Waxaad si wadajir ah uga hadli doontaan ilmaha oo kasii hadli doontaan wixii aad horay uga soo hadasheen.
Image 1
3/9
Waxaa jirta fursad looga hadli karo in waalid la ahaado, nolol maalmeedka qoyska, cuntada ilmaha iyo amniga ilmaha.
Image 1
4/9
Ilmaha waa la baarayaa, la miisaamayaa oo la cabbirayaa.
Image 1
5/9
Markii ilmuhu gaaro 12 bilood waxaa loo fidinayaa tallaalka gawracatada, teetano, Xiiq dheer, cudurka dabaysha, cudurka bakteeriyada haemophilus influenzae nooca labaad, cagaarshow b iyo sidoo kale bakteeriyada pneumokocker. Waa isla tallaalada loo fidiyo markii ilmuhu jiro 3 illaa 5 bilood. Wuxuu ilmahaagu qaadanayaa labo cirbadood, midba lug baa laga siiyaa. Mararka qaarkood isku mar baa la siiyaa.
Image 1
6/9
Tallaalka ka hor way fiican tahay in ilmahaagu uu soo cunteeyo oo uu qanacsan yahay. Ilmaha waa lasoo nuujin karaa ama masaasad lagu habi karaa markii la tallaalayo. Ilmaha waxaa sidoo kale la siin karaa sonkor qasan. Waxay taasi keeni kartaa in uusan ilmuhu aad u dareemin tallaalka.
Image 1
7/9
Markii la tallaalayo waxaa ilmaha lagu qabtaa dhabta waxaana lagu sii jeedin karaa tusaale ahaan alaabta ciyaarta. Waalid ahaan wuxuu ilmuhu kugu dareemayaa amni.
Image 1
8/9
Haddii su´aalo qabtid ama haddii aad dareemaysid kalsooni darro ku aadan tallaalka waxaad kala hadli kartaa kalkaalisada rugta caafimaadka carruurta (BVC).