Kulanak daryeelka caafimaadka ee ka dhaca rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC

Ballanta caafimaad ee lagu tago rugta caafimaadka carruurta (BVC) markii ilmuhu 8 bilood gaaro

Hälsobesök på BVC vid 8 månader - somaliskaThe content concerns Västra Götaland

Marka uu ilmuhu jiro 8 bilood waxaa guriga idinku soo booqan doonaa kalkaalisada caafimaadka oo ka socota rugta daryeelka caafimaadka BVC. Waxaa uu ilmumu heli doonaa fursad lagu baadho isaga oo jooga gurigiisa.

Kulanka booqashada waxaa aad ka hadli doontaan arimo ku saabsan ilmaha iyo waxyaaabaha uu jecelyahay ee qeyb ka qaata koritaanka ilmaha. Waxaa jira fursad lagaga hadli karo waxyaabo ay ka mid yihiin macnaha i waalid la noqdo, nolol maalmeedka, qoyska, is daryeelka, cuntada iyo nabdgalyada ilmaha. Waxaa kale oo la tix raaci doonaa waxyaabihii laga hadley kulanadii hore. Waxaa ilmaha la siin doona cadey iyo dawada cadeyga isla markaana waxaa lagu siin doonaa ka waalid ahaan macluumaad ku saabsan sida aad u daryeeli karto caafimka ilkaha ee ilmahaaga. Waxaa lagu siin talooyin iyo tusaalayaan ku saabsan sida aad ugu sheekeyn karto iyo sida aad wax ugu akhrin karto. Dhamaan carruurta ku nool Gobolka Västra Götaland waxaa la siiyaa buug. Waa la baadhi doonaa ilmaha, la miisaami doonaa isla markaana waa la cabiri doonaa.

To the top of the page