DARYEELIDA GAARKA EE CARUURTA

Hargabka carruurta

Förkylning hos barn - somaliska

Hargabku waa infakshan ku dhaca sanka, dhuunta ama dalqada. Waxaana siday ugu badan tahay keen fiirus. Hargabku isagaa iskiis isaga dhammaada, laakiin waxaa jira waxyaalo aad ku khafiifin karto dhibaatooyinkiisa.

Hargabka si fudud ayaa la isu qaadsiiyaa, gaar ahaan maalmaha ugu horreeya oo ilmuhu la buko. Badanaaba waa inaad mayrtaa gacmahaaga iyo kuwo ilmaha si aad uga hortagto in cudurku faafo.

Läs texten på svenska här.

Xilligan hadda lagu jirro waxa socda faafitaanka fayruska Korona. Taasi waxay keeneysaa in waxyaalaha/talooyinka la soo jeedinaayo ee ku dhigan/yaala qoraalkan la tarjumay aanay had iyo jeer shaqeynaynin.

Astaamaha lagu garto hargabka carruurta

Marka hargab la qabo waxaa caadi ah in ilmaha 

  • sanku xirmo
  • oo uu hindhiso, dhuufna yeesho,
  • oo uu muujiyo madax-xanuun
  • xummad
  • xoogaana qufaco
  • oo ay ku adkaato inuu wax liqo, dhuuntuna cuncunto.

Marka ilmaha hargab ku dhaco, waxa ay qaadataa habeen iyo maalin inta laga arkaayo astaamaha ugu horreeya. Caadi ahaan wuxuu ilmuhu dareemaa xanuun labada maalin oo ugu horreeya, kadibna waa firfircoonaadaa. Duufku bilowga hore waa khafiif, kadibna waa adkaadaa. Duufkaasina wuxuu yeelan karaa midab ciiro, huruud ama cagaar ah. Ilmuhu wuxuu duuf iyo qufac yeelan karaa muddo laba toddobaad ah.

In ilmuhu qufaco waxay ka mid tahay difaaca jirka. Qufacu wuxuu keenaa in uu jirku baabi’iyo cuncun marinada neefta.

Ilmuhu wuxuu marmar yeeshaa xummad sare, laakiin dhaqso ayey uga degtaa.

Goormaan doontaa daryeel caafimaad?

Hargabku isagaa badanaaba iskiis isaga baxa, iyadoo uusan ilmuhu u baahnaan daaweyn. Haddii uusan hargabku ku bixin toddobaad, kolkaas ilmuhu infakshan ayuu qaaday oo daaweyn ayuu u baahan yahay.

Daryeel ka doono rugta daryeelka caafimaadka ama qaabbilaadda carruurta

  • ka yar saddex bilood oo qaba xummad ah 38 digrii ama ka badan
  • u dhexeysa saddex ilaa lix bilood oo qaba xummad ah 39 digrii ama ka badan
  • ka weyn lix bilood oo qaba xummad ah 41 digrii ama ka badan
  • ay xummadi haysey in ka badan afar maalmood
  • ay dheguhu xanuunayaan oo uusan xanuunkaasi ka soo yaraan habeen iyo maalin
  • ay dhacaan ka soo daadanayaan dhegaha
  • ay ku adag tahay in ay naaska ama masaasadda nuugaan sanka oo xiran awgiis
  • aan u dhaqdhaqaaqayn caadi oo madluun ah
  • aan wax cunayn waxna cabbeyn
  • ay neefsashadu ku adag tahay oo u neefsanaya si culus oo degdeg ah ama xiiq leh.

Duufka oo adkaada badanaaba ma noqonayo sabab loo la xiriiro dhakhtar haddii uu ilmuhu sidiisa kale u caafimaadqabo,

Haddiise uu ilmuhu duuf badan yeesho oo labada dalool oo sanka midkood, waa in lala xiriiraa goobaha caafimaadka. Waayo taas waxaa sabab u noqon kara in caallir ka galay sanqaroorka ama uu ilmuhu sanka iska geliyey wax xiray. Sida xabbad digir ama caag yar oo kankoonsan,

Xaq ayaad u leedahay inaad fahanto

Haddaba, si aad qayb uga noqoto daryeelka caafimaad oo lagu siinayo iyo si aad go’aan u yeelato, waxaa muhiim ah inaad fahanto warbixinaha ay ku siiyaan shaqaalaha caafimaadku. Su’aalo weyddii haddii aadan fahmin. Waxaad kaloo ka codsan kartaa warbixinta oo qoraal ah si aad adigoo deggan u akhrisato.

Haddii aadan ku hadlin af-iswiidhishka ama aad dhegoole tahay waxaad xaq u yeelan kartaa turjubaan ku caawina.

Waxaad daryeel ka doonan kartaa rugta daryeelka caafimaadka ama qaabbilaad takhasus meeshii aad dalka ka doonto. Waxaad kaloo fursad u heli kartaa inaad yeelato dhakhtar joogto oo jooga rugta daryeelka caafimaadka.

Waxaad mar walba waci kartaa oo ka heli kartaa talasiinta xagga caafimaadka telefoonka 1177.

Sidaan ayaa hargabka carruurta la isu qaadsiiyaa

Hargabka carruurtu waa mid aad la isu qaadsiiyo. Dhibco badan oo hawada ku jira ayaa fiiruska laga qaadaa. Waxaa lagu kala qaadi karaa marka ilmuhu hindhiso, qufaco ama uu gacanta qabsado qof kale. Maadaama ay carruurtu badanaaba ku dhegdhegaan dadka waaweyn iyo carruurta kale, hargabku si fudud ayuu u faafi karaa. Fiirusku wuxuu kaloo ku dhegsanaan karaa alaabta ku cayaarto oo ay afka geshadaan ama leefaan. Mararka qaarkood waxaa dhaca in fiiruska iyo bakteeriyadu ku jiraan alaabtaas maalmo badan.

Waa caadi in carruurta hargab ku dhaco sannadkiiba marar badan

Carruurtu badanaaba waa ay ka hargab badan yihiin dadka waaweyn. Sanooyinka ugu horreeya ilmaha noloshiisa waxaa caadi in hargab ku dhaco toddobo mar sannadkiiba. Laakiin waqti kadib soo noqnoqodka hargabku wuxuu noqdaa mid dhif ah. Carruurta da’doodu ka bilaabato toban sano wuxuu hargabku ku dhacaa sannadkii laba goor sida dadka waaweyn.

Labada sano oo ugu horreysa waxay badanaa infakshanadaasi carruurta ka dhigaan kuwo aan difaac lahayn. Halka dhanka kale carruurta waaweyni ay badanaaba difaac u leeyihiin fiiruska marka ay qaadaan.

Carruurta ilaa lix bilood jirka ah waxay hargabka u leeyihiin difaac ilaa xad ah, taas oo ay ugu wacan tahay maaddooyin difaac oo ay ka heleen hooyada markay uurka ku jireen. Laakiin ilmaha dhowaan dhashay wuxuu xasaasi u yahay infakshanada, gaar ahaan bilaha ugu horreeya.

Sidaan ayaan uga taxadarayaa in hargabku faafo

Waa adag tahay in laga hortago in ilmaha hargab ku dhaco Laakiin waxaa jira hab lagu yareeyo khatarta in uu faafo.

  • Badanaaba mayr gacmaahaga iyo gacmaha ilmaha. Cuntada ka hor iyo kadibba.
  • Bar ilmaha in uu ku hindhiso laabka gacantiisa intii uu toos u hindhisi lahaa.
  • Isku day inaad ilmaha barto in uusan faraha gelin sanka iyo indhaha, maadaama uu fiirusku halkaas si fudud ugu dhego.

U daa ilmaha in uu bannaanka joogo haddii ay suurtagal tahay, xataa qaboobaha. Fiiruska waxaa si fudud loogu kala qaadaa guryaha gudahooda.

Qiiqa sigaarku wuxuu keenaa infakshano badan oo ku dhaca neef-mareenada

Carruurta ku sugan bey’ad sigaar lagu cabbo waxaa badanaaba neef-mareenada uga dhaca infakshano marka la barbardhigo carruurta aan sigaarka ka ag dhoweyn. Ilmaha ka ilaali meelo ay joogaan dad sigaar cabbaya.

Ma in uu ilmuhu guriga joogaa?

Carruurta xummaddu hayso oo daal iyo tabardarro hayso waa inay dugsiyada ka joogaan si ay u nastaan. Carruurta aysan xummadi hayn oo caafimaad qaba waxay dib ugu noqonayaan dugsiyada xataa haddii ay weli hargabsan yihiin.

Maxaan anigu ilmaha ku caawini karaa?

Waxaad ku caawini kartaa inaad astaamaha xanuunka ka yareyso si ay u caafimaadaan.

Carruurta ugu yaryari waxay ka neefsadaan sanka. Sidaas awgeed ayey ugu adag tahay in ay wax cunaan haddii sanku xiran yahay. Badanaaba duuf engagay ayaa sanka ilmaha xira.

Biyo cusbo lagu qasay ayaa loo isticmaali karaa ilaa inta loo baahan yahay

Biyo cusbo ayaa sanka looga dhibcin karaa si loo jilciyo duufka oo sanka loo nadiifiyo. Goojada cusbada waxaa warqad dhakhtar la’aan looga iibsan karaa farmashiyaha.

Adiga qudhaadu waad samayn kartaa biyo cusbo lagu qasay. Isku qas 1 desilitir oo biyo diirran ah iyo 1 mililitir oo cusbo ah. Waxayna u dhigantaa hal qiyaasta oo xawaash ah. Ka taxadar in aysan biyuhu aad u kululaan. Goojadaas ku dhibci sanka ilmaha adigoo irbad caag ah oo laga iibsan karo farmashiyaha. Ama isticmaal suuf cudbi ah.

Dhibcahaas biyaha cusbada leh waxaa jira qiyaas u dhiganta cusbada dhacaanka jirka, sida dhiigga iyo qanjirada. Sidaas awgeed ayey dhibcahaas cusbada lihi u yihiin kuwo aan u xumayn xuub-axaleedka jirka oo la isticmaali karo ilaa intii loo baahdo.

Haddaad ilmaha nuujiso, waxaad beddelkii cusbadaas ilmaha sanka uga dhibcin kartaa caanaha naaska.

Goojada sanka waxaa la isticmaali karaa waqti xaddadan

Ilmaha marka sanku xirmo waa in lagu buufiyaa daawo ama goojo weyneysa daloolka sanka. Waxay keentaa in bararka sanku hoos u dhaco. Laakiin ma jirto daawo ama goojo sanka looga shubo carruurta ka yar sannad - waxaa kolkaas la isticmaalayaa biyaha cusbada. Waxaa jira daawooyin iyo goojooyin sanka oo loo aqoonsaday da’aha kala duwan. Weyddii shaqaalaha farmashiyaha oo aad akhriso warqadda la socota daawada aad iibsato.

Daawooyinka iyo goojooyinka sanka weyneeya waa inaad la isticmaalin muddo ka badan toban maalmood oo isku xigta. Haddii waqti dheer la isticmaalo waxay keeni karaan waxyeelooyin iyo ilmaha sanku bararo.

Madaxa ilmaha kor u dhig

Haddii marka ilmaha la jiifinayo madaxiisa kor loo dhigo waxaa yaraanaya in dubka gudaha sanku baro. Waxaad tijaabin kartaa inaad barkin dheeraad ah joodariga hoos ka geliso. Waxaad kaloo lugaha sariirta hoosta ka gelin kartaa buugaag si madaxu sare ugu soo kaco. Carruurta yaryari waxay jecel yihiin in la saaro kursiga lagu jiifiyo ama lagu qaado xambaarka.

Biyuhu waxay badanaaba u fiican yihiin sida daawada qufaca

Daawada qufaca oo farmashiyaha laga soo iibsado dhakhtar-qorid la’aan waxba kama taraan hargabka. Qufacu waa muhiim si ilmuhu dibedda ugu soo saaro xaakada oo dhuuntu nadiif u noqoto. Sii ilmaha biyo caadi ah oo uu cabbo. Ilmaha da’doodu ka weyn tahay hal sano waxaa malab loogu qasi karaa biyo kulul. Laakiin xasuusnow in malabku ilmaha qurmin karo, marka waa inaad ilkaha u cadaydaa. Daawada qufaca marnaba ha siin ilmo da’diisu ka yar tahay laba sano.

Carruurta xummaddu hayso waa in ay marar badan biyo cabbaan

Si aad qufaca uga yarayso waxaad ilmaha cabsiin kartaa biyo. Gaar ahaan haddii ay xummadi u dheer tahay. Carruurta si dadka waaweyn ka dhaqso badan ayuu jirku u qallalaa. Waxay u baahan yihiin inay wax u cabbaan si ka badan caadi ahaan, si uusan jirku u qallalin. Sii biyo, sharaab ama juus. Ilmaha cabbitaankiisu yar yahay waxaa ka muuqda daal iyo awood-darri oo caadina uma kaadiyo. Haddii ilmuhu u kaadiyo sidii caadiga u ahayd wuxuu kolkaas helay cabbitaan ku filan.

Mararka qaarkood ma jecla carruurta xummaddu hayso inay cunaan cuntada caadiga ah. Khatar ma ahan haddii ilmaha rabitaankiisa cuntadu isdhimo dhawr maalmood. Sii waxa ilmuhu jecel yahay. Sida jallaato, burcad ama mushaari (välling).

Daawada xanuunka iyo xummadda dejisa waxaa la siin karaa marka loo baahdo

Xummaddu waa hab uu jirku isaga difaaco oo u la dagaalamo infakshanada. Fiirus kama helo marka jirku kululaado. Xummaddu uma baahna daawo haddii ilmuhu sidiisa kale u caafimaadqabo.

Haddii ilmuhu gunuunuc bato oo diido in uu wax cuno ama cabbo oo uusan xasillooneyn habeenkii waxaad siin kartaa daawada dejisa xummadda iyo xanuunka oo ay ku jirto maaddada paracetamol. Sida Alvedon ama Panodil. Waxaa la siin karaa laga bilaabo da’da saddex bilood, laakiin mar walba la xiriir rugta daryeelka caafimaadka ka hor inta aadan ilmaha ka yar siin daawo.

Daawooyinka xanuunka iyo xummadda dejiya oo ay ku jiraan maaddada ibuprofen, oo ay ka mid yihiin Ipren iyo Ibuprofen waxaa la siin karaa carruurta da’doodu ka bilaabato lix bilood.

Daawooyinkaasi waxay ka kooban yihiin noocyo kala duwan, taas oo ku xiran hadba da’da ilmaha. Weyddii farmashiyaha waxa ku habboon ilmahaaga. Raac qoraalka habka isticmaalka oo la socda daawada, oo marnaba ilmaha ha isugu darin daawooyin kala nooc ah.

Iska daaf daawooyinka qaarkood

Ma habboona in daawooyinka ay ku jiraan acetylsalicylsyra, sida Treo iyo Bamyl la siiyo carruurta ay da’doodu tahay ilaa iyo 18 sano, haddii uusan dhakhtar u qorin.  Waxaa ka dhalan kara khatarta astaamaha cudurka Reyes. Kaasina waa cudur aan caadi ahaan la dhicin oo keeni kara dhaawac halis ah oo maskaxda ku dhaca.

Sidoo kale haddii ilmuhu qabo busbus, ha siin daawooyinka ay ku jiraan ibuprofen ama daawooyinka kale oo ka tirsan kooxda NSAID ama nooca cox. Haddii daawooyinkaas lala qaato cudurka busbuska waxaa kordhaaya khatarta infakshano halis oo aan caadi ahayn.

Daaweyn

Daawada antibiyootikadu waxba kama tareyso hargabka maadaama uu caadi ahaan keeno fiirus. Difaaca jirka ayaa daaweeya si uu hargabku iskiis isaga baxo.

Ku saabsan hargabka

Hargabka waa infakshan ku dhaca marinada neefta dhanka sare, gaar ahaan sanka. Fiiruskaas ama bakteeriyadaasi waxay keenaan in dubka guduhu caalliro. Kolkaasna ay bararaan oo ku samaysmaan balqan aan caadi ahayn. Balqanku wuxuu noqon karaa mid jilicsan ama mid adag.

Waxaa jira boqolaal nooc oo fiirus ah oo sababi kara hargabka.

Cudurada ka dhalan kara

Haddii uusan hargabku ilmaha ka bixin wuxuu u keeni karaa cudur kale.

Caallirka dhegaha ayaa ah badanaaba hargabku keeno

Mararka qaarkood wuxuu hargabku sababi karaa in ilmaha caallir uga dhaco dhegaha. Ilmuhu wuxuu xanuun ka dareemaa hal dheg ama labadaba. Waxaa loo baahnaan karaa in caallirkaas lagu daaweeyo antibiyootiko. Gaar ahaan carruurta ilaa sannad jirka ah ama kuwa da’doodu ka bilaabato 12 sano.

Waa wax aan caadi ahayn in ilmaha caallir uga dhaco sanqada

Carruurta qaar ayuu ku dhici karaa caallir sanqada marka ay hargabsan yihiin. Laakiin taasi badanaaba ma dhacdo. Kolkaas ilmaha sanka ayaa xirma oo duuf adag ayuu yeesha oo xanuun ka dareemaa dhafoorka ama dhabanada.

Waxaa kaloo ilmaha haya hargab culus.

To the top of the page