Umusha/dhalmada

Goormaa la tagayaa qaybta dhalmada?

När ska jag åka till förlossningsavdelningen? - somaliska

Inta lagu jiro foosha qeybteeda hore ayay caadi tahay in guriga la joogo. Marka xanuunku fooshu ka sii awood bato oo uu marar ka badan ku qabto ayay noqon kartaa waqtigii la tagi lahaa qeybta dhalmada ee cisbitaalka.

Qeybta dhalmada waa goob loogu talagalay haweenka umulaya/dhalaya. 

Dhammaan qeybaha dhalmadu waxay furan yihiin habeen iyo maalinba. 

Läs texten på svenska här.

Telefoon u dir intaanad u tagin

Telefoon u sii dir kahor intaanad qeybta dhalmada tagin 

Markaas ayay isku diyaarinayaan inaad u imaneyso. 

Umulisada aad la hadlayso ayaa talo ku siin karta. Mararka qaar ayay ka fiican tahay inaad guriga waxoogaa yar sii joogtid. 

Halkee ayaan la hadlayaa? 

Halkan ayaad ka helaysaa xarumaha dhalmada ee Iswiidhan oo dhan ku yaala. Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish. 

Waxaad wici kartaa lambarka telefoonka ee 1177 haddii aanad hubin qeybta dhalmada (förlossningsavdelning) ee aad la xidhiidheyso. Waxa halkaas ka shaqeeya kalkaalisooyin af Iswidhish iyo Ingiriisi ku hadla. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. 

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar oo waddanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Haddii aad u tagto rugta barnmorskemottagning , waxaad heli doontaa macluumaad ku saabsan meesha aad telefoon u doonto. 

Waxa laga yaabaa inay qeybta förlossningsavdelning ee aad inaad u tagto ay buuxdo. Waxaad markaa tagi doontaa meel kale 

Goorma ayaan tagayaa qeybta dhalmada?

Waxaad u baahan tahay inaad qeybta dhalmada tagtid haddii kuwan mid ka mid ahi kugu haboon tahay: 

  • Xanuunka foosha ayaa si joogto ah kuugu imanaaya isagoo aadna kuu xanuujinaaya. Waxa xanuunka foosha u kala dhexeeya 2-3 daqiiqo. 
  • Xanuunka foosha ayaa qiyaas ahaan hal daqiiqo socda. 
  • Hore ayaad ilme u soo dhashay. Markaas ayay dhalmadu ka degdeg badnaan karta. 
  • Waa ay kaa fogtahay qeybta dhalmadu. 
  • Waxa farjiga ka soo baxay biyaha uurjiifta. Waxay taasi gaar ahaan khusyesaa haddii biyuhu yihiin qaar ur xun leh oo buni ah ama wax bunni u dhow ah yihiin. 
  • Dhiig ayaa farjiga kaa socda. 
  • Xanuun ayaad markasta leedahay. 
  • Xanuunka foosha ayaan culusayn laakiin muddo dheer ayay socdaan. Dawo ayaad u baahan kartaa si aad ugu nasato oo aad awood dib ugu soo ceshato. 

Goorma ayaad joogi doontaa?

Waxaad qeybta dhalmada kula kulmaysaa umuliso. 

Haddii ay fooshu saani ugu bilaabantay ayaa lagu baadhi doonaa. 

Umulisada waxa waxyaalaha ay baadheyso ka mid ah farjiga gudahiisa ilaa inta/qaddarka uu afka ilmo-galeenku furmay. 

Waxaad ku laaban kartaa guriga haddii ay umulisadu ku qiimeyso inuu wali wakhti kaaga hadhsan yahay umusha/dhalmada. Taasi waa wax caadi ah. 

Maxaan guriga ku sameyn karaa?

Waxa halkan ku yaala dhowr talo oo ku saabsan waxyaalaha aad guriga ku dhex sameyn karto:

  • Naso oo isdeji.  
  • Wax cun oo wax cab si aad tamar ugu hesho. 
  • Isticmaal dawo paracetamol ku jirto haddii aad xanuun leedahay. 
  • Isticmaal duugitaan iyo kul haddii aad xanuun dareemeyso. Waxa tusaale ahaan ku qubeysan kartaa biyo kulul. 

Waxyaabaha la soo qaadanaayo

Uma baahnid inaad wax qeybta dhalmada u soo qaadato. Halkaasi ayay yaalaan waxyaabaha loo baahan yahay.  

Laakin dad badan ayaa caadi ahaan shandad ay alaab iyaga u qaar ahi ku jirto soo qaata. 

Tusaale ka mid aha waxyaabaha aad soo qaadan karto: 

  • dharkaaga iyo kuwa ilmaha 
  • wax macaan oo la cuno
  • caday/burushka ilkaha, shanlo/burushka timaha iyo waxyaalaha adiga fayodhorkaaga aad u isticmaasho. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page