Uurka leh

Dhibaatooyinka badanaa xilliga uurka la yeesho

Vanliga besvär under en graviditet - somaliska

Markaad uurka leedahay ayuu uurku jidhka siyaabo kala duwan u saameeyaa. Wuxuu keeni karaa dhibaatooyin kala duwan. Dhibaatooyinkaas ayaa dhalmada ka dib kaa taga.

Waxa uu qoraalkani ku saabsan yahay dhibaatooinkan qaar ka mid ah.

Läs texten på svenska här. 

Waa caadi in la yalaalugoodo

Dumar badan ayaa yalaalugooda xilliga ay uurka leeyihiin. Qaarkood ayaa mataga. 

Aad ayaad u daali kartaa

Waa caadi in la daallanaado xilliga uurka la leeyahay.  

Mararka qaar ayay dhiig la'aani daalka keentaa. Umulisada ayaa sidaa darteed markaad rugta umulisada booqato dhiigaaga qiyaaseysa. Waxaad u baahan kartaa inaad macdanta birta dhiiga kordhisa qaadato haddii uu heerka dhiigu aad u dhacsan yahay. 

Caloosha ayaa ku xanuuni karta

Caloosha ayaa siyaabo badan kuu xanuuni karta. Ilmo galeenka ayaa kala baxaaya/koraya iyadoo uu ilmuhu dhaqdhaqaaqayo. Waxaad sidoo kale yeelan kartaa giigsanaan. 

Waxa ku xanuuni kara misigta iyo dhabarka

Xubnaha jidhka ayaa  jilicsan xilliga uurka la leeyahay. Waxaad xanuun ku yeelan kartaa misigta iyo jidhka qeybtiisa hoose. 

Si fudud ayaad hargab u qaadi kartaa

Markaad uurka leedahay ayuu difaaca jidhku hoos u dhacsan yahay. Markaas way ka fududaan kartaa inaad hargab qaado. 

Naasaha ayaa ku xanuuni kara

Naasaha ayaa bilowga uurka weynaada. Waxay isku diyaariyaan inay caano sameeyaan.  

Naasaha ayaa dhamaan inta uurka la leeyahay ku xanuuni kara oo ku giigsanaan kara. 

Dheecaan farjiga ka yimaada

Waa caadi in dheecaan badan la yeesho marka uurka la leeyahay. Dheecaanku waxa weeye dareere farjiga ka soo baxaaya. 

Waxa kugu adkaan karta inaad seexato

Waa caadi inay hurdadu kugu xumaato xilliga uurka la leeyahay. Waxa tusaale ahaan adkaan karta in la helo hab raaxo leh oo loo jiifsado. Dumarka qaar ayaa u baahda inay kacaan oo ay soo kaajaan. 

Kogid muruqyada kubka 

Dumarka qaar ayaa muruqyada kubku kogaan Markaas ayay mudo yar aad kuu xanuunaan. Ma aha wax khatar ah. 

Waxa taas kaa fududaynaysa in la kaco. Waxaad sidoo kale tijaabin kartaa inaad kubka duugto/salaaxdo. 

Waxa ku xidhnaan kara sanka iyadoo aad yeelan karto sanboor

Dareere badan ayaa jidhka ku jira markaad uurka leedahay. Markaas ayay ka fududaan kartaa in dhiig kaa yimaado.  

Waxaad tusaale ahaan yeelan kartaa sanboor. Waxa sidoo kale caadi ah in sanku ku xidhmo. 

U seexo iyadoo madaxu uu sarreeyo 

Isku dey inaad seexato iyadoo uu madaxu sareeyo haddii uu sanku ku xidhan yahay. 

Waxaad isku dayi kartaa biyo milix leh oo aad sanka iskaga shubto. Waxa kuwaas laga soo iibsadaa farmasiiga. 

Isku dey inaad isticmaasho dhibcaha sanka lagu shubo oo aan warqadda dhakhtarka u baahneyn muddo toban maalmood ka badan. 

Lugaha iyo cagaha ayaa ku barari kara

Badanaa waxay lugaha iyo cagahu ku bararaan dhammaadka uurka. Markaas waxa ku caawin kara sharabaadka taageerada.  

Isku day inaad sidoo kale cagaha meel sare saarto markaad jiifto. 

Maqaarka ayaa is bedela

Dumarka qaar ayuu maqaarku dildilaacaa. Waa sida xariijimo maqaarka ku yaala.  Kaama tagaan laakiin waxa la arkaa in wax ka yar la arko dhalmada ka dib.

Waxaad dareemi kartaa niyadjabsanaan

In uur la leeyahay waxay saameyn kartaa niyadda. Dumarka qaar ayaa si ka dhibyar sidii caadiga aheyd ugu dareema niyadjab ama markasta niyadjab dareema. 

Umulisada kala hadal sida aad dareemeyso. 

Dawakhaad ayaad dareemi kartaa

Bilowga uurka ayaa dhiigkarku hoos u dhici karaa. Markaas ayaad dawakhaad yeelan kartaa. 

Dhamaadka uurka ayaa cadaadiska dhiigu uu haddana caadi ku noqon karaa. 

Umulisada ayaa si joogto ah cadaadiska dhiigu ugu qiyaaseysa. 

Calool istaag

Waxa caadi ah in calool istaag la yeesho xilliga uurka. Waxa taas sabab u ah iyadoo uu midhicirku qunyar u shaqeynayo. Ka fikir inaad biyo cabto oo aad socsocoto. 

Tusaale ka mid ah dhibaatooyinka caadiga ah

Waxa halkan ku yaala dhowr ka mid ah dhibaatooyinka caadiga ah ee la yeesho marka uurka la leeyahay: 

  • Dhabar xanuun 
  • Xididada dhiigga oo aad u barara 
  • Babaasiir    
  • Laab dilaac 
  • Wadne garaac badan, wadne garaac aan caadi ahayn 
  • Xiiqsan/hiinfaadhaya          
  • Infegshan/Caabuqa kaadi mareenka. 

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa? 

Haddii aad welwelsan tahay ama aad su'aalo qabto, ayaad umuliso la xidhiidhi kartaa.  

Haddii ay xaaladu degdeg tahay  

La xiriir daryeelka caafimaadka haddii aad ay calooshu kuu xanuuneyso. 

La xidhiidh mid ka mid ah rugahan caafimaadka ee soo socda: 

  • Rugta gargaarka degdega ah haddii lagu jiro qeybta hore ee uurka.  
  • Qeybta dhalmada haddii lagu jiro qeybta danbe ee uurka. 

La soo hadal oo talo ka hel talobixinta telefoonka 1177

Wac telefoonka 1177haddii aad rabto  inlagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Waxa laguu qaban karaa turjumaan  

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballanataada booqashada qabsaneyso. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page