Ballanta caafimaad ee rugta caafimaadka caruurta (BVC) markii ilmuhu 3–5 bilood jiro
Hälsobesök på BVC vid 3-5 månader - somaliskaThe content concerns Västra GötalandMarka ilmuhu uu jiro inta u dhaxeysa 3 iyo 5 bilood, waxaa caadi ah in ilmuhu uu soo booqdo rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC bishii hal mar ama marar intaa ka badan haddii loo baahdo.
Waxaa kulankaas lagaga hadli doonaa arimo ku saabsan ilmaha, iyo waxyaaabaha uu jecelyahay ee qeyb ka qaata koritaanka ilmaha. Waxaa jira fursad lagaga hadli karo waxyaabo ay ka mid yihiin macnaha i waalid la noqdo, nolol maalmeedka qoyska, cuntada ilmaha iyo nabdgalyada ilmaha. Waxaa kale oo la tix raaci doonaa waxyaabihii laga hadley kulanadii hore. Sidoo kale Imaha waa la baadhi doonaa, waana la miisaami doonaa isla markaana waa la cabiri doonaa.
Marka uu ilmuhu jiro 3–5 bilood waxaa lagu marti qaadi doonaa waalidka kale ee aan ummulin ilmha (tusaale ahaan aabaha) kulan adiga kuu gaar ah oo lala yeelan doono kal-kaalisada caafimaafka ee ka shaqeyssa rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BHV, kulankaas waxaa lagaga hadli doonaa arimo ku saabsan ilmaha iyo macnaha in la noqdo waalid. Haddii loo qabo baahi waxaa lagu siin caawimaad gaar ah. Waxaa ay tusaale ahaan caawimaadaasi noqon kartaa kulan wada hadal ama caawimaad kale oo sidii aad ula xidhiidhi lahayed ay kaa caawin doonto kalkaalisada caafimaadku.
Tallaal
Marka uu ilmuhu jiro 3 bilood waxaa la siin doonaa talaalkii labaad ee lidku ku ahaa feyruska rota (rotavirus). Talaalku waa mid dhibco ah oo laga qaato afka. Marka uu ilmuhu jiro saddex bilood iyo marka uu jiro shan bilood waxaa la siiyaa talaalo lid ku ah Gawracatada, teetanada, xiiqdheerta, dabeysha, hargabka haemophilus nooc B-da, Cagaarshowga nooca B iyo waliba bakteeriyad pneumokocker. Kulan kasta waxaa ilmaha la siin doonaa labo irbadood ama waxaa la duri doonaa labo mar, lug kasta waxaa laga siin doonaa hal irbad. Mararka qaarkood hal mar baa la wada siiyaa labada irbadood. Talaalka ka hor waa in ilmaha la soo siiyaa cunto isl amrkaana uu ilmuhu qanacsanyahay. Marka la talaalayo ilmha waxaa la nuujin karaa naaska ama masaasad/dhalada caanaha ayaa la jaqsiin karaa. Waxaa kale oo ilmaha la jaqsiin karaa biyo sonkor leh. Waxaa taasi keeni kartaa in ilmuhu uusan dareemin xanuun badan marka la talaalayo. Talaalka lidka ku ah feyruska rota (rotavirus) dhadahnkiisu waa macaan sidaa aawadeed halkii laga siin lahaa biyo sonkor leh waxaa la siin karaa talaalka marka uu ilmuhu jiro 3 bilood. Marka la siinayo talaalka waxaa haboon in uu ilmuhu ku fadhiyo dhabta waalidkiisa isla markaana lagu mashquuliyo wax kale sida tusaale ahaan alaabta ay carruurtu ku ciyaarto si uusan u dareemin xanuunka talaalka. Ka waalid ahaan waxaa tahay xasiloonida ilmahaaga. Haddii shaki kaa galo talaalka ama aad welwesho ka hor talaalka waxaa aad la hadli kartaa kalkaalisada caafimaadka ee ka shaqeysa rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC.
U diyaargarow kulanka adigoo sii fiirfiirinaya sawirrada

Markii ilmaha da´diisa ay u dhexayso 3 illaa 5 bilood waxaad la kulmaysiin kalkaalisada rugta caafimaadka carruurta (BVC).