The information concerns Västra GötalandThe information concerns Västra Götaland
Marka ilmuhu uu jiro inta u dhaxeysa 3 iyo 5 bilood, waxaa caadi ah in ilmuhu uu soo booqdo rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC bishii hal mar ama marar intaa ka badan haddii loo baahdo.
U diyaargarow kulanka adigoo sii fiirfiirinaya sawirrada
Image 1
1/13
Markii ilmaha da´diisa ay u dhexayso 3 illaa 5 bilood waxaad la kulmaysiin kalkaalisada rugta caafimaadka carruurta (BVC).
Image 1
2/13
Waxaa caadiyan rugta caafimaadka carruurta (BVC) la yimaadaa bishii mar ama ka badan haddii loo baahdo markii ilmaha da´doodu u dhexayso 3 illaa 5 bilood.
Image 1
3/13
Markii ballanta la yimaado waxaad ka hadli doontaan ilmaha iyo waxa ilmaha xiisaha u leh oo horumar u keenaya ilmaha.
Image 1
4/13
Waxaa fursad loo haystaa in laga hadlo in waalid la ahaado.
Image 1
5/13
Waxaa jirta fursad loo haysto in laga hadlo nolol maalmeedka qoyska, cuntada ilmaha iyo amniga carruurta. Waxaad kasii hadli doontaan wixii horay aad uga hadasheen.
Image 1
6/13
Ilmaha waa la baarayaa, la miisaamayaa oo la cabbirayaa.
Image 1
7/13
Markii ilmaha da´doodu u dhexayso 3 illaa 5 bilood waxaa waalidka aan horay ilmo u dhalin loo fidiyaa wada hadal u gaar ah oo ay la yeelato kalkaalisada. Wada hadalku wuxuu ku saabsan yahay ilmaha, siday tahay in waalid la ahaado, qoyska iyo caafimaadka qofka. Haddii ay jirto baahi loo qabo caawinaad dheeri ah waxaa loo fidiyaa caawinaad. Wuxuu tusaale ahaan noqon karaa wada hadal ama cid kale oo caawin karta oo ay kalkaalisadu ku caawiso inay ku xirto.
Image 1
8/13
Carruurta dhammaantood waxay xaq u leeyihiin inay ku koraan gacan ka hadal la´aan hadduu noqon lahaa mid jireed, nafsiyeed ama mid galmo, sidaas darteed waxaan rugta caafimaadka carruurta (BVC) kugu weydiinaynaa su´aalo ku saabsan gacan ka hadal.
Image 1
9/13
Marka uu jiro 3 iyo 5 bilood, ilmaha waxaa la siiyaa tallaalka labaad ee rotavirus. Tallaalku waa dhibic afka ah.
Image 1
10/13
Markii ilmuhu jiro saddex bilood iyo shan bilood waxaa loo fidiyaa tallaalka gawracatada, teetano, Xiiq dheer, cudurka dabaysha, cudurka bakteeriyada haemophilus influenzae nooca labaad, cagaarshow b iyo sidoo kale bakteeriyada pneumokocker. Mar kasta wuxuu ilmuhu qaadanayaa labo cirbadood, midba lug baa laga siinayaa. Mararka qaarkood isku mar baa la siiyaa.
Image 1
11/13
Tallaalka ka hor waxaa fiican in ilmahaagu soo cunteeyay oo qanacsan yahay. Ilmaha waa la nuujin karaa ama masaasad lagu habi karaa markii la tallaalayo. Waxaa sidoo kale ilmaha la siin karaa sonkor qasan. Taasi waxay keenaysaa in ilmuhu uusan tallaalka aad u dareemin. Tallaalka Rotavirus waa macaan isagaana loogu beddeli karaa sonkorta markii ilmuhu 3 iyo 5 bilood gaaro.
Image 1
12/13
Markii tallaalada la bixinayo wuxuu ilmuhu ku fadhinayaa dhabta waalidka waxaana lagu sii jeedinayaa xumbo saabuun ama alaabta lagu ciyaaro. Ka waalid ahaan wuxuu ilmuhu kugu dareemayaa amni (kalsooni).
Image 1
13/13
Haddii aad su´aalo qabtid ama haddii aadan ku kalsoonayn tallaalka waxaad kala hadli kartaa kalkaalisada rugta caafimaadka carruurta (BVC).