Sharciyada iyo xuquuqda

Ogolaanshaha galmada

Samtycke vid sex - somaliska

Waa inaad galmo sameysaa kaliya haddii aad rabtid. Qofna looma ogola inuu kula sameeyo wax galmo ah haddii, tusaale ahaan, aad tiraahdo "Maya" ama aad jiiftid. Waa dambi in galmo lala sameeyo qof aanan rabin.

Dhahida "Haa" inaad samayso galmada waxaa loo yaqaan ogolaansho siinta galmada.  

Läs texten på svenska här.

Sharciga ogolaanshaha

Waxaa jira sharci loo yaqaan Xeerka Ogolaanshaha (samtyckeslagen). Waxay ka dhigantahay in laguu ogolyahay kaliya inaad galmo la sameysid qof haddii ay ogolaanshahooda ku siiyaan. 

Waa inuu jiraa ogolaansho waqtiga dhan ee aad galmo sameyneysid. Ogolaanshaha waa in sidoo kale la bixiyaa marwalba oo aad galmo sameyneysid. Waxaa laga yaabaa inaad rabtid inaad galmo u sameysid hal qaab maalintii, laakiin qaab kale oo maalin kale ah.

Lama ogola inaad ku qasabtid qof inuu galmo kula sameeyo 

Waa sharci daro inaad ku qasabtid qof inuu galmo kula sameeyo. Sidoo kale waa sharci daro inaad galmo la sameysid qof aanan muujinin inay rabaan inay galmo sameeyaan. Taasi waa sababta aadan abid qofna ugu cadaadin inuu galmo kula sameeyo. Markaa kadib qofka waxaa laga yaabaa inuu galmo kula sameeyo xattaa haddii aysan dhabtii rabin. Taasi lama mid ahan sida ogolaansho siinta. 

Waxaa loo qaadan karaa kufsi 

Galmo la sameynta qof iyadoon ogolaansho jirin waxaa loo tixgeliyaa kufsi ama weerar galmo. Ciqaabta guud waa xabsiyeyn. 

Iska hubi inuu qofka kale rabo galmo

Waxaa jiro qaabab kala duwan ee lagu ogaado inuu qofka rabo galmo. Halkaan waa tusaalooyinka qaar: 

  • Waxay dhahaan "Haa" inay sameeyaan galmada. 
  • Waxay ku weydiinayaan inaad sii wadid waxaad sameyneysid. 
  • Waxay u muuqdaan inay ku raaxeysanayaan naftooda oo ay farxad ka muuqato. 
  • Way ku taabanayaan oo wayna ku qabsanayaan. 

Weydii qofka haddii ay rabaan inay galmo sameeyaan haddii aadan hubin. Waxaa wanaagsan inaad weydiisid badelkii aad hubaal la'aan ahaan laheyd.

Markii ogolaanshaha aanan la bixin

Halkaan waa tusaalooyinka qaar ee xaaladaha ay sharci darro tahay in galmo qof lala sameeyo: 

  • Qofka ma uusan sheegin ama ma uusan muujinin inay galmo rabaan. 
  • Qofka oo jiifo oo aanan ogayn inaad galmo la sameyneysid iyaga. 
  • Qofka oo la sarqaansan alkulo/khamri ama daroogo oo aanan midkood dhihi karin "Haa" ama "Maya". 
  • Qofka oo dareemo in lagu qasbay ama laga dhaadhiciyay inay galmo sameeyaan.

Haddii qof uu kula sameeyo galmo adigoon ogolaan

Galmada waa inaad raaxo ku dareento oo waa inaad dareentaa badqab. Ma jiro qof loo ogolyahay inuu kula sameeyo wax galmo ah adigoo aan sheegin ama muujinin inaad rabtid inaad sameysid.

La soo xiriir booliska

La soo xiriir booliska haddii aad aheyd dhibanaha weerarka galmada. Linkiga wuxuu ku geynayaa websayd ku qoran Iswiidhish.

La soo xiriir bixiyayaasha daryeelka caafimaadka

Ka soo wac lambarka taleefonka 1177 si lagaaga caawiyo meesha laga helo daryeelka caafimaadka ee aad u baahantahay. Mararka qaar waxaa suurtogal ah in lagu helo caawin luuqadaha aan ka aheyn af Iswiidish iyo Ingiriis. Ka soo wac +46 771 11 77 00 haddii aad haysato taleefon leh lambarka ajaanib ah. 

Waxaad ka heli kartaa taageero weerarka kadib

Iyadoo loo marayo xarunta daryeelka caafimaadka waxaad la hadli kartaa cilmi nafsiile ama la taliye. Waxaa sidoo kale jiro ururo kala duwan ee bixiyo adeegyada taageerada. Halkaan waa tusaalooyinka qaar:

  • Brottsofferjouren. Linkiga wuxuu ku geynayaa websayd af Ingiriis ah, laakiin waxay ku bixiyaan taageero dhowr luuqadood.
  • Terrafem. Linkiga wuxuu ku gaynayaa websayd af Ingiriis ku qoran, laakiin waxay ku bixiyaan taageero luuqado badan.
  • Alla Kvinnors Hus. Linkiga wuxuu ku geynayaa websayd af Iswiidhish ah.

Miyaad galmo la sameysay qof aanan rabin?

Waxaad u baahantahay inaad qaadato mas'uuliyadda haddii aad galmo la sameysay qof aanan ogolaansho bixin. Waa muhiim inaad caawin raadisid si mar kale aadan u sameynin isla waxaas. Waxaa jira daaweyn la heli karo.
 
Waxaad soo wici kartaa qadka caawinta Preventell wixii tallo ah. Linkiga wuxuu ku geynayaa websayd af Iswiidish ah. Waxaad sidoo kale la soo xiriiri kartaa xarunta daryeelka caafimaadka (vårdcentral).

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

Kani waa 1177

Waxaad wici kartaa lambarka telefoonka ee 1177 haddii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah uu jiran yahay. Waxaad soo wici kartaa qadka caawinta waqti walba – maalin iyo habeen – oo waxaad talo ka heleysaa kalkaalisada. Bogga 1177.se ayaa laga helayaa macluumaad caafimaadka iyo cudurrada ku saabsan.

To the top of the page