Uurka leh

Tallaallada loogu talagalay adigaas uurka leh

Vaccinationer för dig som är gravid - andra språk VGR - somaliska
The information concerns Västra Götaland

Gobolka Galbeedka Götaland (Västra Götaland) waxaa adigaas uurka leh laguuga casuumayaa dhowr tallaal si looga difaaco adiga iyo ubadkaaga xanuun darran oo infekshan ah. Weydii tallaallada umulisada ka shaqaysa rugta qaabilaadda umulisada ee aad ka tirsan tahay.

Tallaalku wuxuu jirka ka caawiyaa in uu abuurto difaac ka dhan ah cudur iyada oo uu samaynayo lid-jirro (antibodies). Tallaallada loo ansixiyay dadka uurka leh waa mid ammaan u ah adigaas uurka leh iyo uurjiifta labadiinaba. Waxaad isku tallaali kartaa rugta caafimaadka, umulisada ama rugta tallaalka.

Tallaalka xiiqdheerta waxaa la bixiyaa sannadka dhan

Ilmaha ka yar lixda bilood xiiqdheertu waa u halis, oo waxay xitaa noqon karta mid nafta halis ku ah. Markaad istallaasho waxay lid-jirradu u gudbayaan ilmaha oo helaya difaac ka dhan ah xiiqdheerta marka uu ilmaha dhasho. Waxaa laguugu boorinayaa inaad xiiqdheerta iska tallaashid laga bilaabo isbuuca 16 ee uurka. Tallaalku waa bilaash.

Tallaalka infuluwensaha waxaa la bixiyaa dayrta

Adiga uurka leh waxaa laguugu boorinayaa tallaalka infuluwensaha wixii ka danbeeya isbuuca 12 ee uurka si aad iskaga difaacdid inaad si darran u xanuunsato. Tallaalku waa bilaash.

Ka difaac ilmahaaga fayruska RS

Haddii aad dhashid dhammaadka dayrta ama jiilaalka (wintarka) waxay BB kugu casuumayaan in ilmahaaga si bilaash ah loo siiyo cirbad leh lid-jirro (antibodies) oo ka dhan fayruska RS. lid-jirradu waxay ilmahaaga ka difaacayaan in uu si darran u xanuunsado.
Waxaa jira tallaal ka dhan ah fayruska RS oo loo ansixiyay in la siiyo dadka uurka leh. Haddii aad rabtid inaad iska tallaashid RS si aad difaac u siisid ilmahaaga dhowaanta dhashay waxaad waqti ka qabsataa rug tallaal oo waad iska bixinaysaa qarashka tallaalka.
Labada hab ee tallaal si isla eg ayay ilmaahaga difaac uga siinayaan fayruska RS.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

Kani waa 1177

Waxaad wici kartaa lambarka telefoonka ee 1177 haddii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah uu jiran yahay. Waxaad soo wici kartaa qadka caawinta waqti walba – maalin iyo habeen – oo waxaad talo ka heleysaa kalkaalisada. Bogga 1177.se ayaa laga helayaa macluumaad caafimaadka iyo cudurrada ku saabsan.

To the top of the page