Baaritaano/tijaabooyin

Raajada naasaha (mammografi) – Baaritaanka naasaha

Mammografi - somaliska

Mammografi waa baaritaanka naasaha ah. Baadhitaanku wuxuu muujin karaa haddii aad qabtid kansarka naasaha ama aad leedahey halis aad ku qaadeyso. Iyadoo la isticmaalaayo raajada naasaha, ayaa kansarka naasaha la ogaan karaa goor hore lana daaweyn karaa. Raajada naasahu wax kharash ah ma aha.

Waa maxay raajada naasahu?

Raajada naasahu waa baaritaanka naasaha oo lagu sameeyay raajo. Baaritaanku wuxuu muujin karaa haddii wax iska beddeleen naasaha. Waxay noqon kartaa wax aad u yar oo aadan adigu dareemi karin. Inay wax iska bedeleen micnaheedu ma aha inay halis tahay. Laakiin mararka qaarkood waxay keeni kartaa cudurka kansarka naasaha.

Kansarka naasahu waa nooca ugu badan ee kansarka haweenka. Khatarta kansarka naasahu waa ay ka sii kordheysaa kolba marka aad ka sii weynaato. Waxa jirta fursad ka weyn oo aad kaga bogsaneyso haddii kansar la ogaado xilli hore. 

Maxaa aniga la iigu yeeray raajada naasaha?

Dhammaan dumarka Iswiidhian jooga ee da'doodu u dhaxayso 40 iyo 74 waxa loogu yeerayaa raajada naasaha, qiyaas ahaan labadii sannoba hal mar. Waxaad heli doontaa casuumaad shakhsi ahaaneed oo baadhitaanka ah. Halkaas waxa ku yaala wakhtiga iyo goobta baaritaanka.

Waad qabsan kartaa wakhti cusub haddii waqtiga lagu siiyey aanu kugu habooneyn. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa daryeelka caafimaadka si aad ugu hesho wakhti.

Waxaad raajada naasaha aadi kartaa xataa haddii aad uur leedahay ama aad naas nuujinayso.  Naaska sii jaqsii ama ka lis caanaha naaska ka hor inta aan baadhitaanka la sameyn, markaas ayay ka fududaan kartaa.

Adiga ayaa go'aan ka gaaraaya haddii aad rabto inaad aado raajada naasaha, laakiin waa ay fiican tahay in sidaas la sameeyo.   

Waxaad soo kaxaysan kartaa saaxiib ama turjumaan

Baadhitanka waxa fuliya kalkaaliso joogta qaabilaada bukaanka ee raajada naasaha. 

Dhammaan shaqaaluhu waxay ballanqaadeen in aanay qof kale oo ka baxsan daryeelka caafimaadka u sheegin wax kasta oo aad u sheegto. Tani macnaheedu waa in shaqaaluhu ayna wax adiga kugu saabsan u sheegi karin qof ka baxsan daryeelka caafimaadka.

Waa muhiim in la fahmo waxa shaqaaluhu sheegayaan. Waxaad xaq u leedahay turjumaan haddii aadan ku hadlin luqada Iswiidhishka. Turjumaanka laftiisa waxa qabanaaya xeerka sir haynta. Hore ula sii hadal rugta caafimaadka, haddii aad turjumaan rabto.

Waxaad haddii aad rabto baaritaanka u sii kaxeysan kartaa saaxiib ama qof qoyskaaga ka mid ah. Dadka qoyska iyo asxaabta ah ee kuu turjumaaya ma aha turjubaano oo ma qabanaayo xeerka sir hayntu.

Sidan ayaa loo sameeyaa tijaabada

Waxaad soo galaysaa qol halkaas waxa yaala aalad sawir ka qaadeysa jidhka gudahiisa. Waxa loo yaqaan raajo.  

Waxaad ka jawaabi doontaa dhowr su'aalood, sida tusaale ahaan:

  • Miyaad adigu wax aan caadi aheyn ka dareentay naasahaaga?
  • Miyaad isticmaashaa kaniiniyada xakamaynta dhalmada ama daawooyinka kale ee ay ku jiraan hormoonadu? 

Waa inaad dharka jidhka qeybtiisa sare iska saartaa oo aad fadhiisato ama aad garab istaagto aalada. Kalkaalisada ayaa ku tusi doonta sida aad gacmahaaga u haynayso iyo sida aad u istaagi doonto. Isku day inaad is dejiso.

Kalkaalisada ayaa kaa caawin doonta inaad hal naas saarto saxanka. Kadibna hal saxan oo kale ayaa lagu riixayaa naaska, si uu naasku ugu noqdo mid fidsan. Waxay qaadataa dhowr ilbiriqsi in sawir la qaado. Waxa loo baahan yahay laba ama saddex sawir oo kala duwan oo naas kasta ah. Baaritaanka oo dhami waxa uu qaadanayaa 15 ilaa 30 daqiiqadood.

Goorma ayaan helayaa jawaab?

Waxaad jawaab helaysaa qiyaas ahaan laba toddobaad. Waxaad heli doontaa warqad ama waxa lagugula soo xiriiri doonaa telefoon. Warqada waxa loo direyaa cinwaanka aad ka diiwaangashan tahay. Waxaad u imaan doontaa baadhitaan cusub haddii tijaabadu ay muujiso in wax iska beddeleen naasahaaga.

Waad adigu weydiisan kartaa in baadhitaan laguu sameeyo

Waxaad la xiriiri kartaa daryeelka caafimaadka oo aad waydiisan kartaa baaritaan raajada naasaha ah.  La xiriir rugta caafimaadka haddii aad naasahaaga ka dareentay wax ka duwan.  Tusaale ahaan, haddii aad dareentid wax adag. Kadibna waxaad u baahan tahay inuu dhakhtar ku baaro. 

Waxaad adigu had iyo jeer wici kartaa lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad qabto su'aalo ama aad tallobixin uga baahan tahay telefoonka. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ka jawaabi karaan haddii aad u baahan tahay inaad daryeel raadsato.

Waxaad ku hadli kartaa Iswiidhish ama Ingriisi. Waxba kuma kharash gareynayso inaad wacdo 1177.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page