Sharciyada iyo xuquuqda

Haddii aadan ku qanacsaneen daryeelka caafimaadka

Om du inte är nöjd med vården i Sörmland - somaliskaThe content concerns Sörmland

Miyaa adiga ama qof ehelkaada ah la kulantay wax aadan ku qanacsaneen markey noqoto daryeelka isbitaalka ama daryeelka caafimaadka ilkaha? Markas guddiga buukan jiifka wuu ku caawinkara adiga. Adiga aragtidaada marka aad nala qeybsatid waxaa suurtagalin in qofkale uusan arrintas la kulmin.

Haddii adiga aad la kulantay daryeel caafimaad oo adiga aadan ku qanacsaneen adiga waxaa la soo xiriiri karta qeybta isbitaalka oo daryeel caafimaadka oo xiriir la laheed ama guddiga buukan jiifka.

Guddiga buukan jiifka howshooda baa ah in ey caawiyaan adiga oo buukan jiifka ah ama qof ehelkaada ah in aragtidiina iyo ah meesha aad ku soo dacwoon kartid adiga iyo su’aalahaada lagaaga soo jawaabo.  Jawaabta isbitaalka kuu soo diran waa jawaab warbixin kaa siin wixii dhacay iyo su’aalahii aad qabtay.

Guddiga buukan jiifka waxey howshooda waxey xita tahay iney adiga warbixin kaa siiyaan waxyaabaha aad xaqa u leedahay markey noqoto daryeelka caafimaadka oo isbitaalka,

Habkee baa arrinta loo suubin?

Adiga wax kharash ma bixineysid marka aad la soo xiriireysid guddiga buukan jiifka. Haddii aad dooneysid adigoo magacaada noo sheegin baa nala soo xiriiri karta iyo anaga sharciga sir dhowrida baa waajib nagu ah.  Dad weyn iyo carruurta waa nala soo xiriirikaran.

Guddiga buukan jiifka wuxuu qaban wixii dacwo iyo aragti oo ku saabsan daryeelka caafimaadka uu bixiyo Gobolka Sörmland, Daryeelka caafimaadka ilkaha oo Sörmland ama degmooyinka ku yaal Sörmland midkood. Anaga waxaa xita qaban wixii dacwo iyo aragti oo ku saabsan shirkadaha daryeelka caafimaadka bixiyo oo wada heshiis la leh gobolka Sörmland ama degmooyinka Sörmland ku yaal midkood. 

Iswiidhan waxaa ku yaal dhowr oo guddiga buukan jiifka.  La xiriir guddiga buukan jiifka oo gobolka ku siiyay daryeelka caafimaadka.

Guddiga buukan jiifka ma suubineyso qiimeyn daryeel daawo iyo ma gaareyso go’aan ku saabsan haddii daryeelka caafimaad uu suubiyay sax ama qalad.

Soo gudbi aragtidaada iyo dacwo

Adiga waxaa anaga la soo xiriirikarta haddii aad soo gashid bogga 1177.se, ama telefoon, warqad ama e-mailka. Anaga shaqaalaha waxaa ku hadalnaa luqadaha iswiidhishka iyo ingiriis.  Haddii aad dooneysid inaa qoraal noo soo dirtid isticmaal warqada foomka ”Synpunkter och klagomål till patientnämnden”. Haddii aad dooneysid luqadaada hooyo baa ku soo qori karta.  

Ka fiirso in:

  • Haddii aad e-mailka naga la soo xiriirtid waxaan kaliya kaaga jawaabikarna su’aalaha guud, oo waxaa sabab u ah inaa si la hubo ku ilaalinkarin sharciga sir dhowrida. Sidaas daraadeed warbixin shaqsi ha ku soo dirin e-mailka.
  • Adiga ma u baahnid inaa noo soo dirtid joornaalkaada caafimaadka.
  • Haddii aad la soo xiriirtid oo arrin ku saabsan qo ehel ah oo 18 sano ka weyn, markas waxaa u baahantahay in qofkas kuu saxiixo foomka wakiil noqoshada oo inaa adiga qofkas wakiil ka tahay. Markas isticmaal warqada foomka: ”Fullmakt för patientnämnden”.

Adiga warqadaha foomka waxaa ka heli halkaan:

Magdhabid marka uu daryeelka caafimaada qalad suubiyo

Haddii adiga laguu geystay dhaawac oo laga hortagikaray, waxaa suurtagal ah in adiga aad xaq u leedahay lacag magdhabid sida ku qoran sharciga buukan jiifka. Sidan baa suubin:

Daryeel caafimaad iyo daryeel ilko oo lacagteeda bixiyan gobolka ama degmada

  • Haddii meesha dhaawaca laguugu geystay ey tahay daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha oo gobolka ama degmada kharashkeeda bixiyan, adiga waxaa la soo xiriiri Löf, gobolada shirkada ceymiska u ah.
  • Haddii dhaawaca ka imaaday daryeelka caafimaadka oo degmada bixiso, la xiriir degmadaada.

Daryeelka caafimaadka oo shirkadah shaqsiga

  • Haddii arrinta ey ku saabsantahay daryeelka ilkaha oo dhakhtar ilko oo shaqsi, waxaa la xiriiri.
  • Haddii ey arrinta tahay daryeel caafimaad oo kamid eheen ceymiska guud oo daryeelka caafimaadka gobolka, waxaa la xiriiri daryeelka caafimaadka shaqsiga meesha ey ceymiska ka suubsadeen.
  • Haddii meesha daryeelka caafimaadka ku siisay eysan laheen ceymis, waxaa la xiriiri Patientförsäkringsföreningen.

Daawo

Haddii aad aragtid arrin sidii la doonaayay eheen la xiriir hey’adda hubinta daryeelka caafimaadka iyo isbitaalada oo la dhaho IVO

IVO, Inspektionen för vård och omsorg, waa mas’uul ka ah iney hubiyaan in daryeelka caafimaadka iyo isbitaalada Iswiidhan ey yahiin ammaan, iyo ku dhaqmi sharciya iyo qaraarka wadanka u yaal.  Adiga oo qof shaqsi ahaan waa la xiriirikarta IVO sidaa warbixin u siisid daryeel xumada ka jirto goob daryeel caafimaad iyo isbitaal sida ey ku qorantahay sharciga u adeegida bulshada.

Haddii aad wax kala kulantid daryeelka caafimaadka oo dooneysid inaa ogeysiisid IVO adiga waxaa warbixin ama dacwo ahaan ugu diri karta ayaga.  Koow waxaa la xiriiri meesha adiga daryeelka caafimaadka ku siisay ama guddiga buukan jiifka.  Meesha mas’uulka ah waa iney helan fursad ey ku jawaab celinkaran waxa aad dacwada ka tahay inta aadan la soo xiriirin IVO.

IVO waxey baari haddii adiga ama qof ehelkaada loo geystay dhaawac aadan ka soo fiicnaaneynin, ama daryeel caafimaad aad u badan soo baxdo ama qof dhinto.  IVO waxey kale ey baaritan ku suubisaa dacwooyinka ku saabsan daryeelid caafimaadka oo qasabka ah ama marka ey dhacdo arrin halis oo qofka shaqsiga xoriyadiisa nusqaamin, ama shaqsiyadiisa ama xaqiisa.

Haddii aad dooneysid in IVO baaritan suubiso dacwadaada waa iney soo gaarto labo sano gudaheeda laga soo bilaabo xiliigii arrinta ey dhacday.

Warbixin kale ka akhriso IVO:s webbplats ama la soo xiriir ama la soo xiriir xafiiska IVO oo telefoon lambarka 010-788 50 00.

To the top of the page