Hel cadayn ah in lagaa tallaalay covid-19 adiga oo aan qaadan nambarrada dhalashada ee Iswiidhan ama nambarka isku-duwidda
Få bevis på att du är vaccinerad mot covid-19 utan att ha ett svenskt personnummer eller samordningsnummer - somaliskaThe content concerns Västra GötalandSi aad u heshid cadaynta in lagu tallaalay waa in la xariirtaa tallaal-bixiyaha ku siiyay tallaalkii ugu dambeeyay oo sii macluumaadkaan:
- Nambarka kaydka ee tallaalkaaga lagu diiwaan geliyay. Haddii aadan garanaynin nambarka kaydka, sheeg taariikhda dhalashadaada.
- Magacaaga
- Adareeska (ama adareeska c/o oo lagaa helo) ee aad dooneysid in cadaynta lagu diro.
Haddii ay kugu adagtahay in aad la xariirtid tallaal-bixiyahaaga, qof caawinaad weydiiso! Haddii aadan helin macluumaadka xariirka tallaal-bixiyaha, ka hel caawinaad adoo e-mayl u diraaya covid-19@vgregion.se ama wac:
010-473 94 30 (iswiidhish)
011-473 00 22 (carabi)
011-473 00 23 (beershi)
011-473 00 24 (soomaali)
Waxaad u baahantahay aqoonsi
Tallaal-bixiyuhu wuxuu cadaynta kugusoo dirayaa si toos ah oo lagugu simaaya wakiilka boostada ee kugu dhow. Waxaad u baahantahay aqoonsi oo ansax ka ah boostada postnord si aad u qaadatid.
Ma leedahay nambarka isku-duwidda?
Adiga leh nambarka isku-duwidda waxaa hay’adda caafimaadka internetka ee E-hälsomyndigheten ka dalbanaysaa cadaynta tallaalkaaga. Haddii tallaalkaagu lagu diiwaan gelinin nambarkaaga isku-duwidda waxaa lagu diiwaan geliyay nambarka kaydka waxaana markaa u baahantahay in aad samaysid sida aan kor kusoo qornay.