Ballanta caafimaad markii ilmuhu 10 bilood gaaro
Hälsobesök på BVC vid 10 månader - somaliskaThe content concerns Västra GötalandMarka uu ilmuhu jiro 10 bilood waxaa aad kula kulmi doontaan kalkaalisada caafimaadka rugta daryeelka caafimaadka BVC. Waxaa si wadajir ah looga hadli doona arimo ku saabsan ilmaha isla markaana waxaa kale oo la tix raaci doonaa waxyaabihii laga hadley kulanadii hore.
Waxaa jira fursad lagaga hadli karo waxyaabo ay ka mid yihiin macnaha i waalid la noqdo, nolol maalmeedka qoyska, is daryeelka, cuntada iyo nabdgalyada ilmaha. Waa la baadhi doonaa ilmaha, la miisaami doonaa isla markaana waa la cabiri doonaa . Marka uu da’dan ku jiro ilmuhu waxaa haboon in la baro in la joojiyo xidhashada xafaayada, macluumaad dheeri ah oo ku saabsan sida looga jaro xafaayada waxaa aad ka heli kartaa rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC.
Usii diyaargarow kulanka adigoo sii fiirfiirinaya sawirrada

Markii ilmuhu uu jiro 10 bilood waxaad kalkaalisada kula kulmaysaan rugta caafimaadka carruurta (BVC).