Wadahadalka arrimaha caafimaadka ee loogu talagalay dadka da`dooda u dhaxayso 60 ilaa 70 sano
Hälsosamtal för dig som är 60 och 70 år - somaliskaLaga bilaabo sannadka aad buuxsato 60 ilaa 70 sano, waxaa rugta daryeel-caafimaadeedka ee aad ka tirsan tahay laga siin doonaa fursadda wadahadalka arrimaha caafimaadka. Booqashada wadahadalka waa lacag la`aan waxaana kahor laga qaadayaa shaybaar.
Waxaad ka warbixin doontaa caafimaadkaaga
Qaabka aad u nooshahay wuxuu saamayn ku yeesha caafimaadkaaga. Waxyaabaha saamayn ku yeesho, waxaa tusaale kamid ah waxa aad cunto, haddii jir-dhaqaajis aad samayso iyo in kale, qaabka hurdada iyo dareenada kadeedka/culayska.
Markii shaqaalaha caafimaadka aad wadahadal la yeelanayso, waxaad ka sheekayn doontaa hab-dhaqankaaga iyo sida caafimaadkaaga u maalintaas yahay. Caafimaad wanaagaaga dartiisa waxaa laga caawini doonaa sidii aad wax ugu beddeli lahayd hab-dhaqankaaga.
Ulajeedada wadahadalka arrimaha caafimaadka, waxaa weeyaan sidii aad u maarayn lahayd caafimaadkaaga oona hoos ugu dhigi lahayd halista jirrada. Hadafka waxaa weeyaan inaad muddo dheer dareento fayoobid. Sida tusaale sidii looga hortegi lahaa jirrooyinka sida stroke, cudurrada wadnaha iyo cudurka sonkorowga, cudurka dhimirka iyo shilalka sababa in qofku u dhulka ku dhaco.
Gundhigga wadahadalka waxaa weeyaan qodobka adiga kugu muhimsan.
Sidatan ayaa loo fulin doonaa
Markii da`daada ay u dhaxayso 60 ilaa 70 sano, wuxuu maamulka rugta daryeel-caafimaadeedka ee aad ka tirsan tahay ku siin doonaa fursadda wadahadalka arrimaha caafimaadka. Wadahadalka arrimaha caafimaadka wuxuu ka kooban yahay saddex tallaabood.
Talaabada 1:aad Waxaad buuxin doontaa foom su`aallo ku qoran yihiin
Warqadda fursadda waxaa ku lifaaqan foom su`aallo ku qoran yihiin. Su`aallaha foomka ku qoran waxaa kamid ah, tusaale nooca raashinka aad cunto iyo haddii jir-dhaqaajis aad samayso iyo in kale iyo haddii aad jirran tahay. Jawaabtaada waxay kaalin ka geysan doontaa, hawlgallada shaqaalaha caafimaadka macnaha sidii ay ugu qabsiin lahaayeen wadahadalka iyo baahida adiga ku gaarka ah.
Sidatan sameey:
1. Booqo barta internetka 1177.se.
2. Ku gudagal adigoo isticmaalayo aqoonsiga loo yaqaanno BankID ama aqoonsi kale oo farsamada elektroonikada ku salaysan.
3. Kadib ka xulo Övriga tjänster [Adeegyada kale].
4. Kadib ka xulo Alla övriga tjänster [Dhammaan adeegyada kale].
5. Kadib ka xulo Hälsosamtal [Wadahadalka arrimaha caafimaadka].
6. Buuxi foomka-waydiimaha kadib soo dir.
Talaabada 2:aad Iska xaadiri ballanka shaybaarka ee lagu qabtay
Maamulka rugta daryeel-caafimaadeedka ee aad ka tirsan tahay, wuxuu ku qaban doonaa ballan lagaga qaadi doono shaybaar. Shaybaarka laga qaadi doono wuxuu ka kooban yahay (cabbirida sonkorta iyo dufunta/kolestaroolka dhiigga). Kadib miisankaaga, heerka dhiig-karkaagaa, dhirirkaaga iyo dhexdaada ayaa la cabbiri doonaa. Looma baahna inaad dharka iska siibtid.
Shaybaarka kadib waxaa lagu qaban doonaa ballanka wadahadalka arrimaha caafimaadka.
Shaybaarka kahor waa inaad soomto 10 saacadood kahor maalinta shaybaarka, macnaha aadan wax raashin ah cunnin, aadan cabbin wax aan ahayn koob yar oo biyo cad ah, aadan calaajinin xanjo, sigaar cabbin ama tubaako cunin.
Talaabada 3:aad: Ka qayb qaado wadahadalka arrimaha caafimaadka
Wadahadalka arrimaha caafimaadka waxaa lagu qaban doonaa rugta daryeel-caafimaadeedka, waxaaana hagi doono qof ah hagaha wadahadalka, tusaale kalkaalisada caafimaadka. Wadahadalka wuxuu qiyaastii qaadan doonaa 1,5 saacado.
Waxaa lagu siin doonaa warbixin kooban oo ku saabsan sida caafimaadkaaga hadda u yahay, hab-dhaqamada caafimaadkaaga saamayn ku yeesho iyo tallaabooyinka aad sare ugu qaadi karto tayada caafimaadkaaga. Warbixinta kooban waxay ku salaysan tahay sadddex qaybood, jawaabtaada ku qoran foomka waydiimaha, natiijada shaybaarkii laga qaaday iyo waxa adiga iyo hagaha hadalka aad ka wada hadashaan markii wadahadalka aad yeelanayseen.
Wadajir ayaa ugu arrinsan doontaan jawaabtaada, waxaana ka wadahadli doontaa qodobada imminka kugu muhimsan. Waxaad ka fekeri doontaa waxa hadda si fiican kugu shaqaynayo. Waxaad kaloo ka fekeri doontaa haddii ay jirto arrin aad doonayso inaad wax ka beddesho. Wadahadalka wuxuu kaalin ka geysan doonaa sii wadista waxa ku wanaagsan, waxaana laga taageeri doonaa haddii aad ku talo jirto inaad tijaabiso hab-dhaqaqan ka duwan kii hore. Wixii aad ku wada heshiisaan waxaa lagu qori doonaa xasuus-qorka bukaan-socodka ee adiga ku gaarka ah. Kadib waxaa lagu siin doonaa nuqulka xasuus-qorka, oo af-iswiidish ku qoran, kaasoo ku qoran waxa aad ku wada heshiiseen.
Wadahadalka arrimaha caafimaadka kadib
Wadahadalka arrimaha caafimaadka kadib, waxaa laga caawini karaa sidii aad u qaadan lahayd tallaabada ku xigta ee aad sare ugu qaadi lahayd heerka fayoobidaada. Taasoo ku xiran arrimihii adiga iyo hagaha wadahadalka aad ku wada heshiiseen.
Tusaale ahaan waxaad xiriir la yeelan kartaa kalkaalisada caafimaadka, dhakhtar ama qof kale oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka oo ka hawgala rugta daryeel-caafimaadeedka. Waxaa kaloo laga caawini karaa sidii aad wax ugu beddeli lahayd caadooyinkaaga, tusaale nooca raashinka aad cunto, heerka aad jir-dhaqaajis u samayso iyo haddii aad ku talo jirto inaad joojiso sigaar-cabbida.
Maraarka qaarkood waxaa dhici karto, in lagu gudbiyo xarumaha caafimaadka ee ku yaalaan gobolka, dhaqdhaqaaq laga helo degmada aad degan tahay ama ururrada kobciya arrimaha caafimaadka iyo fayoobidda.