Umusha/dhalmada

Daryeelka ummusha/dhallanka ee guriga

BB Hemma - somaliska
The information concerns Västmanland

Warbixin loogu talagalay dumarka ummulinta kadib hoygooda lagu daryeeli doono

Macnaha BB Hemma waa fursad qaab-daryeelid ku salaysan oo ummulinta kadib, la siiyo hooyooyinka caafimaadka qaba iyo dhallankooda fayow. Ulajeedada nooca daryeelistaan waxay tahay in aad gurigaaga ku laaban karto kadib markii ugu yaraan lex saacadood ay ka soo wareegato ummulinta. Kormeerista ku xigta caadi ahaan waxaa lagu dhaqaaqi doonaa adigoo aqalkaaga ku sugan – beddelka ku hakashada waaxda dhalmada ama aad kadib booqan lahayd xarumaha lagu daryeelo dhallanyada iyo hooyooyinkooda.

Haddii aad buuxinayso shuruudaha daryeelka guriga lagu helo, waxaa lagu siin doonaa fursadda taageerada qof ummuliso ah oo ka hawlgasho waaxda BB Hemma. Daryeelka wuxuu ka kooban yahay:

  • Booqashada guriga
  • Xiriir khadka taleefanka
  • Wadhadal khadka muqaalka lagu yeelan doono

Daryeelka guriga lagugu siin doono waxba kaga ma duwana kan isbitaalka lagugu siin lahaa. Adiga iyo dhallankaaga ba daryeel ayaa toddobaadka ugu horeeyo la idin siin doonaa, sidoo kale xilliga ugu horeeyo taageero ayaa lagu siin doonaa maadaama aad goor dhow ubad dhashay.  

Kahor inta aad guriga ku laaban waa in

  • Hooyada iyo dhallanka ay caafimaad qabaan
  • Qof dhakhtarka ilmaha ah u dhallanka baaray
  • Dhallanka u bilaabay in u wax cuno (nuugo naasaha)
  • La hubiyay qaabka u neefsanayo/ogsijiinka u qaadanayo lagana baaray cagaarshow

In nala siiyo lambarka taleefanka ee saxda ah iyo in taleefanka nalaga qabto waa muhim haddii kale qorshaynta booqashada guriga suurtagal ma noqon doonto.

Dabcan waa la heli karaa fursadda iska joogista waaxda dhalmada haddii lagamaarmaan ay tahay.

Booqashada guriga

Annaga waxaa muhiim inoo ah inaad sida ugu dhaqsida badan heshaan bilaawid amnigeeda sugan tahay, iyo in xubnaha qoyska oo idil helaan taageerada ay u baahan yihiin.

Maalinta ku xigta maalinta aad guriga ku laabataan, waxaa saacadaha u dhaxeeya 08.00-10.00 khadka taleefanka kula soo xiriiri doonto ummulisada. Waxay wax ka waydiin doontaa caafimaadkiinna iyo sida saacadihii ugu horeeyeen ay xaaladaha ahaayeen. Waxaan ka jawaabi doontaa wixii su`aallo cusub ah, haddii loo baahdo waxaan isla maalintaas idinku soo booqan doonaa guriga, sida tusaale in aan idinka caawinno naas-nuujinta waa haddii dhallankaaga aad naas-nuujiso.

Booqashada guriga ee ugu horeeyso waxaa caadi ahaan lagu dhaqaaqa markii dhallanka u 48 saacadood jiro. Xitaa markaas hubinta booqashada darteed, waxay ummulisada khadka taleefanka idinka soo xiriiri doontaa subaxdii. Markii ummulisada ay guriga idinku soo booqan doonto waxay baari doontaa heerka ogsijinka macnaha habka dhallanka u neefsanayo, ka baari doonto cagaarshow, cabbiri doonto miisankiisa kuna dhaqaaqi doonto shaybaarka loo yaqaanno PKU. Shaybaarka PKU waa shaybaar laga qaado dhammaan ilmaha dalka Iswiidan ku dhasheen.

Waxaa dhici karto in dhowr jeer guriga lagugu soo booqdo waa haddii loo baahdo. Sababta tusaale waxay noqon kartaa dabagelista cagaarshow, miisanka ama naas-nuujinta. Waxaa kaloo la heli karaa fursadda xiir ku yeelashada khadka taleefanka oo maalinle ah.

Faahfaahinta xiriirka

BB Västerås

021 17 31 46
Furan habeen iyo maalin

BB Dib u booqashada labaad iyo rugta naas-nuujinta

021 17 31 17
Furan 08.00-15.30

To the top of the page