Umusha/dhalmada

Ka foolinta/bilaabidda foosha

Igångsättning av förlossningen - somaliska

Mararka qaar waa inay daryeelka caafimaadku foosha bilaabaan. Waxa jira habab kala duwan oo foosha lagu bilaabo. Halkan ayaad ku baran doontaa sida taas loo sameeyo.

Adigu waxba ma sameyn kartid si aad dhalmada ugu bilowdid.

Du kan läsa texten på svenska här.

Waa maxay sababta foosha loogu bilaabayaa?

Sababo kala duwa ayaa foosha  loogu bilaabi karaa. Sababta ugu badan waa iyadoo uu uurku 41 toddobaad dhaafay. Waxay sabab kale noqon kartaa haddii haweeneyda uurka lahi ay xanuunsaneyso, sida tusaale ahaan cudur haweenka uurka leh ku dhici kara ee keena in cadaadiska dhiiggu kor u kaco, borotiinna kaadida laga helo ee loo yaqaano havandeskapsförgiftning.

Wadahadal dhakhtar lala sameynaayo

Intaan lagaa foolin kahor ayaad dhakhtar la hadli doontaa. Waxaad heli doontaa macluumaad ku saabsan sida fooshu u dhici doonto iyadoo aad su'aalo weydiin karto.

Sidan ayay wax u dhacayaan markaad cisbitaalka timaado

Waxaad qeybta dhalmada marka hore kula kulmaysaa umuliso.

Waxay umulisadu baadheysaa caafimaadka ilmaha uurka ku jira

Umulisada ama dhakhtar ayaa ku baadhaaya oo dareemaya sida uu afka ilmo-galeenku yahay. Afka ilmo-galeenka ayaa ah qeybta hoose ee ilmo-galeenka oo hoos farjiga ugu gasha. Waa inay noqotaa mid jilicsan oo ay furantaa kahor intaanay dhalmadu bilaabmin.

Kadibna dhalmada ayaa bilaabmeysa.

Waxa jira habab kala duwan oo lagaaga foolin karo

Waxa jira dhowr hab oo foosha loogu bilaabo.

Waxa tusaale ahaan lagu siin karaa dawo. Waxa uu hab kale noqon kara inay umulisadu xuubka uurjiifta dilaaciso. Markaas ayay biyaha xabka ah ee uu ku jiro ilmaha uurjiifka ahi soo baxayaan.

Siyaabahaa kala duwan ayaa keeni kara inay fooshu u bilaabanto. Waa inuu afka ilmo-galeenku noqdaa mid jilicsan oo furma. Markaas ayuu ilmuhu hoos ugu soo degi karaa miskaha.

Wakhti intee leeg ayay qaadanaysaa?

Wakhtiga ay qaadanayso si ay fooshu ugu bilaabanto ayaa kala duwan. Mararka qaarkood ayay qaadan kartaa laba ilaa saddex maalmood kahor intaanay fooshu bilaabmin. Inta wakhtigaas lagu jiro ayaa dumarka badankoodu u baahan yihiin inay dhakhtarka ku jiraan.

Marka fooshu bilaabanto ayuu caadiyan ilmuhu soo dhashaa habeen iyo maalin gudahood. Waxay dhalmadu raacdaa wejiyada la midka ah sida haddii aan la bilaabi laheyn oo kale.

Dhalmadu uma baahna inay noqoto mid dhib badan maadaama oo la bilaabay. Waxayse laakiin qaadataa wakhti ka dheer.

Waxa badiyaa caadi ah in loo baahdo koobka lagu soo nuugo ama qalitaanka dumarka ilmaha lagaga soo saaro

Waxa badiyaa caadi ah in loo baahdo in dhalmada lagu soo gabogabeeyo/afjaro iyadoo la isticmaalaayo aalad lagu dhajiyo madaxa ilmaha. Waxa taas loo yaqaanaa koobka nuugista (sugklocka). Dhakhtar ayaa markaa ka caawinaaya in si tartiib ah ilmaha loo soo jiido. Waxa badiyaa caadi ah in dhalmada loo baahdo in lagu soo afjaro qalitaanka dumarka ilmaha lagaga soo saaro. Waxay taasi  badiyaa ku xidhan tahay iyadoo aanay fooshu awood badan laheyn.

Haddii cid aad la hadasho aad u baahantahay

Waxa dhici karta inaad wax ka fikireysid oo aad su'aalo qabtid dhalmada kahor iyo kadibba.

La hadal umuliso si aad caawimo ugu hesho.

Waxaad heli kartaa turjumaan

Haddii aanad Iswiidhish ku hadlin ayaad turjumaan xaq u yeelan kartaa.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page