Macluumaad la soo ururiyey oo ku saabsan covid-19

Covid-19

Om Covid-19 - somaliska

Waxa Covid-19 keena fayrus. Dadka covid-19 qaaday badankoodu waxay u xanuunsadaan sida hargabka oo kale. Dadka qaar ayaa aad u jirada oo daryeel cisbitaal u baahda.

Waxa cudurka covid-19 keena fayrus ka mid ah kooxda fayruska Korona.

Waxa cudurka laga helay meelo badan oo dunida ka mid ah. Sababtaas darteed ayaana cudur aafo ah loogu yaqaanaa.

Gobolka bogga xagiisa sare ka dooro si aad ugu hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa halkaad joogto khuseeya

Du kan läsa texten på svenska här

Tallaalka covid-19

Waxa jira tallaalo loogu talogalay covid-19. Waxa uu tallaalku kaa difaacayaa inaad si xun covid-19 ugu jirato.

Calaamadaha covid-19 ka

Waxay dadka badankoodu covid-19 u dareemayaan sida hargab caadi ah ama sida saf/duray oo kale.

Dadka intooda badan waxay ka bogsadaan qiyaastii toddobaad ka dib. Dadka qaarkood muddo ka sii badan ayay u jiradaan

Kuwani waa calaamadaha covid-19 u caadiga ah:

  • qufac
  • qandho/xummad
  • xanuun cunaha ah
  • duuf ama sanka oo ku xidhan/cabudhsan
  • isbedel urta iyo dhadhanka
  • madax xanuun
  • murqo xanuun
  • lalabo/yalaalugo
  • xanuun caloosha ah
  • shuban
  • neefsashada oo kugu adkaata
  • daal.

Dadka qaar ayaa aad u jirada

Dadka qaar aad ayey u jiradaan qiyaas ahaan hal todobaad ka dib. Waxaad markaas yeelan kartaa in naqasku ku qabto oo daciif badan oo jidhka ah la dareemo.

Khatartu waxay sii korodhaa kolba markay da’daadu ka sii wayntahay.

Khatartu waxay sii korodhaa haddii miisaankaagu aad u badan yahay.

Waxaad sidoo kale khatar ka sii weyn ku jirtaa haddii aad uur leedahay.

Cudurada qaarkood ayaa sidoo kale sii kordhin kara khatarta in si xun loogu jirado.

Dadka badankoodu uma baahna inay tijaabo Covid-19 ah iska qaadaan

Waa muhiim inaad haddii aad jirran tahay guriga joogto. Dadka badankoodu uma baahna inay tijaabo iska qaadaan. Wax dheeraad ah ka akhriso qoraalka Iska qaadista tijaabo/iska baadhista covid-19.

Goorma iyo xaggee ayaan daryeel ka raadsanayaa?

Dadka covid-19 qaaday badankoodu uma baahna inay daryeel caafimaad raadsadaan. Cudurku isaga ayaa badanaa kaligii iska taga.

Wac lambarka 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo waxay tahay inaad sameyso. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay sidoo kale adiga kaa caawin karaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo.

Waxay kalkaalisadu ku hadashaa af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.

Wac +46 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso.

Haddii ay xaaladu degdeg tahay

Isla markaaba la soo xiriir rugta caafimaadka ama rugta caafimaadka ee heeganka ah/furan xilliyada ka baxsan saacadaha shaqada haddii aad qabtid mid ama wax ka badan oo dhibaatooyinka soo socda ah:

  • Inaad dhakhso uga sii jiratey.
  • Neefsashada ayaa kugu adag xitaa markaad nasaneyso.

Daryeel caafimaad ka raadso qeybta gargaarka degdega ah haddii aanay suurtogal aheyn in lala xiriio rugta caafimaadka ama rugta caafimaadka ee heeganku xiran tahay.

Sidan ayaa covid-19 loo kala qaadaa.

Waxa Covid-19 badanaa la kala qaadaa marka qof qaba cudurka uu hindhiso ama qufaco. Markaas ayaa dhibco yaryar oo fayrus wataa sameysmayaan. Waxaad qaadi kartaa haddii dhibcahaasi ay adiga ku dhex  galaan.

Waxay dhibcuhu sidoo kale ku dhici karaan waxyaabo kala duwan. Markaad waxyaabahaas taabato ayuu fayrusku ku dhex gali karaa. Khatarta inaad kaas u jirato ayaa yar.

Qofka covid-19 qaba ayaa dadka kale qaadsiin kara xitaa haddii aanu dareemeynin inuu jiran yahay.

Dumarka uurka leh

Waxay noqon kartaa mid aad u adag in la jirado markaad uur leedahay.

Qofka aan la tallaalin ayaa leh khatar ka sii weyn oo uu si xun ugu  jiranayo.

Ilmaha ayaa xilli hore soo dhalan kara haddii aad jiratid inta lagu jiro wajiga/heerka labaad ee uurka.

Waxaad u baahan kartaa in ilmuhu uu qalliin ku soo dhasho haddii aad covid-19 u jirato.

Umulisadaada ama dhakhtarkaaga la hadal. Talo ayay ku siin karaan.

Dumarka uurka leh ee la tallaalay badankooda ayaan si xun ugu xanuunsan.

Dumarka ilme naas nuujinaaya

Waxaad ilmahaaga naaska nuujin kartaa hadii aad covid-19 qabtid.

Waxaad talo iyo caawin ka heli kartaa rugta daryeelka carruurta (bvc).

Daaweynta

Dadka badankood uma baahna in wax daaweyn covid-19 ah loo sameeyo. Waxa jira waxyaalo adigu aad sameyn karto si aad uga roonaato.

Dadka qaarkood waxay u baahan yihiin in cisbitaal lagu daaweeyo. Qofka cisbitaalka la keenay ayaa tusaale ahaan heli kara oksijiin si uu si ka wanaagsan ugu neefsado.

Dadka qaarkood aad ayey ugu jiradaan oo ay u baadaan in mashiinka neefta ka qaada lagu xidho. Markaas ayaa la suuxin doonaa. Waxaa loo yaqaan daryeelka dadka xaaladoodu khatarta tahay (intensivvård).

 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page