Calaamada cudurka/cudurka

Qandhada/xummadda carruurta

Feber hos barn - somaliska

Waxay qandho micnaheedu tahay in heerkulka jidhku uu sidii caadiga aheyd ka sarreeyo. Waa hab uu jidhku infegshanada/caabuqyada iskaga difaaco. Waxay inta badan carruurtu yeelataa qandho.

Läs texten på svenska här.

Waa wax caadi ah in qandho la yeesho marka tusaale ahaan la hargabsan yahay, qufac iyo cune xanuun la leeyahay. Qandhadu waa wax carruurta u caadi ah, gaar ahaan carruurta yaryar.

Waxa qandho loo arkaa marka uu heerkulka jidhku yahay 38.0 digrii oo Celsius ah ama wax ka sareeya.

Badanaa qandhadu ma aha wax khatar ah. Laakiin waxay khatar noqon karta haddii ay qandhadu sareyso.

Sidee ayuu ilmaha qandhada lehi dareemayaa?

Waxa uu ilmuhu yeelan karaa mid ama wax ka badan oo waxyaalahan soo socda ka mid ah.

  • Jidhku wuu diiran yahay.
  • Ilmuhu wuu daalan yahay.
  • Ilmuhu wuu murugeysan yahay oo  ma dagana.
  • ilmuhu waxa uu seexanayaa wax ka badan ama ka yar intii caadiga aheyd.
  • Ilmuhu ma rabo inuu sidii caadiga aheyd wax u cuno ama wax u cabo.

Ilmaha ayaa barafoobi kara oo gariiri kara marka uu heerkulka jidhku sii kordho. Iyada/isaga ayaa sidoo kale dhididi kara.

Waxaad heerkulka ilmaha ku cabiri kartaa heerkulbeeg

Isticmaal heerkulbeeg cabira heerkulka jirka.

Waxaad natiijada ugu sugan helaysaa markaad heerkulka ka cabirto/eegto dhagta ama dabadda/futada. Dabadda ka cabir haddii uu ilmuhu ka yar yahay hal sanno.

Ilmaha u ogolow inuu nususaace nasto ka hor intaanad cabirka ka qaadin.

Waxaad heerkulbeeg ka iibsan kartaa farmasiiga. Shaqaalaha talo weydiiso.

Sidan ayaad heerkulka dhegta uga cabireysaa

Waxaad u baahan tahay heerkulbeeg cabira heerkulka dhagta.

Lensiska/afka hore ee heerkulbeegga saar wax ilaaliya iyadoo aanad lensiska ku taabanin faraha. Si taxadir leh dhegta kor iyo gadaal ugu jiid. Heerkulbeegga toos dhegta ugu geli.

Badhanka riix oo sug ilaa iyo inta uu heerkulbeeggu dhawaaqayo. Markaas ayaad arki kartaa heerkulka.

Sidan ayaad heerkulka dabadda uga cabireysaa

Waxoogaa yar oo dufan, saliidda carruurta ama saliidda cuntada ah mari heerkulbeegga.

Heerkulbeegga ka gali dabadda.

  • Carruurta lix bilood ka yar: ayaa kaliya la geliyaa uun guudka sare ee heerkulbeegga.
  • Carruurta lix bilood ka weyn: ayaa heerkulbeegga la gelinayaa  1–2 sentimiter.

Waxa muhiim ah inaanu ilmuhu dhaqdhaqaaqin markaad heerkulka cabireyso. Haddii kale wuu is dhaawici karaa.

Heerkulbeegga dhaq markaad isticmaasho ka dib.

Waxaad halkan ka arki kartaa filim ku saabsan sida heerkulka dhegta looga cabiro.

Maxaan anigu sameyn karaa?

  • Ka caawi ilmaha inuu is dejiyo. Laakiin uma baahna ilmuhu inuu markasta jiifo.
  • U wehel yeel ilmaha.
  • Hubi inuu ilmuhu cabitaan intii caadi ahaan uu cabi jirey ka badan cabaayo.
  • Ilmaha sii waxyaalaha uu jecel yahay inuu cuno ee uu cabbo. Waa ok haddii ilmuhu uu dhowr maalmood wax intii hore ka yar cuno.
  • Dharka ka saar oo bustaha ka qaad haddii uu ilmuhu aad u kulul yahay. Daaqada fur.
  • Dhar dheeraad ah u gali ama buste saar haddii uu ilmuhu qadhqadhaayo.

Goorma iyo xaggee ayaan daryeel caafimaad ka raadsanayaa?

Qandhadu waa wax iska caadi ah iyadoo dadka badankiisu aanay u baahneyn inay daryeel caafimaad raadsadaan.

La xiriir xarunta daryeelka caafimaadka haddii ilmuhu uu wax afar maalmood ka badan qandho leeyahay.

Waxa rugta caafimaadka sidoo kale loo yaqaanaa, tusaale ahaan rugta dhakhtarka guriga, rugta dhakhtarka qoyska ama xarun caafimaad.

Haddii ay xaalad degdeg ahi jirto

Waxay xaalad degdeg ah oo rug caafimaad lagula xiriirayaa jirtaa markay waxyaalaha soo socdaa kugu haboon yihiin:

  • Ilmuhu waxa uu leeyahay heerkul gaaraya 41.0 digrii oo Celsius ah ama wax ka sareeya.
  • Ilmuhu waxa uu leeyahay qandho waxaanu u muuqdaa mid aad u jiran.
  • Ilmuhu waxa uu ka yar yahay 6 bilood waxaanu leeyahay qandho.
  • Ilmuhu waxa uu soo joogay wadamada kulaalayaasha ku yaala ka dibna waxa uu yeelanayaa qandho, isagoo isla markaana madaxa iyo jirku xanuunayaan.

Rugaha caafimaadka ayaa qaarkood furan yihiin fiidkii/habeenkii iyo maalmaha fasaxa.

Daryeel ka raadso qeybta gargaarka degdega ah haddii rugta caafimaadku xiran tahay ama aanay idin qaabili karin.

Sidan ayaad rug caafimaad ku helaysaa

Halkan ayaad ka helaysaa rugaha caafimaadka. Waxa lagu siin doonaa liisto ay ku yaalaan rugaha caafimaadku iyo khariirad. Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish.

Waxaad had iyo jeer soo wici kartaa oo talo aad ka heli kartaa lambarka telefoon ee 1177

Wac lambarka 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo waxay tahay inaad sameyso. Waxay iyagu kuu sheegi karaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin iyagoo ku hadla Iswiidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo wacayso.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page