeeritaanka saami qaadidda unugyada la xiriira xubnaha taranka tumarka ee Sörmland, iyaga ayaa kuu soo diri doona xirmada leesku baara e.

Haddii aadan helin waxyaabaha leesku baaro

Miyaadan helin waxyaabaha leesku baaro inkastoo ay ahayd inaad hesho? Mase waxaad jeclaan lahayd inaad ogaato goorta aad heleysid waxyaabaha leesku baaro? La xiriir Xoghaynta u yeeritaanka saami qaadidda unugyada la xiriira xubnaha taranka tumarka ee Sörmland.

Sidan ayey wax u shaqeynayaan

Waxyaabaha leesku baaro ayaa boostada kuugu imaanaya.

Ha u isticmaalin wax daawo ah siilka maalin ka hor ama isla maalintaas. 

Caado/dhiig miyaad qabtaa? Baaritaanka la sug ilaa inta ay kaa dhammaaneyso caadadu.

Sida baaritaanka loo sameynayo:

  1. Raadso meel kuu oggolaanaysa inaad si fudud wax u gelin karto siilka. Tusaale ahaan, hal lug saaro kursi ama kadalloobso.
  2. Geli qaybta suufka leh gudaha siilka.
  3. Soo tiraha waxaa ku filan inuu ilaa shan senti mitir siilka gudaha galo (ilaa iyo calaamadda cas).
  4. Dhowr jeer ku warwareeji suufka siilka gudihiisa.
  5. Raac tilmaamaha la socda waxa leesku baaro ee ku saabsan sida loo xirxiro saamiga.
  6. Kadibna saamiga xirxiran ku rid baqshadda jawaabta ee xir. 
  7. Soo gudbi saamigaaga adigoo baqshadda ku ridaya sanduuq kasta oo boosto oo caadi ah.

Natiijada baaritaankaaga waxaad ku heli doontaa boostada afar toddobaad gudahood. La xiriir Xoghaynta u yeeritaanka saami qaadidda unugyada la xiriira xubnaha taranka tumarka ee Sörmland haddi aanad helin natiijadaada.

Haddii ay kugu adagtahay inaad saami iska qaaddo

Waxaad heli kartaa talo iyo caawimo, haddii tusaale ahaan wax ka mid ah waxyaabaha soo socda ay run yihiin:

  • Waxaa kugu adag dhaqdhaqaaqa.
  • Siilka waa leesku tolay marki la gudo ka dib.
  • Waxaad u aragtaa inay aad u xuntahay in saami leeska qaado.

Waxaad caawimaad ka heli kartaa umuliso si aad saami lagaaga qaado. La xiriir Xoghaynta u yeeritaanka saami qaadidda unugyada la xiriira xubnaha taranka tumarka ee Sörmland haddii aad caawimaad u baahantahay.

Haddii aad uur leedahay

Saami iska qaad adigoo kaashanaya umuliso haddii aad uur leedahay. Sidoo kale saami qaadidda waad la sugi kartaa ka dib.

Ha isticmaalin waxyaabaha saamiga leesaga qaado ee guriga laguugu soo diray.

Ku saabsan natiijada baaritaankaaga

Wuxuu baaritaanku muujinayaa inaad qabtid fayraska HPV iyo in kale. Waxaad natiijada baaritaankaaga ku heli doontaa afar toddobaad gudahood.

La xiriir Xoghaynta u yeeritaanka saami qaadidda unugyada la xiriira xubnaha taranka tumarka ee Sörmland haddi aanad helin natiijadaada baaritaanka.

Wax cusub oo leesku baaro ayaa gurigaaga laguugu diri doonaa marka la gaaro waqtigii aad mar kale is baari lahayd.

Haddii aad su'aalo qabto ama aad talo rabto

To the top of the page