DARYEELIDA GAARKA EE CARUURTA

Caloolxanuunka carruurta yaryar

Magsjuka hos små barn

Matagga iyo shubanku waa astaamaha badanaaba lagu arko ilmaha uu ku dhaco caloolxanuun fiirus keenay. Cudurkaasina waa mid aan sida ugu badan khatar ahayn oo dhawr maalmood ku istaaga. Waxaase muhiim ah in ilmaha uu ku dhaco uu cabbitaan badsado, gaar ahaan haddii shubankiisu badan yahay. Taasi waxay si gaar ah u khuseysaa ilmaha ka yar hal sano.

Carruurta iyo dadka waaweyniba waa qaadi karaan caloolxanuun. Qoraalkani wuxuu ku saabsan yahay caloolxanuunka ku dhaca carruurta da’doodu tahay lix sano iyo in ka yar.

Läs texten på svenska här.

Astaamaha cudurka

Carruurta caloolxanuunka qabta waxaa caado u ah

  • inay matagaan
  • inay shubmaan
  • inay lalabbo dareemaan
  • inay calooshu xanuunto
  • inay xummadi hayso
  • in daal iyo tabardarri ka muuqato
  • inay cuntada diidaan.

Astaamahaasna waxaa ilmaha loogu arkaa si dhaqso ah dhawr maalmood kadib marka ilmuhu cudurka qaaday. Matagguna wuxuu badanaaba ku istaagaa maalin ama laba maalin gudahood. Shubankuse waa sii socon karaa oo mararka qaarkood ilaa hal toddobaad.

Caloolxanuunkaas waxaa badanaaba la qaadaa xilliga qaboobaha, markaas oo inta badan guriga la isla joogo. Waxaa kaloo caloolxanuun laga qaadi karaa biyaha tuubbada oo bakteeriyo, jeermi ama fiirus ku jiro ama cunto si xun loo kariyey ama badanaaba marka muddo lagu maqnaa dalka dibeddiisa.

Goormaan doontaa daryeel caafimaad?

Wac rugta daryeelka caafimaadka ama telefoonka 1177 si aad u hesho talo ku saabsan astaamaha xanuunka ilmahaaga:

  • Ilmaha lix bilood ka yar oo matag iyo shuban ku dhaco.
  • Xaaladda ilmuhu kama soo fiicnaan habeen iyo maalin kadib.
  • Ilmuhu wuxuu u muuqdaa mid caafimaadqaba, laakiin laba toddobaad kadib caloolxanuunka saxaradiisu weli wey jilicsan tahay.
  • Ilmuhu wuxuu qabaa cudur joogto ah oo ma hubtid in uu u baahan yahay daryeel caafimaad.

Ilmuhu wuxuu khatar ugu sugan yahay in jirku qallalo haddii uu aad u mataggo oo dheecaanku jirka ka dhammaado oo isla markaasna uu aad u shubmo. Taasi waxay keeni kartaa in ilmaha jirku qallalo. Taasina waa xaalad halis ah. Ilmaba ilmaha uu ka sii yar yahay waa uga xasaasisan yahay dheecaan la’aanta iyo jirka oo qallala.

Si dhaqso ah daryeel caafimaad ugu doon haddii uu shubmayo ama mataggayo oo uu isla markaasna muujiyo astaamaha soo socda:

  • Ilmuhu cabbitaan ma qaato ama sidii hore waa uu ka kaadi yar yahay.
  • Ilmuhu waa daalan yahay oo ma awoodo in uu cayaaro ama wax xiiseeyo.
  • Ilmaha calooshaa aad u xanuuneysa oo waa ka sii dareysaa.
  • Dhiig ayaa la socda matagga ama saxarada.

Daryeel caafimaad uga raadi rugta daryeelka caafimaadka ama qaabbilaadda furan ee bukaanka. Haddii aysan suurtagal ahayn u qaad gargaarka degdegga ah.

Wac telefoonka 1177 haddii ay astaamo kale ka muuqdaan ilmaha ama aadan hubin in uu u baahan yahay daryeel caafimaad.

Maxaan anigu samayn karaa?

Marar badan sii ilmaha cabbitaan

Ilmaha caloolxanuunka qabaa wuxuu u baahan yahay cabbitaan ka badan sida caadiga ah. Sidaas awgeed sii ilmaha cabbitaan, gaar ahaan isla marka caloolxanuunku ku dhaco. Ilmaha cabbitaanka u sii xoogaa xoogaa, laakiin marar badan. Haddii ilmuhu uu hal mar qaato cabbitaan badan waa uu soo matagaa.

Haddii ay ilmaha ku adag tahay in uu isagu wax cabbo, waxaad ku dayi kartaa inaad qaaddo cabbitaan ku siiso.

Ka ilaali cabbitaan sonkor badan

Ka ilaali inaad ku badiso cabbitaanka macaan sida sharaabka iyo saaftiga sonkorta badan. Haddii ilmuhu uu waqti gaaban qaato cabbitaano sonkor badan waxaa bata shubankiisa. Ha siin cabbitaanada lagu macaaneeyey waxyaalo aan sonkor ahayn. Waxyaalahaas sonkor lagu darin laakiin waxaa ku jira maaddooyin kale oo shuban keeni kara. Intaas ka sokow waxaad ilmaha siin kartaa waxa uu jecel yahay. Muhiimaddu waa in uu wax cabbey.

Ku day jallaato ka samaysan sharaab la barafeeyey

Haddii uusan dooneyn in uu wax cabbo waxaad siin kartaa jallaato ah sharaab la barafeeyey. Laakiin ku dadaal inaad ilmaha siiso cabbitaan ama daawo dheecaan siisa. Ilmaha jirkiisu weli waa u baahanyahay dheecaan xataa haddii uu jallato cuno.

Ku wad inaad naaska nuujiso ama masaasad cunto ku siiso

Haddii aad ilmaha nuujineyso ama caanaha naaska quraarad ku siineyso waad ku sii wadaysaa, laakiin in badan sidii caadiga ahayd xataa haddii ilmuhu mataggayo. Haddaad nuujiso, waxaad isku dayi kartaa inaad  caanaha naaska qarshad ku listo, si aad ilmaha qaaddo ugu siiso marka uusan ilmuhu naaska nuugi karin.

Afka dheecaan uga dhibci

Waxaad kaloo isticmaali kartaa cirbad caag ka samaysan oo carruurta daawo lagu siiyo. Caanaha naaska ama caanaha beddelkooda uga dhiiji ama dhibci canka dhanka gudaha afka si dheecaankaasi dalqada ugu sii qulqulo. Ka ilaali inaad uga dhiijiso dhabxanagga waayo ilmuhu taas waa ku lalaboon karaa. Waxaad farmashiyaha ka heleysaa cirbado noocyo badan.

Dhawrkii daqiiqaba sii labo qaaddo shaah oo cabbitaan ah

Carruurta mataggoodu badan yahay waxay u baahan yihiin in shantii daqiiqaba mar la siiyo labo qaaddo shaah oo cabbitaan ah. Labo qaaddo shaah waxay u dhigmaan 10 mililitir, haddaad dheecaankaas u siineyso cirbad. Badanaaba wuxuu ilmuhu u baahan yahay cabbitaan ka badan sida la moodayo. Tusaale ahaan ilmaha sannad jirka ahi wuxuu afar iyo labaantankii saacba u baahnaan karaa 1 litir oo cabbitaan ah.

Waxaa loo baahnaan karaa daawada beddelka cabbitaanka

Haddiise ilmuhu aad u mataggo ama shubankiisu badan yahay, waxaa habboon in la siiyo daawada beddelka cabbitaanka da’duu doono ha ahaadee. Daawada beddelka cabbitaanka waxaa ku jira cusbo iyo sonkor badan oo ilmaha ka caawinta dheellitirka dheecaanka jirka.

Waxaa dhici kara in uu ilmuhu mararka qaarkood diido inuu cabbo daawada beddelka cabbitaanka. Waxaad markaas ku dadaaleysaa inaad ugu macaaniso xoogaa sharaab ama saafti ah.

Carruurta waaweyni xasaasi ugu ma ahan dheecaan-la’aanta iyo qallalka jirka sida kuwa yaryar. Sidaas awgeed ayaad carruurta waaweyn u siin kartaa waxa ay jecel yihiin, haddii ay diidaan daawada beddelka cabbitaanka.

Daawada beddelka cabbitaanka waxaa laga iibsan karaa farmashiyaha. Waxaad kaloo isku qasi kartaa cabbitaan aad siiso ilmaha.

Marka mataggu ka joogsado laakiin weli shubanku socdo

Waxaa caadi ah in ilmaha mataggu ka joogsado laakiin shubanku ku sii socdo. Ilmaha naaska nuuga waa in sidii hore loo sii nuujiyaa. Carruurta masaasadda wax lagu siiyo waxaa la sii siin karaa beddelka caanaha naaska, mushaalida ama shurbadda da’da ay doonaan ha ahaadeene. Waxaa lagu bilaabi karaa in hadba xoogaa la siiyo.

Haddii ilmuhu ka weyn yahay lix bilood waxaa lagu dayi karaa maraq ka samaysan dabacase, kaas oo joojin kara shubanka. Waxaad maraqaas ka samayn kartaa adigoo isku qasa dabacase shiidan iyo biyo.

Kolka ilmuhu bilaabo in uu wax cuno waxaa habboon inaad ku bilowdo siinta cunto caadi ah. Ilmaha cuntada u sii xoogaa xoogaa marar kala duwan. Waxaa wanaagsan inaad furutada ka ilaaliso maadaama ay furutado jilciso caloosha ilmaha. Waxaad kaloo ka ilaalisaa mushaalida ama cuntooyinka kale oo buushada ama faybarka leh ilaa ilmuhu ka caafimaadayo.

Haddii mataggu ku soo noqdo

Aad ugu feejignow sida caafimaadka ilmuhu yahay, haddii uu sidii hore ka daal badan yahay ama uusan awoodin in uu cayaaro ama wax daneeyo. Daryeel u raadi haddii uu ilmuhu daal badan oo madluumnimo iyo tabardarri ka muuqato.

Sidaan ayaad uga hortegi kartaa caloolxanuunka

Caloolxanuunka waxaa badanaaba keena infakshan fiirus. Caloolxanuunka sahal ayaa la isku qaadsiiyaa oo badanaaba wuxuu ku dhacaa dad badan oo jooga guriga ama dugsiga barbaarinta.

Maadaama caloolxanuunka la is qaadsiiyo waxaa habboon in

  • gacmaha lagu mayro saabuun cunta-cunidda ka hor iyo musqusha kadib
  • la isticmaalo shukumaan u gaar ah ama shukumaan mar isticmaal ah
  • musqusha nadiifi oo qallaji.

Xafaayadda ilmaha caloolxanuunku hayo waxaad ku xiri kartaa bac inta aadan ku tuurin meesha qashinka. Mar walba oo aad ilmaha ka beddesho xafaayadda, nadiifi miiska aad uga beddeshay, gacmahana aad u mayr.

Ilmuhu guriga ha joogo labada maalmood iyo habeen oo ka dambeeya marka astaanta caloolxanuunku ka dhammaato.

Ilmaha mataggaya ama shubmayaa waa in uu guriga joogo. Wuxuu dib ugu noqonayaa dugsiga barbaarinta ama xannaanada laba maalmood kadib marka uu caadi u bilaabo wax cunidda oo matagga iyo shubanku ka istaago. Ilmaha dhigta dugsiga waa in uu guriga joogaa laba maalmood oo ugu horreysa oo uu caafimaadka noqday.

Maxaa jirka ilmaha ku dhaca?

Fiiruska, jeermiga ama bakteeriyada caloolxanuunku waxay wax gaarsiisaa unugyada xuubka midhicirada. Xuubka mindhiciradu ayaa caadi ahaan nuuga dheecaan oo jirka geliya, laakiin sidii hore dheecaanka uga qaadi karo haddii dhaawac gaaro. Matagga iyo shubanku wuxuu jirka u keenaa in uu lumiyo dheecaan.

Marka qofku shubmo waxaa jirka ka luma cusbo iyo dhaeecaan jirku u baahnaa. Carruurtuna aad ayey xasaasi ugu tahay dheecaankaas lumay marka la barbardhigo dadka waaweyn. Ilmaba ilmaha uu ka yar yahay waa uga nugul yahay in dheecaan ka lumo.

Matagguna wuxuu keeni karaa in ay ilmaha ku adkaato in uu jirka ku hayo cabbitaanka uu qaato. Caafimaadka ilmaha yari aad ayuu u soo xumaadaa haddii uu lumiyo dheecaan ka badan kan uu qaato. Xummadda badanina waxay ilmaha u keentaa in uu dheecaan badan lumiyo. Sidaas awgeed ayey muhiim u tahay in ilmaha cabbitaan lagu bilaabo isla marka caloolxanuunku ku bilowdo.

Till toppen av sidan