Macluumaad la soo ururiyey oo ku saabsan covid-19

Talada la siinaayo qofka covid-19 qaba

Råd till dig som har covid-19 - somaliska

Waxa halkan ku yaala talo la siinaayo qofka cudurka covid-19 qaba. Waxay taladu khuseysaa qofka guriga joogi kara ee aan u baahnayn in cisbitaal daryeel lagu siiyo. La xiriir daryeelka caafimaadka haddii aad ka sii xanuunsatid sida aad tahay.

Här kan du läsa mer om covid-19.

Halkan ka akhrisan kartaa macluumaadka hargabka oo dheeradka ah.

Waa muhiim inaad haddii aad jirran tahay guriga joogto. Dadka badankoodu uma baahna inay tijaabo iska qaadaan. Wax dheeraad ah ka akhriso qoraalka Iska qaadista tijaabo/iska baadhista covid-19.

Iska tallaal covid-19 markaad ka bogsato, haddii aanad hadaba tallaalneyn.

Gobolka bogga xagiisa sare ka dooro si aad ugu hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxyaalaha halkaad joogto khuseeya.

Du kan läsa texten på svenska här. 

Wax badan cab

Waxa muhiim ah in wax badan la cabo, gaar ahaan haddii aad xumad ama qufac leedahay. Waxa wanaagsanaan karta in waxoogaa biyo kulul ama biyo qabow aad cabto haddii uu cunahu ku xanuunaayo.

Cab tusaale ahaan biyo, shaah, maraq la fadhiisiyey ama maraq caadi ah.

Waxaad sidoo kale cuni kartaa jalaato, iskiriin ama caano fadhi.

Madaxa hoos dhig barkin dheeraad ah

Waxa wanaagsan inaad madaxa kor u soo qaado.

Waxay taasi kaa caawineysaa haddii aad wax badan qufacayso.

Madaxa barkin dheeraad ah hoos dhig markaad hurudo.

Qolka qabow ka dhigo

Waxa fiicnaan karta in markaad seexaneyso qolku waxoogaa yara qaboobaado.

Waxaad tusaale ahaan naaqusi kartaa kuleyliyaha (hiiterka) ama daaqadda ayaad furi kartaa.

Isku dey inaad dhaqdhaqaaq sameyso

Waxaad u baahan tahay inaad nasato markaad jiran tahay. Laakiin ma fiicna wakhti badan in aanad dhaqdhaqaaqin/aad iska jiifto.

Waa inaad Isku daydo inaad maalintii dhowr jeer dhaqdhaqaaq samayso.

Kuwani waa waxyaabo aad tusaale ahaan isku dayi karto inaad sameyso:

  • Lugaha iyo cagaha dhaqdhaqaaji.
  • Mararka qaarkood dhinaca aad u jiifto bedel.
  • Mararka qaarkood fadhiiso ama kor u istaag.

Markaad roonaato ayaad isku dayi kartaa inaad banaanka aado/u baxdo oo aad dhaqdhaqaaq sameyso. Ha sameynin wax ka badan waxaad awoodi karto.

Waxaad isticmaali kartaa dawooyinka aan warqadda dhakhtarka u baahneyn

Waxaad isticmaali kartaa dawo paracetamol ku jirto haddii qandho/xumad badan aad leedahay. Dawadu waa mid aan warqadda dhakhtarku kuu qoro u baahneyn.

Carruurta lix bilood ka weyn ayaa dawada paracetamol ku jirto isticmaali karta. Haddii ilmahu uu lix bilood ka yar yahay ayaad marka hore dhakhtarka waydiinaysaa.

Qofka uu cunahu xanuunaayo ayaa kiniinka cunaha isticmaali kara.

Waxaad isticmaali kartaa dawada sanka la iskaga buufiyo

Waxaad isticmaali kartaa dhibcaha sanka ama dawada sanka la iskaga buufiyo. Waxa jirta dawada dhibcaha sanka ama dawada sanka la iskaga buufiyo oo aan warqadda dhakhtarka u baahneyn oo ay cusbo ku jirto.

Waxa sidoo kale jirta dawada dhibcaha sanka ama dawada sanka la iskaga buufiyo oo aan warqadda dhakhtarka u baahneyn taas oo bararka sanka yaraysa. Dawada dhibcaha sanka ama dawada sanka la iskaga buufiyo waxaad ugu badnaan isticmaalaysaa toban maalmood.

Iska ilaali cabitaanka sigaarka

Iskuday inaanad sigaar cabbin iyo inaanad joogin halka ay dadka kale sigaar ku cabayaan. Qufaca waxa uu kaaga sii darayaa qiiqa.

Qofka u baahan inuu guriga joogo

Cidla ayaa la dareemi karaa in guriga la joogo. Dad badan ayaa u arka inay wax adag tahay inaan lala kulmin dadkaad badanaa la kulmi jirtay.

Isku day inaad xidhiidh la samayso saaxiibadaa iyo qoyskaaga tusaale ahaan waad isa soo wici kartaan.

Waxa wanaagsan in sida caadiga ah wakhti isla mid ah wax la sameeyo. Waxaad tusaale ahaan kici kartaa oo aad quraacan kartaa isla xilligaad sidaas sameyn jirtey.

Qofka taageero u baahan

Wac lambarka 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo waxaad sameynayso/sidaad yeeli lahayd. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay sidoo kale adiga kaa caawin karaan halka aad daryeel ka raadsaneyso, haddii aad ka sii xanuunsato.

Waxay kalkaalisadu ku hadashaa af Iswidhish iyo Ingiriisi.

Wac +46 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah kasoo hadlayso.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page