Raadso daryeel

Talaal bilaash ah oo quseeyo cudurada faafa ee Sörmlanad

Allmänna vaccinationsprogrammet - Sörmland - somaliskaThe content concerns Sörmland

Dhammaan dadka Iswiidhan ku nool waxa lagula talinayaa inay iska tallaalaan jadeecada, cudurada finanka yay yar leh (röda hund), qaamo-qashiir/cudurka daamanka barariya, gawracatada, teetanada, dabaysha iyo xiiq dheerta. Kuwa ku dhasha Iswiidhan waxaa la siiyaa tallaalada ka hortaggeya cuduradaan caruurnimadooda. Qofka aan lahayn tallaalada ka ilaalinaya waxaa la siinayaa tallaalo bilaash ah oo uu ka qaadanayo xarunta caafimaadka, iyadoon loo eegayn da'da qofka.

Jadeecada, cudurka finanka yar yar leh (röda hund), qaamo-qashiirka, gawracatada, teetanada, dabaysha iyo xiiq dheertuba waa cudurro halis ah oo nafta halis gelin kara. Intii aan la helin tallaalada ka hor, carruur badan iyo dad waaweyn oo Iswiidhan deggenaa ayaa si xun ugu bukooday ama u dhintay cudurradan.

Maanta, dhammaan dadka ku dhashay Iswiidhan oo dhan waa la tallaalaa. Sababtaa ayaa ugu weyn inay u yaraadeen cudurrada faafa ee halista ahi, iyo inay sidoo kale carruur yari ku
dhintaan Iswiidhan.

Maadaama ay cuduradani hadda ku yar yihiin Iswiidhan, way fududahay in la ilaawo sida ay halista u yihiin. Waa muhiim in qof waliba uu is-tallaalo, haddii kale cuduradu waxay bilaabi karaan inay dib u soo noqdaan oo ay faafaan.

Marka aad is-tallaalayso:

  • adiga ayaa naftaada difaacanaya
  • waxaad difaacaysaa kuwa aan la tallaali karin, tusaale ahaan carruurta hadda dhalatay
  • waxaad ka qayb qaadanaysaa in aanay cuduradu faafin

La xidhiidh xarun caafimaad si aad ballan u qabsato!

Uma baahnid inaad ballan uga qabato carruurta xarunta caafimaadka. Carruurta dhigata dugsiga waxa lagu tallaalayaa dugsiga. Carruurta yaryar waxa lagu siinayaa tallaalka BVC.

Su'aalo iyo jawaabo

Waa maxay tallaalku?

Tallaaladu waa nooc daawo ah oo kaa difaacaya cudurrada halista ah. Markaad is tallaasho waxaa yaraanaya khatarta ah inaad si xun u jirrato.

Ma garanayo in la i tallaalay iyo in kale, maxaa i khuseeya aniga?

La xidhiidh xarun caafimaad wixii talooyin ah.

Waxaa igu dhacay hal ama dhowr ka mid ah cudurradan, miyaan u baahanahay in la i tallaalo?

Haa, waxaad u baahan tahay in lagaa tallaalo cudurrada aan kugu dhicin.

Waa maxay jadeecadu?

Jadeecadu waa cudur fayras ah oo aad loo kala qaado kaas oo sababa qandho badan iyo finan jidhka ah. Cudurku wuxuu noqon karaa mid aad halis u ah, oo xitaa nafta halis gelinaya. Cudurku wuxuu kaloo keeni karaa inaad qaado oof-wareenka/cudur kaaga dhaca sambabada ama cudur kaaga dhaca maskaxda.

Waa maxay cudurka finanka yar yar lehi (röda hund)?

Cudurka finanka yar yar lehi waa cudur fayras ah oo la kala qaado Inta badan cudurku waa sahlan yahay, laakiin haddii haweeney uur lehi ay qaaddo cudurka, ilmaha uurka ku jira ayaa dhaawac weyni soo gaari karaa Dhaawacyadu waxay gaar ahaan ka saamaynayaan ilmha uurka ku jira wadnaha, maskaxda, aragga iyo maqalka.

Waa maxay qaamo-qaashiirku (påssjuka)?

Qaamo-qaashiirku waa caabuq fayras ah oo aad loo kala qaado. Qaamo-qaashiirku wuxuu mararka qaarkood keeni karaa xanuun maskaxda ku dhaca ama xanuun xiniinyaha ku dhaca, laakiin waa wax aan caadi ahayn.

Waa maxay gawracatadu?

Gawracatadu waa cudur ay keento bakteeriya oo soo daaya sun. Suntu waxay dhaawici kartaa qaybo badan oo ka mid ah xubnaha jidhka, sida wadnaha iyo kelyaha. Gawracatadu waxay inta badan ku bilaabataa infekshan ku dhaca cunaha/dhuunta. Waxaa laga yaabaa inaad qandhooto, cunuhu/dhuuntu ku xanuunto ama inay kugu adkaato inaad wax liqiddo. Dhowr maalmood ka dib, waa wax caadi ah inaad qufacdo xab, san duuf joogto ah oo dhiig ku qasan yahay iyo neefsashada oo kugu adkaato. Gawracatadu nafta ayey halis gelinaysaa haddii aanad daawo qaadan.

Waa maxay teetanadu?

Teetanadu waa infekshan nabar aad u halis ah oo ay keento bakteeriyo waxayna kugu keenaysaa murqaha oo soo koga iyo neefsashada oo kugu adkaata. Inta badan infekshanku wuxuu ka bilaabmaa nabar taabtay bakteeriyada ku jirta ciidda/caradda. Teetanadu nafta ayey halis gelinaysaa haddii aanad wakhti hore daawo qaadan.

Waa maxay dabayshu?

Dabayshu waa cudur fayras ah oo sababi kara qallal. Dadka intooda badan waxaa ku dhaca calaamado fudud sida qandho, daal, madax-xanuun, lallabo iyo matag. Mararka qaarkood muruqyadu waxay noqon karaan inuu qallal ku dhaco. Waxay kaloo saamayn kartaa neefsashada. Sidaa daraadeed cudurku nafta ayuu halis ku yahay.

Waa maxay xiiq-dheertu?

Xiiq-dheertu waa cudur faafa oo keena qufac daran oo daba dheeraada. Carruurta yar yar xiiq-dheertu waxay u noqon kartaa jirro aad khatar u ah oo mararka qaarkood nafta halis gelinaya. Waxay carruurtu yeeshaan qufac daran oo keeni kara neefta oo ku xiranta iyo ogsijiin la'aanta. Calaamadaha kale ee halista ahi ayaa ah murqaha oo isku soo koga iyo inuu qofku miyir doorsoomo.

To the top of the page