Kulanak daryeelka caafimaadka ee ka dhaca rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC

Ballanta caafimaad ee rugta caafimaadka carruurta (BVC) markii ilmuhu jiro 2,5 sano

Hälsobesök på BVC vid 2,5 år - somaliskaThe content concerns Västra Götaland

Marka uu ilmuhu jiro 2,5 sano waxaa lala kulmi doonaa kalkaalisada caafimaadka, waxaa kulanka booqashada aan kaga hadli doonaa arimo khuseeya xaalada caafimaad ee ilmaha iyo koritaankiisa. Waxaa kale oo la tix raaci doonaa waxyaabihii laga hadley kulanadii hor.

Waxaa jira fursad lagaga hadli karo waxyaabo ay ka mid yihiin macnaha i waalid la noqdo, nolol maalmeedka qoyska, sida uu yahay ilmuhu muddada uu ku suganyahay dugsiga xanaanada carruurta cuntada ilmaha iyo nabdgalyada ilmaha. Waxaa caadi ah in laga hadlo cuntooyinka uu ilmuhu cuno, sida uu yahay jawiga marka qoysku wada cunteynato wakhtiyda cuntada, ciyaarta iyo in la wada jiro. Waxaa haboon in la abuuro caadooyinka la xidhiidh cuntada iyo dhaqdhaqaaqa wakhti hore maadaama ay saameyn ku yeelan doonto xaalada caafimaad ee ilmaha ee noolashiisa oo dhan.

Kalkaalisad caafimaadku waxaa ay la ciyaari doontaa ilmaha si ay u aragto sida uu ilmuhu u dhaqdhaqaaqayo, sida uu hadlayo iyo sida uu wax u fahmayo. Sidoo kale waa la miisaami doonaa isla markaana waxaa la cabiri doonoo dhererka ilmaha.

To the top of the page