Ballanta caafimaad ee rugta caafimaadka carruurta (BVC) markii ilmuhu jiro 18 bilood
Hälsobesök på BVC vid 18 månader - somaliskaThe content concerns Västra GötalandMarka uu ilmuhu jiro 18 bilood waxaa lala kulmi doonaa kalkaalisada caafimaadka, waxaa kulanka booqashada aan kaga hadli doonaa arimo khuseeya xaalada caafimaad ee ilmaha iyo koritaankiisa. Waxaa kale oo la tix raaci doonaa waxyaabihii laga hadley kulanadii hor.
Waxaa caadi ah in laga hadlo caadooyinka cuntada, ciyaarta iyo in la wada jiro. Waxaa haboon in la abuuro caadooyinka la xidhiidh cuntada iyo dhaqdhaqaaqa wakhti hore maadaama ay saameyn ku yeelan doonto xaalada caafimaad ee ilmaha ee noolashiisa oo dhan. Waxaa jira fursad lagaga hadli karo waxyaabo ay ka mid yihiin macnaha i waalid la noqdo, nolol maalmeedka qoyska, sida uu yahay ilmuhu muddada uu ku suganyahay dugsiga xanaanada carruurta cuntada ilmaha iyo nabdgalyada ilmaha.
Waxaa aad la shaeekeysan doontaa isla markaana waad la ciyaari doontaa ilmaha, kalkaalisda caafimaadku waxaa ay u fiisan doonta sida uu ilmuhu u dhaqdhaqaaqayo sida uu ilmaha u ciyaarayo iyo sida uu dadka ula sameynayo xidhiidhka. Sidoo kale waa la baadhi doonaa Imaha, la miisaami doonaa isla markaana waa la cabiri doonaa.
Tallaal
Kulanka booqashada waxaa la siin doonaa talaalka lidka ku ah Jadeecada, qaamo-qashiirka, Jadeeco la mood/jadeeco jarmal. Booqashada ka hor waxaa kula gudboon ka waalid ahaan in aad u diyaar garowda isla markaana aad u sheegto arimo ku saabsan waxa dhici doona iyo in uu soo cunteeyo isla markaana dareemayo faraxad. Marka la siinayo talaalka waxaa haboon in uu ilmuhu ku fadhiyo dhabta waalidkiisa isla markaana lagu mashquuliyo wax kale, tusaale ahaan alaabta ay carruurtu ku ciyaarto si uusan u dareemin xanuunka talaalka. Ka waalid ahaan waxaa tahay xasiloonida ilmahaaga. Haddii shaki kaa galo talaalka ama aad welwesho ka hor talaalka waxaa aad la hadli kartaa kalkaalisada caafimaadka ee ka shaqeysa rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC.
U diyaargarow kulanka adigoo sawirrada lasii fiirfiirinaya ilmaha

Ku soo dhawoow kulanka booqasha rugta daryeelak caafimaadka dhalaanka BVC marka uu ilmuhu jiro 18- bilood
Fadlan fiiro sawirada muujinaya waxyaabaha dhacaya marka la soo booqdo rugta daryeelka caafimaadka carruurta BVC ka hor booqashada. Waxaa aad halkan ka arki kartaa waxyaabaha kala duwan ee dhici doona muddada lagu gudo jiro booqashada. Waxaa fiican in adiga iyo ilmahuba aad ogtihiin waxa dhaci doona isla markaana aad diyaar u tihiin.
Kasii akhri
- Halkan ka akhri macluumaad dheeri ah oo ku saabsan cuntooyika carruurta yaryar ee u dhaxeysa 1-2 sano (svenska)
- Halkan ka akhri macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida loogu diyaar garoobo talaalka ka hor (svenska)
- Halkan ka akhri macluumaad dheeri ah oo ku saabsan macluumaadka talaalka ee hay’ada caafimaadka bulshada oo ku qoran luqaddo kala duwan
- Halkan ka akhri macluumaad dheeri ah oo ku saabsan badbaadada carruurta (svenska)