1177 oo loogu talagalay bixinta talooyinka caafimaadka iyo talo-bixin guud
Bogga 1177.se waxaad ka heli kartaa talooyin ku saabsan waxa aad adigu samayn karto. Wac 1177 haddii aad u baahan tahay inaad la hadasho kalkaaliye caafimaad ama haddii aadan hubin goorta iyo meesha aad daryeel caafimaad u raadsanayso.
Ka raadso daryeel caafimaad xarunta caafimaadka (vårdcentral)
Waxaad ka heli kartaa dhammaan xarumaha caafimaadka iyo saacadahooda shaqada bogga 1177.se. Xarumo badan ayaa sidoo kale bixiya kulamo caafimaad oo dijitaal ah. Waxaad dhammaan xarumaha ka heli kartaa gudaha bogga Ka hel daryeel caafimaad bogga 1177.se (sv)
Adiga ka diiwaangashan Gobolka Västra Götaland waxaad ku qorantahay xarun caafimaad. Gal bogga 1177.se (sv) si aad u aragto xarunta caafimaad ee lagugu qoray.
Marka xarunta caafimaadku xirantahay, ka raadso daryeel caafimaad xarunta degdegga ah (jourcentral)
Raadso daryeel caafimaad haddii aad qabto xanuun ama dhibaato aan sugi karin ilaa maalinta xigta. Waxaad dhammaan xarumaha degdegga ah ka heli kartaa gudaha bogga Ka hel daryeel caafimaad bogga 1177.se (sv)
Ka hel daryeel caafimaad bogga
Marka aad si degdeg ah ugu baahan tahay daryeel caafimaad
Ka raadso daryeel caafimaad qaybta gargaarka degdegga ah (akutmottagning) haddii xaaladdu ay tahay mid halis nafeed ah, ama ay tahay shil halis ah ama cudur culus oo si kedis ah kugu dhacay. Waxaad dhammaan qaybaha gargaarka degdegga ah ka heli kartaa gudaha bogga Ka hel daryeel caafimaad bogga 1177.se (sv)
Wac 112 marka ay jirto xaalad degdeg ah
Wac 112 marka ay jirto xaalad degdeg ah. Ambalaas ayaa imaanaysa haddii loo baahdo waxayna ku geyneysaa qaybta gargaarka degdegga ah.
Daryeelka ilkaha ee degdegga ah
Marka hore ka raadso daryeel caafimaad dhakhtarkaaga ilkaha ama rugtaada ilkaha ee caadiga ah. Haddii ay xirantahay ama aadan caadiyan tegin rug gaar ah, waxaad la xiriiri kartaa rugta caafimaad oo heeganka ah ee Rugta caafimaadka heeganka ah. (sv)
Wax dheeraad ah oo ku saabsan raadinta daryeel caafimaad
Halkan waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan sida looga raadsado daryeel caafimaad meesha saxda ah.