Markii ilmahaagu dhasho waxaad la xiriiraysaa rugta caafimaadka carruurta (BVC) ee aad ilmahaaga u doortay.
Image 1
2/9
Kulanka koowaad ee lala yeesho rugta caafimaadka carruurta (BVC) waxaa la qabtaa hal illaa labo asbuuc kaddib marka ilmuhu guriga yimaado. Kalkaaliso ka socota rugta caafimaadka carruurta (BVC) ayaa guriga idinku imaanaysa.
Image 1
3/9
Inta lagu gudo jiro kulanka waxaad fursad u haysataa inaad ka hadashid ilmahaaga iyo in waalid la noqdo. Waxaa laga yaabaa inaad rabtid inaad ka hadashid ummulidii iyo xaaladda caafimaad ee qoyska.
Image 1
4/9
Waxaa laga yaabaa inaad rabtid inaad ka hadashid nuujinta iyo masaasad ku habidda.
Image 1
5/9
Kalkaalisadu waxay ka hadlaysaa rugta caafimaadka carruurta (BVC) iyo inay hesho warbixinta isbitaalka haddii ay jirto. Waxay baaritaan ku samaynasaa ilmaha, miisaamaysaa oo madaxa ka cabbiraysaa.
Image 1
6/9
Markii guriga booqasho lagu yimaado waxaad fursad u helaysaa inaad baratid kalkaalisada, su´aalo weydiisid oo warbixin ka heshid. Waalid kasta caafimaadka iyo koritaanka ilmihiisa waa u muhiim.
Image 1
7/9
Waxaad heli doontaa warbixin ku saabsan sida loo yarayn karo halista in ilmo yar oo murjuc ah uu si kadis ah u dhinto, in ilmaha yaryar mar kasta dhabarka loo seexiyo. Markii ay soo jeedaan waxay u baahan yihiin in wakhtiyada qaar calool-calool loo dhigo.
Image 1
8/9
Waxaad ka hadlaysaan sasabidda ilmaha yaryar iyo halista ay keeni karto in ilmo yar la ruxo.
Image 1
9/9
Kalkaalisadu waxay idin siinaysaa Fiitamiin-D kaasoo ilmuhu u baahan yahay laga bilaabo markuu 1 asbuuc jiro.