Iska qaadista tijaabo/iska baadhista covid-19
Lämna prov för covid-19 - somaliskaDadka badankoodu uma baahna inay tijaabo iska qaadaan haddii ay yeeshaan calaamado Covid-19 noqon kara. Laakiin dadka qaar ayaa inay taas sameeyaan u baahan. Waxay tani khusaysaa haddii aad ka shaqeyso daryeelka ama xanaaneynta waayeelka, aad ku nooshahay guryaha dadka waayeelka ama aad adeega guri leedahay.
Gobolka bogga xagiisa sare ka dooro si aad macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa meesha aad joogto khuseeya hesho.
Här kan du läsa texten på svenska
Wax dheeraad ah oo cudurka ku sabsan ka akhri qoraalka covid-19.
Goorma ayay tahay inaan tijaabo iska qaado?
Waxaad u baahan kartaa inaad tijaabo Covid-19 ah iska qaado haddii aad leedahay calaamado Covid-19 noqon kara. Waxay taasi khusaysaa xitaa haddii lagu tallaalay.
Waxaad u baahan kartaa inaad jijaabo iska qaadid haddii kuwan mid ka mid ahi ku khuseyso:
- Aad ka shaqeyso daryeelka caafimaadka, daryeelka bukaanka ama xanaanada waayeelka.
- Waxaad degan tahay guryaha dadka waayeelka ama aad adeega guri leedahay.
- Dhakhtarka ama kalkaalisada ayaa kaa dalbaday inaad tijaabo iska qaado.
Waxa mar labaad kugu dhici kara Covid-19. Laakin uma baahnid inaad tijaabo iska qaadid haddii uu maruun covid-19 kugu dhacay sadexdii bilood ee la soo dhaafay.
In tijaabo la iska qaado
Tijaabada badiyaa la isticmaalo/ugu caansan waxa loo yaqaanaa tijaabada PCR-ka.
Tijaabada waxa qaadi kara qof daryeelka caafimaadka ka shaqeeya. Mararka qaarkood ayaad adigu tijaabada iska qaadi kartaa. Markaas ayaad heli doontaa macluumaadka ku saabsan sida aad sameyn doonto.
Guriga joog ilaa inta aad jawaabta ka helayso
Waxa muhiim ah inaad guriga joogto ilaa intaad jawaabta ka helayso.
Tijaabada Antigen-ka - tijaabada degdega
Waxa jira tijaabooyin kale tusaale ahaan tijaabada antigen-ka. Waxa kale oo loo yaqaan tijaabada degdega ah waxaana laga soo iibsan karaa farmasiiga.
Uma baahnid inaad tijaabada antigen-ka soo iibsatid haddii aanad rabin taas.
Sidan ayaa tijaabada loo sameeyaa
Waxa tijaabada lagu qaadayaa qori u gaar ah oo sanka ama cunaha la galinaayo, ama sanka iyo cunaha labadaba.
Waxa la dareemaa waxaan caadi aheyn, laakiin kuma xanuujineyso.
Intee inleeg ayay tahay inaan guriga joogto?
Guriga joog haddii aad xanuun dareemeyso Taasi waxay khuseysaa xitaa haddii aad heshay jawaab muujineysa inaanad covid-19 qabin. Guriga joog ilaa intaad xanuun dareemeyso.
Qofka covid-19 qaba
Haddii tijaabada/shaybaadhka PCR-ku muujiyo inaad Covid-19 qabtid waa inaad guriga joogto ilaa iyo inta aanad qofna qaadsiineynin.
Waxaanad cid qaadsiineynin marka waxyaalahan oo dhan aad leedahay:
- Inaad si buuxda uga soo roonaatey.
- Waxaad bilaa qandho aheyd ilaa laba maalmood iyo hebeen.
- Waxa markaad jiratey ka soo wareegtey ugu yaraan toddobo maalmood.
Inaad tijaabo cusub iska qaado uma baahnid si aad ugu ogaato inaad weli cudurka qabtid.
Macluumaad dheeraad ah ka akhriso qoraalka Talada la siinaayo qofka covid-19 qaba.