Soomaali/Somaliska

Gobolka Västmanland isaga tallaal tallaalka looga hortago fayruuska

Vaccination mot HPV i Västmanland - somaliskaThe content concerns Västmanland

Haddii aad iska tallaalsho fayruuska HPV, waxaad hoos u dhigaysaa halista in u kugu dhaco kansarka dhuunta ilmogalenka ku dhaca. Fayruuska HPV wuxuu sababa isbedellada unugyada, kuwaasoo kaddib isku roga kansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka. Macnaha ereyga HPV waa [humant papillomvirus] waana fayruus caadi ah.

 

Waa in fayruuska HPV iyo kansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka laga ciribtiro dalka Iswiidan

Haddii aad is-tallaalsho waxaad ku muujinaysaa inaad raali ka tahay, inaad ka qaybgasho cilmibaarista qarmeed, taasoo ulajeedadeeda tahay in dalka Iswiidan laga ciribtiro fayruuska HPV iyo kansarka ku dhaca dhuunta ilmogalenka. Iyadoo la adeegsanayo farsamada digitaalka ayaa nagu wargelin kartaa inaad raali ka tahay inaad ka qaybgasho cilmibaarista, ama waxaad nagu wargelin kartaa goobta lagugu tallaali doono.

Warbixin dheeraad oo ku saabsan cilmibaarista waxaad ka aqrisan kartaa barta internetka hpvcenter se.

Qabso ballanka tallaalka

Haddii aad haweeneey tahay oona aad dhallatay sannooyinkii u dhaxayeen 1994-1999 waxaad qabsan kartaa ballanka tallaalka looga hortago fayruuska HPV kaasoo lacag la`aan ah.

Adigoo isticmaalayo aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee loo yaqaanno [e-legitimation - Bank-ID] guda gal

Sida aad ballan kaga qabsato rugta daryeel-caafimaadeedka ee aad ka tirsan tahay, waa inaad ku guda gasho aqoonsiga farsamada digitalka ku salaysan ee loo yaqaanno [e-legitimation - Bank-ID]. Sidoo kale waa inaad ka qaybgelista cilmibaarista nagu wargeliso oggolanshada.

Yaa is-tallaali karo?

Qof kasta oo rabo wuu iska tallaali karaa fayruuska HPV. Laakin qofka aan weli 29 sano buuxan ama ka da`yar wax lacag ah ma bixinayo tallaalka dartiisa. Tan iyo xilligii dayrta 2020 wuxuu tallaalka looga hortago fayruuska HPV ka tirsan yahay  barnaamij qarmeedka ee tallaalka guud ee wiilasha iyo gabdhaha loogu talagalay. Berri hore nidaamkaani wuxuu khusayn jiray oo keliya gabdhaha.

Dumarka ku nool Gobolka Västmanland

To the top of the page